Saddexda su'aalood ee aan jawaabta loo helin ee ku saabsan kiiska Ikraan

.

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

Waxaa cirka isku sii shareerayay khilaafka iyo muranka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo horey uga tirsaneyd hay'adda nabad sugidda Soomaaliya oo dhawaan dowladda sheegtay in Shabaab ay dishay kadib in muddo ah la la'aa. Shabaabka yaa haseeyeeshee beeniyay.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa bayaan uu soo saaray shaqada uga joojiyay agaasimaha hay'adda NISA Fahad Yaasiin.

Halka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo saaray qoraal faraya in Fahad Yaasin uu sii wato shaqadiisa madaxa sirdoonka dalka.

Haddaba waxaa halkan idiin kuugu soo gudbineynaa su'aalaha aanan ilaa iyo hadda laga jawaabin oo ku saabsan kiiska Ikraan.

1. Sidee loo dilay, maydkiise aaway?

Dhawaan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Ikraan Tahliil oo in muddo la la'aa ay gacanta u gashay Shabaab isla markaana ay dileen.

Dowladda wax faahfaahin kama aysan bixin sida uu u dhacay dilka Ikraan ama halka uu ku dambeeyay meydkeeda.

Qoyskeeda waxay codsanayaan in dowladda jawaab faahfaahsan ka bixiso qaabka uu u dhacay dilka iyo in caddaaladda la horkeeno dadkaa ka dambeeyay falkaas.

Shabaab waxay dhankooda sheegeen inaysan dilin Ikraan ayna la fajaceen marka ay maqleen dilka gabadhaas iyo in iyaga loo sarinaya.

Sidaa darteed waxaa la is weydiinayaa yaa dilay Ikraan, meydkeydase aaway, yaase abaalay gorma ayaase la xabaalay?

2. Sidee loo afduubtay?

Ikraan Hooyadeed ayaa shaaca ka qaadday in ay jiraan dad ay ku tuhunsan yihiin gabadheeda, inkastoo aysan si cad u sheegin magaca cidda ay gabadha ku maleynayaan.

Waxay intaas ku dartay in la garanayo gaarigii lagu qaaday Ikraan markii ugu dambeysay ee ay ka baxday guriga.

"Waxaa la ii sheegay in maalintii ay bisha June ahayd 26, abaare 8:03 ay iyadoo laptop wadata guriga ka baxday. Gaari la yaqaanno ayay racaday sida aan xogta ku heyno markii aan aragnay kaamirooyinka CCTV-ga," ayay tidhi gabadha hooyadeed.

Laakiin xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, ayaa sheegay in uu xarun ka mid ah xarumaha hay'adda nabad sugidda kusoo arkay gaari baraha bulshada lagu sheegay inuu ahaa kii gabadha lagu qaaday, wuxuuna sheegashadaas ku qeexay eed aan sal iyo raad toona lahayn.

"Waxaa baraha bulshada ku jira baabuur, baabuurkaasna waxaan ahaa qofkii ugu horreeyay ee la tusay, xarumaha nabad sugidda mid ka mid ah ayaa la iiga yeeray, kaamiradi ayaan fiirinnay, baaburkii ayaa la daba galay, waxaana yeeshay shakhsi hay'adda ka tirsan. Haddii hay'adda wax lagu tuhmaayo sawirkaasba ma aysan soo saarteen," ayuu yiri.

3. Sidee Al-Shabaab ugu gacan gashay?

Dowladda Soomaaliya waxay ku eedeysay Shabaab inay qafaasheen dilka gabadha balse kama aysan hadlin sida ay gacanta ugu gashay kooxdaas.

Shabaab waxay dhankooda sheegeen in aysan waxbo ka ogeyn xaaladda gabadhii maqneyd isla markaana aysan ka dambeyn dilka Ikran.

Qoraalka dhawaan kasoo baxay Al Shabaab waxaa lagu yiri: "Kama dambeyno waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysay hay'adda NISA.

"La yaab ayeyna nagu noqotay in sirdoonka dowlada nagu masabido dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen warkaas ayaan anaguna la fajacnay," sidaas waxaa sheegay mas'uul u hadlay Alshabaab ka soo xigatay barta Somali Memo.

Sidan ayay uga mid noqotay sirdoonka

Qaali Maxamuud oo ah hooyada dhashay Ikraan ayaa sheegtay in gabadheeda dugsi sare iyo mid hoose ay kasoo dhigatay dalka Kenya halkaas oo iyadoo yar la geeyay.

Waxayna khibrad in muddo ah u lahayd shaqooyinka xafiisyada dowladda iyo laamaha amniga.

Gabadhan ayaa in ka badan shan sano ka hor ku biirtay hay'adda Nabad sugidda ama Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyadoo ahayd madixii amniga internet-ka ee hay'addaas.

Markii ugu horreysay ee ay NISA ku biirtay waxay ahayd sanadkii 2017-kii, sida uu warbaahinta u sheegay taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali San Baloolshe.

Kaddib waxay ka shaqo billowday xafiiskii guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho oo ay agaasime ka ahayd.

Xoogaa kaddib Soomaaliya ayay ka baxday Ikraan inkastoo ay mar kale dib ugu laabatay. Hooyadeed waxay sheegtay in markii ay baxday ay aqoon kororsi u aadday dalka Ingiriiska.

Dadkii loo qafaashay kiiska ee Hiiraan oo la sii daayay

Waxaa la sii daayay sedex nin oo dhalinyaro ah oo sedexdii maalmood ee la soo dhaafay rag hubeysani afduub ugu haysteen xaafadda Hawl-Wadaag ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ragga afduubka gaystay ayaa ku andacoonayay inay sidaa u sameeyeen iyagoo ka xun warkii ka soo baxay hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee sheegayay in gabadh sirdoonka ka tirsanayd oo la waysanaa labadii bilood iyo barkii la soo dhaafay ay u gacan gashay Al-Shabaab isla markaana ay dileen.

Ragga la afduubtay ayaa ku hayb ah Agaasimaha hadda muranku ka taagan yahay xilkiisa ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, halka ragga afduubka gaystay ay ku reer yihiin gabadha maqan ee Ikraan Tahliil Faarax.