Soomaaliya iyo dagaalka Tigray: 'Farmaajo iyo Fahad waxaan leeyahay ma dooneeyno inaad ibsataan caruurteena'

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay mudaharaad ay qaar ka mid ah waalidiintii dhalay askartii la sheegay in tababarka militariga loogu diray dalka Eritrea ay ka dagaallameen Itoobiya, ay ku dalbanayeen in dalka dib loogu soo celiyo askartaas.
Waalidiinta ayaa dalbaday inay ogaadaan halka ay carruurtooda ku sugan yihiin maadaamaa ay soo baxeen warar sheegaya in dagaalkii gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, laga qeyb geliyey dhallinyaradii ciidan oo Soomaali ah.
Waalidiintan ayaa la arakayay iyagoo wajiyadooda ay caro ka muuqato, sidoo kalana kor u lulaya boorar ay ku xardhan yihiin hal ku dhigyo ay dowladda kaga dalbanayaan halka ay ku sugan yihiin carruurtooda.

Jaamac Cabdullaahi Buulle, oo ka mid ah waalidiinta ayaa sheegay inuu ka maqan yahay wiilkiisa oo lagu magacaabo Maxamed Jaamac oo ku dhashay dalka Sacuudi Carabiya.
"Maxamed oo aan si uu Alle ogyahay ku soo koriyay, waxaa iga qaaday dowladda, gaar ahaan Mama Khadiija meesheeda. Waxaa qoray Fahad Yaasiin," ayuu yiri.
Dhanka ciidamada sirdoonka iyo taliskooda kama aysan hadlin eedeynta loo soo jeediyay iyo bannaanbaxyada waalidiintan. Balse dowladd Soomaaliya ayaa markasta iska fogeyso in dhallinyaro Soomaali ah ay ka dagaallameen gobolka Tigray.
Jaamac oo sii hadlaya wuxuu yiri: "Farmaajo iyo Fahad Yaasiin waxaan leeyahay carruurteenna noo soo celiya, dalka haddaysan qaran u noqonaynin, ma doonayo in aad iibsato adeer".
Dhanka kale, Faadumo Maxamed Kheyre oo ka mid ah waalidiinta isu soo baxay ee dalbanaya in carruurtooda loo soo celiyo, ayaa sheegtay inuu ka maqan yahay wiilkeeda Yuusuf Garaad Cabdi oo 18 sano jir ah.
"Yaanyo ayaan ku soo koriyay Yuusuf Garaad, dowladda Soomaaliyeed iyo guud ahaan umadda Islaamka waxaan ka codsanayaa in wiilkayga la ii keeno," ayey tiri.

"Toddobaadkii ciidda ka horreeyay ayuu isoo wacay, wuxuu igu yiri 'labada keliyood baa i xanuunaya', isbitaal baan jiifaa', mana ii sheegin waxa keliyaha uga dhacay, sidaa darteed waxaan codsanayaa in wiilkayga la ii soo celiyo."
Faadumo ayaa sidoo kale sheegtay in darraad loo soo sheegay in wiil ay eeddo u tahay uu lug iyo gacan ka curyaamay.
Dowladda Maxay ka tiri?
Ka dib mudaaharaadka waalidiinta, waxaa shir jaraa'id Muqdisho ku qabtay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe, wuxuuna xaqiijiyay in ay jiraan ciidamo Soomaali ah oo tababar ugu maqan Eritrea.
Balse wuxuu sheegay in "la siyaasadeynayo" arrinta. Wuxuu beeniyay wararka sheegaya in ay jiraan Ciidamo Soomaali ah oo ka dagaalamay Gobolka Tigray.

Xigashada Sawirka, TQS
"Waa wax kama jiraan, Ma jiro ciidan Soomaaliyeed oo Tigray ka dagaalamay," ayuu yiri.
"Dhalinyaradeena waxey wali Eritrea noogu maqan yihiin Tababar mana jiro qof ka dhintey iyagoo caafimaad qaba ayay dib ugu soo laaban doonaan dalkooda marka ay tababarka dhamaystaan."
Dhanka kale wasiir Dubbe ayaa musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxtinimada Soomaaliya ku eedeeyay inay ajande doorasho ka dhigayaan arrimaha tababarka ciidamada.
"Kama hadlaan siyaasiyiintan, xadgudubyada Kenya ay dalka ku hayso, carruurta dhimanaysa oo ay duqeynta ku dileyso, balse waxay ajande ka dhigteen askar tababar ku maqan," ayuu u sheegay saxafiyiinta.
Maxaa ku qornaa warbixintii Qaramada Midoobey?
Warbixin ka soo baxday Hay'adda Xuquuqda Addanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ciidamo ka socday Soomaaliya oo tababar ku qaadanayay saldhig militari oo ku yaalla Eritrea in ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.
Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ay soo gareen warar sheegayo in ciidamada Soomaaliya lagu arkay magaalada Qaddiimiga ah ee Aksum ee Tigray iyaga oo ka barbar dagaallamaya ciidamada Eritrea.
"Waxaan helnay macluumaad iyo warar ku saabsn in ciidamada Soomaaliya laga soo daabulay saldhig militari oo ay tababar ku qaateen oo ku yaalla Eritrea si ay ugu biiraan dagaalka Tigray, waxaana la socday ciidamo Eritrea ah."

Waxay hay'adda intaas ku dartay: "Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamo Soomaali ah lagu arkay magaalada Aksum".
Dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ayaa horey u beenisay warar la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay Eretrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itobiya.
Warbixinta Qaramada Midoobey waxaa sidoo kale ku xusan inay heleen warar ku aadan in xafiiska arrimaha dibadda iyo guddiga gaashaandhigga ee baarlamaanka Soomaaliya ay ugu baaqeen madaxweynaha in xaqiiqo loo diro Eritrea si loo baaro in ciidamo Soomaali ay ka dagaallameen gobolka Tigray.
"Qaramada Midoobey waxaa lagu wargeliyay in xafiiska arrimaha dibadda iyo guddiga baarlamaanka u qaabisan arrimaha gaashaandhigga in madaxweynaha ay ugu baaqeen in guddi xaqiiqo raadin ah loo diro Asmara, si ay baaritaan ay ugu sameeyaan arrinta," ayaa lagu yiri warbixinta.











