Villa Soomaaliya oo agaasime cusub yeelatay

Fahad Yaasiin

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Fahad Yaasiin

War murtiyeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu sameeyay isku shaandheyn ciidanka iyo madaxtooyada Soomaaliya.

Villa Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa xilkii Agaasimaha Guud ee madaxtooyada ka badalay ninka saamaynta badan leh ee Fahad Yaasiin, kaas oo loo magacaabay agaasime ku xigeenka hay'adda nabad suggida Qaranka ee NISA.

Waxaa xilka agaasimenimada loosoo dalacsiiyay Drs Aamina Siciid Cali oo horey u ahayd ku xigeenka Fahad Yaasiin.

Dhawr sarkaal oo kale oo ciidanka illaalada madaxtooyada ayaa iyaguna xilal kala duwan loo dalacsiiyay.

Xoogga Dalka

Malaha magacaabista kale ee ugu muhiimsan ayaa ah taliyaha xoogga dalka Soomaaliya oo loo magacaabay Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi, halka abaanduulaha ciidanka loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Odawaa Yuusuf Raage.

Waxaa sidoo kale wareegtada xilka looga qaaday dhawr taliye oo hayay xilal muhiim ah oo ka tirsan NISA.

Lama oga waxa xilligan kusoo beegay isbadaladan muhiimka ah.