Maxay tahay inaad sameyso haddii uu kaa soo horbaxo libaax?

Libaax

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ilaaliyeyaasha keymaha ayaa ka digaya in hababka looga badbaado libaax buureedka ay aad uga duwan yihiin hababka looga badbaado orso bunniga.

Maxaa la sameeyaa haddii aad la kulanto libaax buureed - iyo sida is badbaadintaadu uga duwanaanayso marka aad la kulanto duurjoogta kale.

Weerar dhawaan ka dhacay buuraleyda gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa sababay dhimashada hal qof oo ugaarsade ahaa mid kalana dhaawac culus ayaa kasoo gaaray. Sida laga soo xigtay bayaan ka soo baxay xafiiska taliska degmada El Dorado, wiil dhalinyaro ah ayaa wacay taliska subaxnimadii sabtida si uu u sheego isaga iyo walaalkii oo 21 jir ah in la weeraray iyaga oo ugaarsi guranaya.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa goobta kusoo gaaray dhaawaca 18-sano jir ka hor inta aysan is helin walaalkii ka weyn oo ku sugnaa meel u dhow halka uu libaax buureedku ku hela. Xafiiska taliska ayaa ku waramaya in ku ciidamadoodu ay hawada xabado u rideen si ay uga bajiyaan libaaxa oo uu u cararo, iyagana ay ugu fududaato inay u soo gurmadaan dhaawaca si ay usiiyaan gargaar caafimaad. Balse, waxay soo gaareen xili ninkii dhalinyarada ahaa uu u dhintay dhaawacii soo gaaray.

Maxay tahay in aadanuhu sameeyo haddii uu la kulmo libaax-buureed?

Libaax

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ma jiro hab-hal-cabbir ah oo ku habboon dhammaan sida lagula tacaalo xayawaanka duurjoogta ah. Laakiin Dr. Rae Wynn-Grant, oo ku takhasustay Cilmi-nafsiga Ilaalinta Duurjoogta, ayaa sheegtay in aad usii diyaargaroobi karto.

"Waxaan kugula talinayaa inaad barato dabeecadda libaaxa buureedka meelaha aad deggan tahay ku nool ama aad qorsheyneyso inaad booqato meelaha ay joogaan si taxadar aad uga sii haysatid haddii aad la kulanto,” ayay tiri.

Waxay sidoo kale ku talisaa qaadashada ulo ama wax un buuq sameeya "si xayawaanka uusan kuugu soo dhawaan oo aad u siiso wakhti ku filan oo ay kaaga guuraan”.

Keith Bensen, oo ah bayoolojiste ku takhasustay cilmiga duurjoogta oo ka tirsan guddiga keymaha qaranka, ayaa sheegtay in ka fogaanshaha socodka kelinimada ah ay tahay talo wanaagsan in loo hoggaansamo oo duurka marka la aadayo wehel la kaxaysto.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Weli, iska badbaadinta qaarkood way ku kala duwan yihiin duurjoogtu. Caadi ahaan, libaaxa buureedku isla markiiba wuu cararaa markuu maqlo ama arko bini'aadam, ayuu yiri Bensen. Haddii aysan taasi dhicin, wadada ugu fiican ayaa ah inaad noqoto mid cabsi gelin leh ilaa intii suurtogal ah oo uu kaa fogaanayo libaaxa.

"Waxaan kugula talineynaa inaad wajahdo libaaxa, adigoo is dheereynaya, qaylinaya, lulaya gacmaha iyo guud ahaan inaad naftaada u muujiso mid aanan ka cabsaneyn," ayuu yiri. "Kadibna dib uga noqo adigoo fiirinaya xayawaanka, si tartiib ah, adigoo buuqa wada oo lulaaya gacmahaaga.”

Wuxuu sheegay in weerarka xayawaanku uu noqon doono "mid naadir ah" laakiin haddii ay dhacdo, “inaad u dagaallanto sida ugu adag ee suurtogalka ah" ayaa ah rajadaada ugu fiican.

Talooyinkan waa muhiim in la xasuusto, sababtoo ah waa isla talada ay tahay inaad raacdo markaad la kulanto orso madow, ayuu yidhi Bensen.

Weerarrada xayawaanku way dhacaan, laakiin khubaradu waxay ka welwelaan in laga faafiyo macluumaad khaldan. McClelland ayaa sheegay in marka aan wararka ku aragno weerarrada xayawaanka, waxaa sahlan in aan qiyaasano in hilibleyda, oo ay ku jiraan libaaxya buureedka, ay yihiin xayawaan gardarro ah oo colaad ujoog ah, dabeecad ahaan, marka taasi maahan xaqiiqda. Runtii, waxay rabaan oo kaliya in xudduudooda la ixtiraamo, waxaana habboon in bini'aadamku ay taas u fiirsadaan.