Google oo maalin kasta ka hortagta 18 malyan oo ah farriimo ka yimid burcad

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxaha burcadda ah ee jabsada baraha internet-ka iyo Email-lada waxay 18 malyan oo farriin oo ku saabsan xannuunka Covid-19 u diraan dadka maalin kasta isticmaala barta Gmail-ka, sida ay sheegtay shirkadda Google.
Shirkaddan weyn waxay sheegtay in cudurka safmarka ah ee coronavirus uu horseeday inay soo kordhaan weerarrada kooxaha jabsada xogta barta internet-ka kuwaas oo dadka u soo dirayo farrimo si ay u dhacaan xogtooda.
Shirkadda waxay sidoo kale sheegtay in meesha ay ka saareyso 100 malyan oo farriin ah oo ka timid kooxahan dhaca geysta.
Dhibaatada ka dhalatay fayraska waxay horseeday weerarkii ugu weynaa oo ay geystaan kooxaha dhaca ka geysta internet-ka, sida ay sheegtay shirkaddan teknooloojiyadda.
Barta Email-lada ee Gmail waxaa adeegsadaa in ka badan 1.5 bilyan oo qof.

Waxay dadka qaar ee isticmaala internet-ka u soo direen Email-lo dhowr ah oo ay isaga dhigayaan sida mas'uuliyiin ka tirsan Ha'yadda Caafimaaka Adduunka, iyagoo isku deyaya in dadka uu xanuunkan saameeyay ay kaga dhaadhiciyaan inay soo dejistaan barnaamijyo ama inay wax ku tabarucaan.
Kooxaha dambiyada ka geystaa internetka waxay isku deyayaan inay ka faa'ideystaan tageerada dhaqaale ee ay dowladaha bixiyaan si ay isaga dhigaan ha'yadaha dowladda ee deeqda gaarsinaya shacabka.
Shirkadda Google waxay ku anddacoontay in qalabkeeda xogta uu suurogeliyay inay qabato ayna tirto boqolkiiba 99.9% Email-lo been abuur ah oo loo diray macaamisheeda oo looga gollahaa in lagu jabsado xogtooda.

Waxaa sare u kacay xilligan lagu gudo jiro fayraska safmarka ee Covid-19, weerarrada ay geysanayaan kooxaha dhaca ka geysta barta internetka, sida ay sheegayaan shirkadaha la socda amniga online-ka.
Shirkadda Barracuda Networks waxay sheegtay in boqolkiiba 667% ay sare u kaceen farriimaha la isugu dirayo Email-lada been abuurka ah xilligan uu dunida ka taagan yahay Covid-19.
Kooxaha burcadda internet-ka waxay Email-lo been abuur ah iyo farriimo u dirayaan dadka iyagoo iska dhigaya in ay matalayaan dowlad, Ha'yadda Caafimaadka Adduunka, xarunta ka hortagga cudurrada iyo xitaa shaksiyaad ka tirsan dowladda Mareykanka oo uu ka mid yahay madaxweyne Donald Trump.
"Weerarrada kooxahan waxay ka siman yihiin in ay horseedaan kicin bulsho ama dareen sababi kara in aad tallaabo qaaddid ama in si hoose aad uga fakartid ficiladaada xilliggaas," waxaa sidaas yiri Scott Helme oo cilmi baare madax bannaan ah oo dhanka amniga internet-ka ah qaabilsan.
"Dhibaatada coronavirus waa mowduuca ugu weyn ee dhaliyay dareen shacabka, sidaa darteed kooxaha dambiyada ka geysta internet-ka wey la socdaan arrintan, waxay ku rajo weyn yihiin in dadka ay gujiyaan farrimaha loo soo diray ama inay raacaan talooyin khaldan si ay dabbin ugu dhigaan."
"Ka faa'ideysiga"
Khuburrada waxay sidoo kale arkeen baro internet ah oo been abuur ah iyo adeegyada qaar oo aanan been abuur aheyn oo faafinaya macluumaad ku saabsan coronavirus.
Mid ka mid adeegyada ayaa ku sheegtay in dadka ay ka caawinayaan la socodka wararka fayraska balse waxay dhac u geysanayaan teleefoonada isla markaana waxay weydiisanayaan lacag si ay dib ugu soo celiyaan xogta.
Toddobaadkii lasoo dhaafay, waaxda qaran ee arrimaha nabadgeliyada internet-ka ee UK iyo waaxda arrimaha gudaha Mareykanka waxay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay ku sheegayeen inay arkeen in weerarrada kooxaha burcadda internet-ka ay sare u kacayaan isla markaan ay ka faa'ideysanayaan dhibaatada Covid-19.













