NISA: 8 arrimaad oo ku saabsan Hayadda sirdoonka ee xuddunta u noqotay khilaafka siyaasadeed

Xigashada Sawirka, Youtube
Tan iyo markii la isku khilaafay shaqo ka joojintii Taliyaha Hay'adda Nabad Sugidda Soomaaliya, waxa soo baxayey su'aalaha sharci iyo shakiga guud ee ku gedaaman hay'addan iyo hoggaankeeda? Yaa se awood u leh xil-ka-qaadidda ama magacaabidda qofka u sarreeya, gaar ahaan xilligan?
Balse, dhowaan, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Rooble waxay shaaciyeen in laga heshiiyay khilaafkii u dhexeeyay labada masuul ee salka ku hayay sida loo wajahayo kiiska Ikraan Tahliil oo hay'adda NISA ka tirsanayd, lama waayay.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqday xarunta hay'adda Sirdoonka Soomaaliya, waana markii ugu horreysay ee halkaas uu tago, tan iyo markii khilaafka uu soo baxay.
Rooble ayaa bogaadiyay shaqada hay'adda, wuxuuna sheegay in kiiska Ikraan uu sidiisa u sii soconayo, laguna wareejiyay Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Khilaafkii Farmaajo iyo Rooble
Ka dib markii baaritaanka kiiska Ikraan la isku khilaafay, Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yasin oo ahaa madixii NISA. Balse Madaxweynaha Soomaaliya oo bayaan soo saaray waxa uu ku faray, Fahad Yaasiin, in uu sii wado hoggaminta Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda qaranka.
Qoraalka Farmaajo waxaa lagu yiri: "Waxaa la farayaa Taliyaha Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay'dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay." Wuxuu ahaa warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Soomaaliya.
Arrintaas waxay jawaab u ahayd qoraalkii uu soo saaray Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo uu shaqada Haayadda NISA, si ku meelgaadh ah uga joojiyey 'Agaasimaha Guud ee NISA' isaga sida oo kalena u magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe).
Labada qoraal ee ka soo baxay Madaxweynaha iyo Ra'isulwasaaraha waxa ay ku kala duwanyihiin ereybixinta ay u adeegsanayaan qofka madaxda ka ah hay'addan, madaxweynaha waxa uu adeegsaday 'Taliyaha', halka Ra'isulwasaaraha uu adeegsaday 'Agaasimaha', taas waxa ay ka dhigantahay in ereybixin kasta loo cuskan karo sharci gaar ah oo ka hadlaya cidda leh awoodda xil ka qaadista.
Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaruhuba waxa ay cuksanayaan qodobbo ku dhigan dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.
Khilaafka ku aaddan hoggaanka Hay'adda nabad sugidda ee NISA ayaa la xiriiray waayitaankii muddada qaatay ee ku aaddanaa Ikraan Tahliil oo ahayd xubin ka tirsan haayaddaas, iyada oo markii dambe warbaahinta dowladda ay shaacisay geerideedii.
Xaalka sarkaaladdan waxaa ka soo baxay warar is burinaya, oo ka mid ciddii la shaaciyey in ay dilkeeda ka danbaysay oo ahayd 'Alshabaab' , Alshabaabna ayba sheegeen in warkaasi been yahay sidoo kalena "ay la fajaceen markii ay maqleen warka kasoo baxay dowladda oo ku saabsan in iyaga ay Ikraan dileen."
Beeninta dilka sarkaal ka tirsanayd Hay'adda Nabadsugidda ee Alshabaab, waa wax ku dhif ah waayaha siyaasadda Soomaaliya
Tan iyo markaas kaddib waxaa dhashay walaac bulsheed oo dadku ku doonayaan baadhis madax banaan oo lagu sameeyo kiiskaas.
Halkaas ayuuna ka bilaabmay khilaafkaas oo ku dabeeyey u muuqashada khilaaf cusub oo ka dhex dhashay Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Rooble.

Xigashada Sawirka, Radio Dalsan
Heshiiskii laga gaaray khilaafka
Isbuucii la soo dhaafay, waxaa la shaaciyay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo yeeshay kulan, ay heshiis isla gaareen.
Khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa abuuray cabsi xoog leh iyo walaac laga muujinayo in ay sii xumaato xasilloonida Soomaaliya iyadoo dalka uu ku guda jiro doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.
