Majiidu-Raxmaan Maxamed: Wiilka ay hooyadiis Qur’aanka soo bartay ee ku guuleystay Tartanka Qur’aanka Kariimka

TARTANKA QURAANKA

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Majiidu-Raxmaan Maxamed Cabdullaahi, waa wiilkii yaraa ee ku guulaystay kaalinta koowaad ee tartanka Quraanka Kariimka ee Soomaliya, kaas oo ay marti galiso Madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna kuna guulaystay abaalmarin dhan labaatan kun oo doollar.

Waxaa jira arday kale oo iyaguna soo galay kaalmaha xiga, kuwaasoo abaalmarinno lacageed oo kala duwan ku guuleystay.

Maxamed Cabdillaahi Cabdiraxmaan, oo ah aabbaha dhalay Majiidu-Raxmaan, wuxuu BBC-da u sheegay in uu ku farxay kaalinta uu galay wiilkiisa.

“Wuxuu ka soo gudbay tartamo heer deegaan, heer magaalo iyo gobol ilaa uu yimid halkan, marka waan ku faraxsanahay inuu meshaa gaaro,“ ayuu yiri Maxamed.

Wuxuu sheegay in Majiidu-Raxmaan ku soo dhex koray qoys labada waalidba yihiin dad ku taxaluqa Qur'aanka, taasna ay u sahashay inuu si fudud u noqdo maskax weelaysa qowlka Alle.

“Anigu waxaan ahay Macallin Qur'aan, hooyadiisna waa sidaas oo kale oo carruurta deriska ayey Qur'aan ugu dhigtaa guriga. Marka isaga Majiidu-Raxmaan iyada ayaa u ahayd macallinkiisa kowaad ee Qur'aanka, sidaas ayaan is leeyahay waa ugu fududaatay," ayuu BBC u sheegay Maxamed Cabdullaahi.

Majiidu-Raxmaan ayaa hore uga soo qayb qaatay tartamo kala duwan oo kaalimo fiican uu ka galay, welina wuu sii wadaa xoojinta dadaalkiisa, sida aabbihiisa Maxamed Cabdullaahi uu BBC-da u sheegay.

TARTANKA QURANKA

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Kaalinta kowaad ee tartanka oo uu galay Majiidu-Raxmaan ayaa abaalmarin ahaan u helaya labaatan kun oo doollar. Aabbihiisa oo si farxad leh ugu hadlay abaal marinta ayaa si kaftan leh ugu jawaabay waxaa uga meel yaal lacagtaas.

“Lacagta waan wada leennahay…" ayuu isagoo qoslaya yiri Maxamed Cabdullaahi.

Waa kuma Majiidu-Raxmaan?

TARTANKA QURAANKA

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Majiidu-Raxmaan Maxamed Cabdullaahi, wuxuu ku dhashay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose sanadkii 2011-kii.

Waa saddex iyo toban sano jir ku barbaaray Muqdisho, wuxuu dugsida Qur'aanka bilaabay isagoo toddobo sano jir ah, sida uu aabbihiis Maxamed Cabdullaahi uu BBC-da u sheegay.

Isagoo sagaal sano jir ah ayuu dhammeeyey Qur'aanka, oo ay hooyadiis u ahayd macallinkiisii koowaad, halka isagoo toban sano jir ahna uu dusha ka qaybay Qur'aanka, sida uu aabbihiis u sheegay BBC.

Majiidu-Raxmaan, weli waxaa uu ku jiraa barashada Qur'aanka isagoo qaybaha qiraa’aadka barta sida uu xusay aabbihiisa Maxamed Cabdullaahi.

Sida uu tartanku u dhacay

TARTANKA QURAANKA

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tartankan Qur'aanka oo ah mid sanadle ah oo xilligan oo kale dhacda waxaa marti galiya Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ay ka qayb galaan ardayda ugu sarraysa tartamada Qur'aanka ee heer gobol ee Soomaaliya.

Sanadkan, waxaa kaalimo sare galay oo abaalmarinno kala duwan oo lacageed la guddoonsiiyey toddobo arday.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa abaal-marin guddoonsiiyey toddobada tartame ee ugu sarreeya sannadka labaad ee Tartanka Qur'aanka Kariimka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ardayga kaalinta kowaad galay uu helay labaatan kun oo doollar, halka kan ugu hoseeyeyna uu helay labo kun oo doollar.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in tartamayashan ka socday gobollada dalka oo idil ay ka turjumayaan dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysan diinta Islaamka iyo wanaagga.

“Ubadkan sidaas u xifdiyey Qur'aanka Kariimka ah, waalidka kula dadaalay Kitaabka Alle iyo macallimiinta soo barbaariyey waxay caddeyn u tahay sida dadkeennu ay ugu dheggan yihiin diinteenna Islaamka." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya waxaa xilliga bisha barakaysan ee Ramadaan ka dhaca tartamo Qur'aanka ah, kuwaas oo aabaal-marino kala duwan lagu bixiyo.

Ardayda xafidsan Qur'aanka Kariimka ah ee Soomaaliyeed ayaa sidoo kale kaalimaha hore ka gala tartamada caalamigaa ee Qur'aanka ee ka dhaca dalalka caalamka.