Halista Soomaaliya uga imaan karta hal deegaan doorasho iyo sida ay tahay in loo xalliyo

Xigashada Sawirka, UNSOM
- Author, Dr Afyare Cilmi
- Role, Cilmi baare, City University
“Shuruucda ku saabsan Xisbiyada, Diiwaangelintooda, Doorashooyinka heerka dowladda federaalka ah iyo Guddiga Qaranka ee Madaxbanaan ee Doorashooyinka, waxaa lagu qeexi doonaa shuruuc gaar ah oo uu soo saaro Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.” Qodobka 47aad, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa si xoog leh uga socda dalka doodaha la xiriira wax-ka-baddalka dastuurka. Doodahani waxay ka dhasheen heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ). Golahan gaaray go’aamadan wuxuu ka kooban yahay madaxda dowladda dhexe iyo inta badan madaxda dowlad-goboleedyada oo aysan ku jirin Puntland. Qormadani waxay ku saabsan tahay heshiiska uu Goluhu ka gaaray nidaamka doorashooyinka.
Maxay kala yihiin nidaam-doorashooyinka laga doodayo?
Baarlamaank 10aad wuxuu sameeyey xeerka nidaamka doorashooyinka oo ku salaysan ‘horreeyaa guuleysta’ (first past the post). Laakiin madaxda Golaha Wadatashiga Qaranku waxay ku heshiiyeen in dalku qaato nidaamka doorashooyinka ee Liiska Xiran ee Metelaadda Isku-Dheeli-tiran (Closed-List Proportional Represenation). Dhanka deegaan-doorashadana waxay ku saleeyeen hal-deegaan doorasho (One National Constituency/Political District).
Hab-doorashada ah “horreeyaa guuleysta” (first past the post) ee lagu kala adkaanayo cod-dheeridu waa hab aad u sahlan. Kursiga waxaa la dhigayaa deegaan doorasho xaddidan sida Degmada Shangaani oo kale. Waxaa ku tartamaya musharrixiin ka kala socda xisbiyo kala duwan. Dadku waxay kala dooranayaan musharrixiinta. Musharraxa ugu cod-bata ayaa ku guuleysanaya kursiga. Waa sida ciyaaraha oroddada oo qofkii ugu hormara uu tartanka ku guuleysanayo. Waa nidaamka ay isticmaalaan dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Canada. Xeerka doorashada ee hadda jira ee aan weli dhaqan-gelin ayaa sidan ku dhisan.
Dhanka kale, hab- doorashada “matalaadda isku dheelli tiran” (proportional representation) waxaa ku dhaqma dalalka Yurub. Xisbi kastana wuxuu helayaa kuraas u dhiganta boqolley ahaan tirada codka uu helay. Haddii xisbigaagu helo 30% codka dadweynaha, wuxuu helayaa 30% kuraasta baarlamaanka. Habka Metelaadda Isku-Dheelli-tiran waxaa loo qeybiyaa laba nooc oo kala ah liiska xiran iyo liiska furan. Marka la fududeeyo, liiska xiran waa marka uu qofku dooranyo xisbi, kan furana waa marka la dooranayo musharrax.
Marka laga hadlayo deegaan-doorashada, waxaa la kala dooranayaa laba khiyaar oo kala ah in dalka oo dhan laga dhigo hal deegaan doorasho iyo in dalka loo qeybiyo deegaan-doorashooyin badan (multi-districts). Tan hore, Soomaaliya oo dhan waxay noqonaysaa hal-deegaan doorasho oo ay taal 275 kursi oo Golaha Shacabka ah. Xisbi kasta wuxuu u gudbinayaa liis ay ku qoran yihiin magacyada musharraxiintiisa. Dadku waxay kala dooranayaan xisbiyo. Haddii uu xisbiga A helo 30% codadka dadweynaha, wuxuu qaadanayaa 30% kuraasta baarlamaanka oo u dhiganta 82 kursi. Waxaana lagu qorayaa 82-da qof ee ugu horreysa liiska uu xisbigu u gudbiyey Guddiga Doorashooyinka.
Doorashada go’aankan waxaa saldhig looga dhigay in hirgelintiisu sahlan tahay, islamarkaasna lagu xallin karo inay siyaasadda ka qeyb-galaan haweenka iyo barakacayaashu. Sidoo kale, siyaasiyiinta taageersan waxay ku doodayaan in Somaliland metelaaddeeda lagu xallinayo. Nidaamkani wuxuu aad ugu liitaa dhanka la xisaabtanka. Maaddaama ay degmadu weyn tahay, xisbiga uunbaa la xisaabtamaya xildhibaanka ee dadku ma la xisaabtami karaan.
