Qabatinka Internet-ka: Ma dhibaato sii kordheysaa oo saameyn ku leh dunida?

Cam Adair

Xigashada Sawirka, Deepak Kanda

Qoraalka sawirka, Cam Adair

Cam Adair wuxuu ugu dambayntii ogaaday in uu la qabsiga ciyaaraha game-ka ee qaabka online-ka ah ay yihiin wax ka baxsan is xakamayntiisa, taas oo ku kaliftay in uu go'aansado in uu soo afjaro.

"Waxaan la halgamay 10 sano," ayuu yidhi. "Waxaan ka baxay dugsiga sare, weligay ma aadin kulliyad, waxaana iska dhigay qof haya shaqooyin kale, taas oo aan ku khiyaanayay qoyskayga", ayuu yiri.

"Ugu dambeyntii waxaan qoray warqad is-dilid ah, waxayna ahayd habeenkaas in aan gartay inaan u baahanahay in qof i caawiyo aan helo. Hadda waxaan xor ka ahay 3,860-maalmood, ciyaarihii game-ka ee balwadda ii noqday," ayuu intaa ku daray.

Mr Adair, oo ah 32-jir u dhashay dalka Canada, waa aasaasaha barnaamijka dadka doonaya in game-ka internet-ka ee balwadda u noqday ay iska dhaafaan, waxaana barnaamijka lagu magacaabaa Game Quitters.

Waa barnaamijka ay sameysteen koox dadka ka caawiysa khadka tooska ah, gaar ahaan kuwa dhibaatada ay ka haysato ama qabatimay ciyaaraha Internet-ka ama (video games).

Waxaa barnaamijkan hadda xubin ka ah in ka badan 75,000 oo qof oo ku kala baahsan daafaha dunida.

In kasta oo tikniyoolajiyadda, gaar ahaan internet-ka, uu gacan ka geystay in dunida ay horey u socoto, intii lagu jiro feyriska Corona, haddana Cam Adair wuxuu waqtigaas u ahaa mid adag.

"Cudurka safmarka ayaa ii horseeday in aan waqti badan ku qaato daawashada muuqallada iyo dadka dheela ciyaaraha kombiyuutarka iyo daawashada YouTube," ayuu yiri Adair.

wiil yar o ciyaaraya ciyaaraha internetka (Videa Game)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, wiil yar oo ciyaaraya ciyaaraha internetka (Videa Game)

Xarunta dawooyiinka iyo caafimadka Mareykanka ayaa warbixin ka soo saartay dadka la qabatimay oo balwadda uu u noqday Internet-ka.

Qofka oo aan iska xakameyn karin isticmaalka internet-ka iyo game-ka kumbuyuutarada, ayay xarunta u aragtaa balwad adag oo dad badan ay la qabsadeen.

In kastoo ay dad badan ku doodaan in la qabsiga Internet-ka uusan halis u ahayn sida balwadaha kale ee maandooriyayasha ah, haddana internet-ka waa dhibaato dad badan ay u nugul yihiin.

"Fikirka nolosha wuxuu horseedaa damaca qof ee ah in uu isticmaalo isaga oo ka baxsanaya walwalka," ayuu yiri.

"Feyriska Corona ayaa sii kordhiyay walaaca dhanka nolosha ah ee ay dad badan qabaan", ayuu yiri Dr Andrew Doan, oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga neerfayaasha iyo sidoo kale la qabsiga internet-ka

"Isticmaalka xad-dhaafka ah, si uu qofka uga baxsado walwalka waa halis muujinaysa in qofka uu sheyga balwad u noqday ama uu la qabatimay ." ayuu intaa ku daray.

Si dadka la qabatimay internet-ka looga caawiyo in ay iska daayaan ama yareeyaan internet-ka, dhowr shirkadood oo dhanka tiknoolajiyadda ah ayaa soo saaray qalab loo adeegsan karo xannibaadda ama xaddidayo in qofka uu galo baraha internet-ka.

Linewize waa mid ka mid ah shirkadaha noocan ah, oo loogu talagalay in carruurta iyo waalidiinta lagaga xaddido adeegsiga badan ee Internet-ka.

