Ciidamo helikobtarro watay oo tuulada Mubaarak kula dagaallamay Al Shabaab

Xigashada Sawirka, AFP
Wararka ka imaanaya tuulada Mubaarak ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamo si gaar ah u tababaran oo Soomaali ah oo ay la socdaan ciidamo shisheeye ay hawlgallo ka fuliyeen, ayadoo iska hor imaad uu dhex maray ayaga iyo dagaallamayaal ka tirsan Al Shabaab.
Iska hor imaadka ayaa yimid ka dib markii ay ciidankaas oo watay laba dayaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ku degeen meel aan tuulada ka fogeyn, ka dibna ay lug ku aadeen dhinaca tuulada.
Dadka deegaanku waxay BBC u sheegeen in ay "in muddo ah maqlayeen rasaas iyo qaraxyo".
Hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa barteeda Twitter ku sheegtay in hawlgalka lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al Shabaab.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
Al Shabaab ayaa war ka soo baxay wuxuu sheegay in "ay dhabbaha u galeen ciidamadaas oo ay ku sheegeen inay isugu jireen "Soomaali iyo Maraykan", ka dibna uu halkaas dagaal culus ku dhex maray "ayaga iyo ciidankii weerarka soo qaaday".
Waxay intaa ku dareen inay hayaan "meydadka laba askari", laakinse ma aysan sheegin cidda ay u dhasheen. Dadka deegaanka ayaa iyaguna sheegay in ay arkeen labo meyd.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2
Hay'adda NISA ayaa mar kale barteeda Twitter ku soo qortay inay dagaalka dib uga soo baxeen.
Xaaladda ayaa iminka deggan, lamana hayo ilo madax banaan oo ku saabsan heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha.