Khiyaarka kale, waa in la badiyo deegaan doorashooyinka ama degmooyinka-siyaasadeed is loogu fududeeyo in muwaadiniintu la xisaabtamaan siyaasiyiintooda. Sida ugu wanaagsan ee ay cilmi-baarisyadu ku talinayaan waa in deegaan-doorashada ama degmo-siyaasadeedka la dhigo ugu badnaan 10 kursi. Tusaale, degmada Jowhar oo kale ayaa la dhigayaa 10 kursi, waxaana ku tartamaya xisbiyada. Xisbiga B hadduu helo 40% tirada codadka dadka deggan Degmada Jowhar, wuxuu helayaa afar kursi oo ka mid ah 10-ka degmada taal, waxaana lagu qorayaa afarta qof ee ugu horreysa liiska uu la wadaagay Guddiga Doorashooyinka. Waa arrin muhiim ah laakiin aan hirgelintiisu sahlanayn waayo waxaa muran badan ka imanaya halka la dhigayo kuraasta iyo tirada la dhigayo.

Xigashada Sawirka, ISS
Maxaan ka baran karnaa waayo-aragnimadeenna doorashooyinka?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii ugu horreysay waxaa yeeshay nidaam-doorasho gobolkii uu Talyaanigu gumeysan jiray ee Soomaaliya sanadkii 1954. Intii aan xorriyadda la qaadan, doorashooyinka dowladaha hoose (1954 iyo 1958) iyo doorashooyinka guud (1956 iyo 1959), waxaa lagu galay nidaamka liiska xiran ee metelaadda isku-dheelli-tiran oo ku saleysan degmooyinka badan (closed list proportional representation and multi-district system). Markii xorriyadda la qaatay waxaa la mideeyey labadii nidaam-doorasho ee labada gobol ee midoobay, waxaana la qaatay kii Soomaaliya oo ku salaysnaa liiska xiran ee metelaadda isku-dheelli-tiran iyo degmooyin badan. Waxaana lagu galay doraashooyinkii guud iyo kuwii dowladaha hoose ee 1964 iyo 1969. Haddaba, sida muuqata, waxaa jira waayo-aragnimo Soomaaliyeed oo la tixraaci karo oo ku aaddan xeerinta doorashooyinka.
Dhanka kale, marka loo soo gudbo waayaha cusub iyo jamhuuriyadda 3aad, sida ku cad qodobka 47 ee dastuurka ee aan ku soo xigtay kor, baarlamaanka ayaa u xilsaaran xeerinta nidaamka doorashooyinka dalka. Dabcan, sida xeerarka kale, waa lagala tashanayaa maamul-goboleedyada.
Runtii, dowladdii hore ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” waxay u saartay guddi farsamo markii ay xukunka la wareegtay sanadkii 2017. Guddigaas waxaa hoggaaminayey wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana laga soo xulay hey’ado badan oo kala duwan. Guddigaa waxay soo go’aamiyeen in dalku qaato nidaamka doorashooyinka ee liiska xiran ee metelaadda isku-dheelli-tiran oo ku saleysan hal deegaan siyaasadeed (closed-list proportional representation based on one national district).
Ha yeeshee, madaxweyne Farmaajo wuxuu kala tashaday madaxda maamul-goboleedyada sanadkii 2018, waxayna la qaateen nidaamka uu soo jeediyey. Muddo saddex bilood ah kadib, madaxda gobolladu waa ay is-baddaleen, waana ay ka horyimaadeen. Waxay diideen in nidaamka doorashooyinka lagu saleeyo hal-deegaan doorasho ama degmo-siyaasadeed. Waxay soo jeediyeen in maamul-goboleed kasta uu noqdo deegaan-doorasho (federal-member-state based constituency).
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-Wasaare Kheyre waxay goosteen inay iska dhaga-tiraan diidmada ka timid gobollada. Waxayna u gudbiyeen Golaha Wasiirrada xeer ay soo diyaariyeen nidaam doorashada ‘liiska xiran ee metelaadda isku-dheellitiran’ oo ku salaysan hal-deeegaan-doorasho. Si kastaba ha ahaatee, Golaha Wasiirradu waxay u gudbiyeen baarlamaankii 10aad xeerka nidaamka doorashooyinka oo ay qeyb ka mid ahi ko hor-imanayso dastuurka. Runtiina, baarlamaanku waa uu diiday
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-Wasaare Kheyre waxay goosteen inay iska dhaga-tiraan diidmada ka timid gobollada. Waxayna u gudbiyeen Golaha Wasiirrada xeer ay soo diyaariyeen nidaam doorashada ‘liiska xiran ee metelaadda isku-dheellitiran’ oo ku salaysan hal-deeegaan-doorasho. Si kastaba ha ahaatee, Golaha Wasiirradu waxay u gudbiyeen baarlamaankii 10aad xeerka nidaamka doorashooyinka oo ay qeyb ka mid ahi ko hor-imanayso dastuurka. Runtiina, baarlamaanku waa uu diiday
Cilmi-baaris aan mowduucan ka sameeyey waqtigaas, waxay xildhibaannadu ii sheegeen inay ku diideen sharcigan afar sababood. Kow, inuusan waafaqsanayn dastuurka ka sokow, waa lagu saleyn waayey nidaamka awood-qeybsiga beelaha ee 4.5. Qabaa’il badan baa kuraastooda waynaya. Labo, xildhibaannadu waxay ku doodeen in nidaamkani uu siinayo awood badan magaaloyinka waaweyn, gaar ahaan Muqdisho oo waxaa dhici karta inay soo saarto xildhibaanno badan. Saddex, nidaamkani wuxuu awood badan siinayaa madaxda xisbiyada (party bosses).