Bogagga internet-ka iyo app-ka ayaa u oggolaanaya waalidiinta in iyaga oo guriga ka maqan ay xaddidaan oo ay kormeeraan wakhtiga badan ee ay carruurta ku bixiyaan ciyaaraha game-ka ee kombiyuutarada ama taleefoonada.

Linewize sidoo kale waxaa ku jira aalad "lagu xiro" oo looga hortago in ay caruurta galaan baraha lagu faafiyo muqaalada anshax xumada ah.

Caruur taleefoon iyaga oo ciyaaraya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Caruur taleefoon iyaga oo ciyaaraya

Teodora Pavkvic, oo ah aqoonyahan ku takhasusay cilmi-nafsiga, ahna khabiir dhanka tiknoolajiyadda, oo deggan San Diego, ayaa sheegtay in dhallinyarada ay si gaar ah ugu nugul yihiin in ay wakhti badan ku qaataan internet-ka.

Balse waxay intaa ku daray in waalidiinta qaar, marka ay caruurta qaangaar yihiin, ay u ogolaadaan isticmaalka badan ee internet-ka.

"In qofka uu Maareeyo wakhtiga uu internet-ka uu ku bixinayo, oo uu isu dheelitiro caafimaadkiisa, waa mid u baahan garsho aad u heer sareeysa, taasi oo uusna qofka si buuxda u gaareyn illaa aan ka gaarnno da'da 25 sano," ayay intaa ku dartay.

Dadka waawayn, ayaa marka internet-ka laga reeb, waxay sidoo kale la qabatimaan ciyaarta khamaarka, waxaana soo baxay barnaamijyo online ah oo lagu ciyaaro.

BetBlocker waa barnaamij u oggolaanaya dadka in ay iska xiraan tobannaan kun oo bogag oo ah kuwa khamaarka.

Nin dheelaya mid ka mid ah ciyaaraha internet-ka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Nin dheelaya mid ka mid ah ciyaaraha internet-ka

Marka la xaddido website-yadan, qofka ma geli karo aaladaha khamaarka ilaa wakhtiga iyo taariikhda uu ku xiray ay ka gareyso.

App-ka BetBlocker - oo ah lacag-la'aan - waxaa xannibi kara lamaanahaaga, saaxiibkaaga, ama waalidka.

Dadka Isticmaala waxay xannibi karaan aaladaha khamaarka saacado, maalmo, ama toddobaadyo.

Dadka waxay sidoo kale isticmaali karaan app-ka si ay u xannibaan bogagga kale, sida kuwa ciyaaraha.

GamBlock waa app kale oo loo isticmaali karo si la mid ah BetBlocker, si looga hortago in qofka uu galo goobaha internet-ka ee khamaarka lagu dheelo.

Madaxa shirkaddan laga leeyahay dalka Australia, David Warr, ayaa yiri: "Ma nihin khamaar-diid. Taa beddelkeeda waxaan diiradda saarnaa caawinta dadka dheela khamaarka ee dhibaatada kala kulma."

Dr Doan oo isagu ka mid ahaa dadka la qabatimay ciyaaraha ama (video games), waxaa uu soo maray waddo adag.

Wuxuu sheegay in intii uu jaamacadda ku jjray uu 80 illaa 100 saacadood ciyaari jiray game-ka, toddobaadkiiba, islamarkana uu muddo 10 sano ah waday arrintaas".

Qof guriga ka soo shaqeynaya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qof guriga ka soo shaqeynaya

Si kastaba ha ahaatee, Cam Adair wuxuu ku rajo weyn yahay in shirkadaha tiknoolajiyadda, sida Linewize, BetBlocker iyo GamBlock, ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan in uu iska dhaafo ciyaaraha game-ka internet-ka.

Waxay muhiimadu tahay in qof kasta oo ka welwelsan nooc kasta oo ka mid arrin balwad u noqotay ama uu la qabatimay, in uu la xiriiro dhakhtar.

Adair sheekadiisa oo qeyb ka ah cilmi-baaris la sameeyay, hadda waa nin fagaareyaasha ka hadla, isaga oo dadka ka wacyigaliya qabatinka internet-ka.