Afyare Cilmi: "Walwalka ii muuqdo waa in khilaafka siyaasiga ah uu gacan ka hadal isu bedelo"
Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in agaasimihii cusbaa ee uu sida ku meelgaarka ah uu madaxweyne Farmaajo ugu magacaabay inuu hogaamiyo hay’adda sirdoonka Soomaaliya uu la wareegay xilka xafiiska xarunta dhexe ee hay’adda, sida lagu baahiyay barta rasmiga ah ee twitter ka hay’adda.
Isla dhisamaha xarunta dhexe ee sirdoonka iyo wadooyinka soo gala ayaa lagu arkayaa ciidamo farabadan iyo gawaarida gaashaaman.
Galinka dambena waxa la filayaa sida qorshuhu yahay inuu xaruntaas tago agaasimaha uu sida ku meelgaarka ah hay’addaasi ugu soo magacaabay ra’isul wasaare Rooble, waxayna taas dhalisay in ay soo baxdo cabsi ah in uu gacan ka hadal ka dhaco goobtaas.
Haddaba Xaaladda hadda taagan maxaa lagu qiimeyn karaaa? Yaysa tahay markaan oo kale oo madaxda ugu saraysay dalka ay is qabtaan in doorkeeda ay qaadato.
Sualaahaas iyo kuwa kale ayaan u bandhignay Afyare Cabdi Cilmi oo ah Agaasimaha Macahadka cilmi-baarista siyaasadda ee Heritage.