Ugu dambeyntii, guddi uu baarlamaanku u saaray arrinkan ayaa soo jeediyey in la diido nidaamka ay xukuumaddu keentay, islamarkaasna la qaato nidaamka doorashooyinka ee ‘horreeye ayaa guuleysta (first past the post)” oo ku salaysan 275 degmo-siyaasadeed qabiilaysan. Macnaha, reer walba kursiga ay hadda haystaan ayaa degmo-siyaasadeeed u noqonaya. Sharcigaas ayaa baarlamaanku xeeriyey, madaxweynuhuna saxiixay. Sidaas darteed, dalku waa leeyahay xeer doorashooyin. Waxaase aad u adag sidii loo hirgelin lahaa xeerka.
Xaalkoo halkaas joogaa ayaa Golaha Wadatashiga Qaranku dooddii u celiyey halkii ay joogtay 2018 ka hor. Goluhu wuxuu u raray arrinkan inuu qeyb ka noqdo hawsha dib-u-eegista dastuurka. Runtii, xeerka doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee Madaxweyne Xassan Sheekh uu riixayo wuxuu la mid yahay xeerkii Madaxweyne Farmaajo laga diiday. Labaduba waxay ku socdaan qarda-jeex.

Xigashada Sawirka, Democracy in Africa
Maxaa loo baahan yahay marka la sameynayo nidaam doorasho?
Nidaamka doorashadu waa habka codadka ay dadweynuhu bixiyaan loogu baddalo kuraasta baarlamaanka. Sida ay tilmaameen khubaradu, marka dal loo dejinayo nidaam doorasho, waxaa muhuum ah shan su’aalood laga jawaabo?
Kow, waa kee nidaam-doorashada ku habboon xaaladda laga talinayo? Waa in si qoto dheer looga fekero hannaanka doorashada ee ku habboon xaaladda markaas ka taagan dalka loo samaynayo nidaamka (context-appropriate). Waxaa inta badan la kala doortaa nidaamyada hal-dheeriga (first past the post), iyo matalaadda isku dheeli tiran (proportional representation) ee aan kor ku soo sharxay. Sida kor ku xusan, baarlamaanku waxay xeeriyeen kan hore, GWQ-na waxay soo jeediyeen kan dambe.
Labo, dadweynuhu ma waxay dooranayaan xisbiyo mise qof? Marka uu qofku codka bixinayo, maxaa ku qoran warqadda uu ku codeynayo? Sidoo kale, baarlamaanku waxay xeeriyeen in qof la dooranyo, halka GWQ ay dooneyso in xisbi la doorto. Saddex, imisa deegaan doorasho ayaa la sameynayaa? Imise kursi ayaase halkii deegaan doorasho ama degmo la dhigayaa? Tusaale, degmada Kismayo waxaa tiil saddex kursi xilligii dowladdii rayadka ahayd. Baarlamaanku waxay sameeyeen xeer dalka u qeybinaya 275-degmo siyaasadeed oo awood-qeybsiga beelaha ku dhisan. GWQ waxay soo jeedisay in hal-deegaan doorasho uu noqdo dalka oo dhan. Afar, waxaa laga heshiiyaa tirada baarlamaanka, waxaana jira qaaciddooyin lagu saleeyo oo culumada siyaasaddu ay raacaan. Tirada Golaha Shacabka waa la isku waafaqsan yahay inay ahaato 275. Ugu dambayn, waxaa la go’aainayaa tirada ugu yar (threshold system) ee xisbiyada laga doonayo si ay kuraas u helaan. GWQ waxay soo jeedisay in laba xisbi kali ah uu dalku yeesho.
Ma quman tahay in la baddalo xeerkan?
Dabcan waa la baddali karaa xeer kasta haddii loo maro hannaanka sharciga ah.
