Dawadii quruxda oo Dameeraha gashay

Steve gaari-dameer ayuu biyo ku dhaamiyaa si uu ugu maareeyo noloshiisa. Ku dhawaad 20 jiirgaan ayuu biyaha ku shubaa ka dibna waxa uu u geeyaa macaamiishiisa.
Balse dhowr maalmood ka hor, Steve waxaa dameerkii ka xaday dad aan la aqoon, kuwaas oo isticmaalaya haraggiisa si ay daawo uga sameeyaan.
Dameerka Steve waxaa la xaday xilli uu ku maqnaa deegaankiisa. “Labo maalmood ayaan raadinayay dameerkeyga mana helin,” ayuu yiri.
Sida uu sheegay seddax maalmood ka dib waxaa soo wacay saaxiibkii oo u sheegay inuu arkay dameerkiisa oo dhintay.
Dameeraha waxaa lagala baxaa haragga waana ganacsi muran ka taagan yahay oo adduunka ka jira. Waxaa laga helaa wax la yiraahdo 'Gelatin' oo daawo laga sameeyo. Shiinaha ayaana aad looga doonayaa, waxaana looga yaqaan Ejiao.
Daawadan ayaa la sheegay in ay kor u qaadeyso caafimaadka quruxda iyo dhallinyarannimada. Si loo sameeyo ‘Gelatin’ waxaa la kariyaa haragga dameerka kaas oo ugu dambeyn laga dhigo budo, kaniini ama dareere.

Xigashada Sawirka, THE DONKEY SANCTUARY
Dadka ka horjeeda ganacsigan waxay sheegeen in Steve iyo dadka kale ee la midka ah ee noloshoodu ku tiirsaneyd dameerka ay dhibaato ku tahay daawadan.
Warbixin cusub ay soo saartay hay’adda Britian laga leeyahay ‘The donkey Sanctuary’ oo ka horjeeday ka ganacsiga haragga dameeraha ilaa iyo 2017-kii ayaa ku qiyaastay ku dhawaad 5.9 milyan oo dameer in adduunka sanad kasta loo dilo si haragga looga bixiyo.
Shiinaha inta dameer ay u dilaan si loo same daawadan way adag tahay in la helo.
Dameeraha ku nool qaaradda Afrika waxaa lagu qiyaasay 53 milyan in ay gaarayaan.

Xigashada Sawirka, THE DONKEY SANCTUARY
Dhoofka haragga dameeraha dalalka qaar waa la ogol yahay iyadoo kuwa kalena mamnuuc ka yahay. Qiimaha sare ee uu jooga haragga dameeraha iyo sida weyn ee loo doonayo ayaa ka dhigtay in la xado lana dilo dameerka.
Inta badan dalalka Afrika iyo Brazil ayaa doonaya in ay mamnuucaan in la dhoofiyo haragga dameeraha. Soloman Onyago oo la shaqeeya ‘Donkey Sanctuary’ ayaa sheegay in kala bar dameeraha Kenya la dilay.
Dameeraha waa gaadiid lagu qaado alaabaha, biyaha iyo cuntada meelo badan oo adduunka ah, waxayna muhiim yihiin nolosha dadka miyiga ku nool ee saboolka ah.
Hadii Afrika iyo Brazil laga mamnuuco waxaa suuragal ah in ganacsigan uu u wareego meelo kale.

Xigashada Sawirka, THE DONKEY SANCTUARY
Wasiirka beeraha iyo arrimaha reer miyiga waxa uu sheegay in tirada dameeraha dalka ay 2 milyan hoos u dhacday laga bilaabo 1990-kii ilaa iyo 2021kii.
Shirkadaha Shiinaha markii ay bilaabeen in ay iibsadaan haragga dameeraha waxaa Afrika, Koonfur Ameerika iyo Aisa laga furay xarumo lagu qalo. Dalal ay ka mid yihiin Tanzania iyo Ivory Coast ayaa laga mamnuucay in dameeraha la dilo.
Dalka Itobiya cunista hilibka dameeraha waxaa loo arkaa ceeb. 2017-kii waxaa la xiray mid ka mid ah kawaanada dameeraha lagu qalo ka dib markii si weyn baraha bulshada loogu baahiyay cabashada dadweynaha. Maqaarka dameeraha waxaa loo dhoofiyaa hab sharcidarro ah.

Xigashada Sawirka, Getty
Dalalka soo koraya dameeraha qiimo weyn ayey u leeyihiin dhaqaalahooda. Ejiao waxaa aad u iibsada dumarka Shiinaha ee maalqabeenka ah. waa dawo kumanaan sano soo jirtay oo la aaminsan yahay in ay leedahay faa’iidooyin badan sida in ay kor u qaaddo tayada dhiigga iyo hurdo la’aanta.













