9 xayawaan oo aadan ka fileyn oo cunto iyo biyo la'aan noolaan karo muddo badan

Cuntadu waa isha ugu weyn ee laga helo tamarta si jirkeenu si fiican ugu shaqeeyo.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cuntadu waa isha ugu weyn ee laga helo tamarta si jirkeenu si fiican ugu shaqeeyo. Cuntadu waxay sidoo kale sare u qaaddaa dheef-shiidka iyadoo dhanka kalana ay lafaha, murqaha, neerfaha ay shidaal ahaan u isticmaalaan. Haddii aanan cunto cunin waxay inoo horseedaysaa caro iyo in jirkeena ay biyuhu ka dhammaadaan.

Aadamuhu waa ay adagtahay inay noolaadaan cunto iyo biyo la'aan maalmo badan. Cunista cuntadu waa qayb ka mid ah jiritaankeenna, waana dabeecadda bini’aadamka in ay maalin kasta cunto cunaan. Laakiin ma ogtahay inay jiraan noole badan oo noolaan kara iyaga oo aan cunto iyo biyo toona isticmaalin.

Qaar ka mid ah xawayaanka ayaa waxay u baahan yihiin in maalintii ay dhowr goor cunto cunaan si ay u helaan tamar ay ku noolaadaan. Tusaale ahaan maroodiga waxa uu maalinkasta cuni karaa dhir culeyskeedu gaaraya ilaa 375 kiilogaraam.

Marka laga soo tago geela oo bilooyin noolaan kara baad iyo biyo la’aan waxaa jira xayawaanaad kale oo iyagana la mid ah geela. Haddaba waa kuwee? Waxaan halkan idinkula wadaageynaa qaar ka mid ah xayawaankaas.

1: Yaxaaska

Yaxaas

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaad la yaabi doontaa inaad ogaato in Yaxaasku, oo ah mid ka mid ah xamaaratada adduunka ugu da'da weyn uu dhowr bilood cunto la'aan noolaan karo, mararka qaarna waxaa marka ay jirto xaalad adag, waxay gaari karaan ilaa saddex sano cunto la'aan.

Waxay keyd sadaan tamarta iyagoo yareynaya dhaq-dhaqaa iyo socodka mararka qaarkoodna waxay gebi ahaanba joojiyaan dhaqdhaqaaqa.

2: Rah

Raha ayaa inta badan laga helaa meelaha qoyan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Raha ayaa inta badan laga helaa meelaha qoyan, jirkooduna waxa uu maareyn karaa cunto la'aan ilaa muddo ku siman 16 bilood.

3: Caaradu

Caaradu waa inay sugtaa inta cuntadoodu u imanayso mararka qaarkoodna sugitaankaasu wuu dheeraan karaa. Laakin werwer ma leh, jirkoodu waxa uu u sameysan yahay qaab uu ilaa 3-4 bilood cunto la'aan ay ku joogi karaan ilaa 1 sano.

4: Diinka

Diinka ayaa ka mid ah xawaanaadka noocyadooda kuwa ugu cimiriga dheer.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Diinka ayaa ka mid ah xawaanaadka noocyadooda kuwa ugu cimiriga dheer. Diinka weyn ee kiilihiisu gaarayo ilaa 417 killogaraam waxay noolaan kataan cunto iyo biyo la'aan ilaa hal sano.

5: Libaax badeedka

Libaax badeed

Xigashada Sawirka, Getty Images

Libaax badeedku waxaa uu cunto la’aan noolaan karaa siddeed ilaa toban toddobaad laakiin waxa xiisaha leh ayaa ah in marka aysan cuntada cunin ayba firfircooni ka qaadaan iyadoo bilaabayaan xirfadooda ugaarsiga.

6: Masaska

Masaska waxa ay cunto la’aan noolaan karaan muddo ka badan sannad.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Masaska waxa ay cunto la’aan noolaan karaan muddo ka badan sannad. Waxaa taas u sahleysa ayaa ah in kiimikada dheef-shiikooda uu hoos u dhacayo boqolkiiba 70% marka ay cimilada qabow dahay.

7: Hangaralle ama dabo qalooc

Hangaralluhu waxay cunaan saddex meelood meel miisaanka jirkooda hal waqti oo keliya. Tani kaliya waxay ka caawisaa inay hoos u dhaco kiimikada dheef-shiidkooda oo ay xakameeyaan nafaqadooda, taas oo suurtogal ka dhigaysa inay hal sano cunto la'aan joogaan.

8: Nibiriga

Nibiriga ayaa isticmaala dufanka dheeraadka ah ee ay keydiyaan

Xigashada Sawirka, Nibiri

Nibiriga ayaa isticmaala dufanka dheeraadka ah ee ay keydiyaan mar kasta oo ay quudiyaan inta lagu jiro xilliga xagaaga taas oo u ogolaanaysa in ay cunto la'aan joogi karaan muddo 6 bilood ah.

9: Bisadda

Bisadda waxa ay cunto la'aan, noolaan kartaa laba toddobaad oo keliya.

In kasta oo bisaduhu ay aad u jecel yihiin cuntada hadana, waxay go'aansan karaan inaysan cunto cunin oo ay la’aanteed jogi karaan ilaa laba toddobaad liikiin hadana waxay taasi ku xiran tahay inay caafimad qabaan amaba ay cuntadii ugu dambeysay ay ahayd mid ay ku qanacday.