Marka la kala xulanayo nidaamyada doorashooyinka waxaa jira halbeegyo la raaco. Waxaa ugu muhiimsan isku-dheelli-tirnaanta ama isla-ekaanshaha tirada soo saari karta xildhibaan (proportionality), iyo isla-xisbaatan ama hannaan hubinaya in dadka deegaanka ee doortay ay yaqaannaan oo la xisaabtami karaan xildhibaankooda (accountability). Waxaa kale oo aad loo fiiriyaa sida uu hannaanka la qaadanayo uga ilaalinayo nidaamka siyaasiyiinta xagjirka ah (moderating politician’s behavior). Gaar ahaan, marka loo samaynayo dad qeybsan nidaam doorasho waa in laga ilaaliyo siyaasiyiinta leh dhaqanka xagjinimada iyo kala fogeynta dadka. Ugu dambayn, waxaa lama huraan ah in la tixgeliyo khibradda ay siyaasiyiintu doorashada u leeyihiin.
Anigu waxaan marar badan ku dooday, welina aan rumeysanahay in nidaamka doorashooyinka ee dalka ku habboon uu yahay nidaamkii aan lahayn 1954-1969 ee ahaa liiska xiran ee metelaadda isku-dheelli-tiran oo ku salaysan degmooyin badan (Closed-List Proportional Representation based on multi-constituencies). Soomaaliya oo aqoon ahaan iyo dhaqaala ahaanba ka hooseeysa heerka ay maanta joogto ayaa hirgelisay hannaan kulansiinaya halbeegayada aan sare ku soo sheegay sida nidaam fudud oo haddana suurtagalinaya isla-xisaabtanka (accountability).
Dowladdii Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo tan Madaxweyne Xassan Sheekh ee hadda jirtaba waxay qaateen qeybta hore ee nidaamka oo liiska xiran ee metelaadda isku-dheelli-tiran. Waxay labaduba dooneen inay dalka oo dhan ka dhigaan hal deegaan-doorasho iyagoo ka eegaya danaha siyaasiga ee xisbiyadooda.
Gabagabo: Maxaa la gudboon baarlamaanka?
Waxaan soo jeedinayaa in xeerinta nidaamka doorashooyinka iyo kan xisbiyada ay baarlamaanku dib ugala soo noqdaan madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka iyo nidaamka dib-u-eegista dastuurka.
Waxaa baarlamaanka u furan laba waddo midkood. Kow, baarlamaanku wuxuu xukuumadda ku amri karaa inay fuliso xeerka baarlamaanka ee hadda jira oo ku salaysan habka qabaliga ah ee 4.5. Waa haddii aan hannaanka awood-qebsiga beelaha si rasmi ah u degnay oo aan laga guureyn. Dabcan, waa xeerka dalka u yaal ee baarlamaan ansixiyey, madaxweynena saxiixay. Aniguse waxaan qabaa aragti kale.
Tan kale, haddii laga guurayo hannaanka beelaha ee 4.5, baarlamaanku waa inuu wax ka baddalo xeerka hadda jira isagoo ku salaynaya nidaamka doorashooyinka ee liiska xiran ee metelaadda isku-dheelli-tiran oo ku salaysan degmooyin badan (closed-list PR based on multi-constituencies). Doorashadii dadbanayd ee ugu dambaysay waxay ka dhacday 10 degmo oo ku taal shan maamul-goboleed iyo Muqdisho. Yaan dalka dib loogu celin hal deegaan-doorasho.
Waxaa ila quman in hore loogu sii socdo oo degmooyinka la sii badiyo. Waxaa habboon in la geeyo kuraas degmo kasta oo qaadi karta ugu yaraan ilaa saddex kursi. Caadadu waa in shan ilaan toban kursi ay degmadu yeelato. Tan macnaheed ma ahan in degmooyinka siyaasadda lagu fariisin karo hannaanka awood-qeybsiga beelaha ee 4.5. Waase loo dhaweyn karaa.
Ugu dambeyn, haddiiba ay dhab ka tahay dowladda inay rabto doorasho, waxaan qabaa in laga billaabo Xamar oo ay degmooyinku doortaan golayaasha deegaanka iyo duqa magaalada. Marka taas ficil ah loo arko ayaa la qiimeyn doonaa.
War iyo dhammaan, dooddeydu waxay ku soo urureysaa in nidaamka doorashooyinka laga dhigo liiska xiran ee metelaadda isku-dheelli-tiran oo ku qotoma degmooyin badan, laguna billaabo degmooyinka Xamar. Waxaan si faahfaahsan ugu soo bandhigay dooddan dhowr cilmi-baaris oo aan qoray shanti sano ee ugu dambaysay. Waana kan midkii ugu dambeeyey.
Afyare Cabdi Cilmi waa macallin cilmi-baare ah oo ka tirsan Jaamacadda City ee Muqdisho. Wuxuu ku taqasusay cilmiga siyaasadda, wuxuuna PhD ka qaatay Jaamacadda Alberta, Canada. Wixii aragti ah waxaa gaar u leh qoraaga, mana ka turjumeyso aragtida BBC.