Labada mas'uul ee ugu sarreeya dalka ayuu soo kala dhexgalay khilaaf xoogan oo la xiriiray tallaabooyiin ay labada dhinac qaadeen, kuwaas oo sii cakiray xaaladda.
Waxay u muuqataa in heshiiska uu yahay in isbedelladii ay labada dhinac sameeyeen qaar ka mid ah sidoodii loo daayay. Waxaa ka mid ah in Wasiirkii Amniga ee Rooble uu magacaabay, taas oo la isku khilaafay, in uu shaqadiisa siiwato, halka Taliyaha NISA ee Farmaajo uu magacaabayna uu shaqadiisa wato.
Waxay taasi keentay in ninkii uu Ra'iisul Wasaaraha u magacaabay NISA, Bashiir Goobe laga dhigay Wasiiru-dowlo.
Maxay tahay Hay'addan NISA?
Sida caadiga ah dalalka adduunka oo dhan waxa hay'addan oo magaceeda loo soo gaabiyo NISA uga dhigan tahay Soomaaliya waaxda sirdoonka u qaabilsan dalka.
Waxaana badanaa lagu yaqaannaa in ay fuliyaan adeeg qarsoodi ah oo sirdoon iyo hawlgallo qarsoon, oo ujeeddada ugu weyn ee laga leeyahay in ay ururiyaan xogta iyo ilaalinta danaha qarankaas.
Waxaana ay u astaysan yihiin in ay dalka ka difaacaan khataraha guud ee waajahaya amniga guud ee dalka iyo muwaadiniinta.
Sharcinnimadeeda - maxaa ka jira?
Sida ka muuqatay labadii digreeto ee ka soo kala baxay xafiiska Raysalwasaaraha iyo kan Madaxweynaha, waxa kala duwanaanshaha iyo khilaafka sharci ee booskani ka bilaabmayaa sida ay u kala xilka ugu sarreeya hoggaanka haayaddaas.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku qeexay 'Taliyaha Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka' halka Raysalwasaare Rooble uu ku tilmaamay ' Agaasimihii Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
"Haayadda Nabadsugiddu waxa ay hoostagtaa Wasaaradda Amniga, waaxda fulinta ayay na ka mid tahay, waaxdaasina waxay hoos tagtaa golaha wasiirrada sida uu tilmaamayo dastuurku" ayuu BBC-da u sheegay Ibraahim Iidle Suleymaan Guddoomiyihii hore ee Maxakamadda Sare ee Soomaaliya.
"hay'addani sharci baarlamaan kuma dhisna, tii hore waxay ku dhisnayd digreeto madaxweyne oo Maxamed Siyaad Barre ah, tan magaca cusub lehna digreeto madaxweyna kuma dhisna" ayuu yidhi Ibraahim Iidle Sulaymaan.
Cabdiraxmaan Tuuryare, oo soo noqday Taliyihii Hay'addaas, waxaa uu qabaa in sharci ay tahay asee duruuftu siyaasadeed ee dalku ay saamaysay.
"Haayaddu sharci la'aan ma aha, waa se la dhihi karaa lama jaanqaadi karto federaalka dalka iyo xaalka siyaasadda, waa se sharci oo sharci 74-ii soo baxay ayay ku dhisan tahay. "ayuu sii raaciyey hadalkiisa Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare

Xigashada Sawirka, Villa Soomaaliya
Isbeddelladii dhanka magac bixinta
Bilawgii wax ay ahayd waax hoos tagta booliska, kaddibna toddobaatameeyadii ayaa laga dhigay NSS, kaddibna 2011-2013 ayaa laga beddelay mar kale magacii waxaana loo bixiyey Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.
Jeneraal Tuuryare se waxa uu qabaa in beddelidda magaca ay sababtay si loo so celiyo sumcaddi hay'adda, sida oo kalena looga ilaaliyo in ay ku dhex khaldanto magacyo kale.
"NSS sumcaddeedaa dilnayd, waxaana loo arkayey hay'ad u shaqaynaysay kalitalis. Sidoo kalena ciidan yaroo PS la dhaho oo Maraykanku sameeyey iyagana in aanay isu ekaan waa lagala cararayey. Waxaana lagu qasbanaaday in magac cusub iyo sharciyad cusub loo sameeyo"
"Sharcigii lagu hirgelin lahaa magaca cusubna golaha wasiirradu waa ay ka gudabtay, golaha baarlamaanka ayayna u gudubtay duruuf siyaasadeed ayaa se u saamixi weyday in ay ansixiyaan"
Haayadda ayaana ka kooban waax sirdoon iyo waax hubaysan oo hawlgallo fulisa.
"Hay'addu waxay leedahay qayb ciidanka qarsoon iyo qayb gaadiid ku hubaysay" ayuu BBC-da u sheegay Cabdisalaan Guuleed, oo ah Taliye ku xigeenkii hore ee NISA.
Ma waxay noqtay Hay'ad Siyaasadeed muddooyinkii danbe?
Muddooyinki u danbeeyey waxaa soo baxayey warbixinno badan oo ka imanaya hay'ada xuquuqal insaanka iyo kuwo kale kuwaas oo NISA a oo eedaynayey in ay fuliso halgallo sharci darro ah. Waxaana lagu eedeyey dad la waayay , hawlgallo sharci darro ah iyo xidhid aan loo marin habkii saxda ahaa. Waxaana ka mid ahaa hawl galladii Gobolka Gedo. Inkasta oo Hay'addu aanay eedaymahaas si madax bannaan uga jawaabin
"Muddooyinkii danbe hay'addu waxay noqotay haayad siyaasadeed, iyada oo iska beddeshay haayaddii amni. Waayo berigii hore amniga magaalada Muqdisho iyadaa gacanta ku hayn jirtey." ayuu yidhi Cabdisalaan Guuleed, oo ah Taliye ku xigeenkii hore ee NISA.
Sidee dib u habayn loogu samayn karaa haayaddaas?
Dad badan ayaa qaba in haayaddaasi u baahan dib u habayn ballaadhan, maadaama mudooyinkii u danbeeyey ay soo badanayeen cabashooyinka ku gedaamani.
Dhanka kale, waxaana Cabdisalaan Guuleed qabaaba in haayadda ay soo dhex galeen 'Alshabaab', ayna tahay 'in dib loo sifeeyo'
"Ma fududa in la beddelo, waayo waa la soo dhex galay. Waxaa jira ciidammado hawlgallo kale fuliya oo haayadda ka amar qaata. Sida ciidanka Duufaan, oo aan ka mid ahayn haayadda se madaxda haayadda ka amar qaata." ayuu yidhi Cabdisalaan Guuleed.
Jeneraal Tuuryare ayaa isna qaba in khaladku uusan haayadda ahayn ee yahay madaxda xilka haysa ay tahay marba ujeedka ay ka leeyihiin.
"Qof masuul ah oo garanaya in haayadu tahay dadka ay ka dhaxaysa, haddii loo dhiibo waxay noqonaysaa haayad macno ma leh. Waana go'aan u yaal cidda markaad joogta"
"Haayadda iyo xafiisyada waxa khaldan ma aha, e shakhsiyaadka ayaa khaldama. Aniga haddii xafiis la ii dhiibo aniga ayuu khaladku igu koobnaanayaa. Sida madaxtooyada oo kale, lama odhan karo madaxtooyada ayaa khaldan ee madaxweynaha ayaa khaldan baa la odhanayaa, iyana sidaas ayay la mid tahay"
Khilaafyada ka dhasha
Khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha oo ku aaddan Hoggaanka Nabadsugidda, ma aha markii ugu horraysay ee Soomaaliya ay waajahayso xaaladdan oo kale.
Hore dawladdii ka horraysay tan Farmaajo ee uu hoggaaminayey Xasan Sheikh sidaas oo kale ayaa khilaaf ka abuurmay markii Raysalwasaarihii xilligaas Cabdiweli Sheikh Amed, uu xilka ka qaaday taliyihii xilligaas ee Haayadda Nabadsudgidda Cabdillaahi Maxamed Cali Sanbalooshe.
Go'aankaas oo madaxweynuhu diidey, dood maalmo socotay kaddib madaxweynuhu wuxuu oggolaaday go'aankii raysalwasaaraha, sidaana uu taliye cusub ku noqday Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

















