Maxaa dhacay markii ay nin iyo xaaskiisa ku dhex dagaallameen gudaha diyaarad rakaab ah oo hawada ku jirta?

"Muhiimaddeena ugu weyn waa badqabka rakaabka iyo shaqaalaha,"

Xigashada Sawirka, Reuters

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in duulimaadkii khash-khashaadka ka dhacay ee tirsigeedu ahaa LH 772 ay gaartay Delhi abaare 10:26 subaxnimo Arbacadii (Noofambar 29, 2023).

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee ANI, go’aankan ayaa la qaatay ka dib markii shaqaalaha diyaarada ay sheegeen in hab-dhaqanka rakaabka diyaarada uu ahaa mid khalkhal galinaya duulilmaadka.

Waxay sheegeen in arrintan ay ka dambeysay ka dib markii uu sii xoogaystay khilaafka u dhexeeyay ninka iyo xaaskiisa oo ka mid ahaa rakaabka diyaaradda.

Ilaalada duulimaadyada ee garoonka Delhi ayaa sheegay in aan la ogeyn sababta keentay in ninka iyo xaaskiisa ay dagaallamaan, balse khilaafkooda awgii uu duuliyihii go’aansaday in diyaaradda u leexiyo dhanka Delhi.

Dhacdadan foosha xun ka dib, waxaa bayaan ay soo saartay shirkadda diyaaradaha ee Lufthansa, ku sheegtay in ninkii iyo xaaskiisa oo reer Jarmal ah laga dejiyay diyaaradda ka dib markii ay soo caga dhigatay magaalada Delhi waxaana sidaas looga reebay halkii ay u socdeen oo ay ahayd Bangkok.

"Lammaanaha ayaa raaligelin bixiyay," ayay tiri Lufthansa Airs.

"Muhiimaddeena ugu weyn waa badqabka rakaabka iyo shaqaalaha," ayay tiri shirkaddu.

Saraakiisha DGCA ayaa u sheegay wakaalada wararka ee ANI in aan wali la go’aamin in lammaanaha sababay in diyaaradda la dejiyo ka hor inta aysan gaarin halkii ay ku wajahnayd lagu wareejiyo hay’adaha baarista ee Hindiya iyo in dib loogu celiyo Jarmalka ka dib markii ay raali galin bixiyeen.

Diyaaradda ayaa ku degtay Delhi kadib markii ay ku degi weyday Pakistan.

Markii hore diyaaradda ayaa waxaa ay doonaysay in loo ogolaado in ay ku degto garoonka diyaaradaha ee Pakistan, laakiin diyaaradii ayaa halkaas ku degi weyday waxaana markii dambe laga dajiyay magaalada Delhi.

Lammaanaha diyaaradda ku dhex dagaalamay ayaa waxay maamulka diyaarada ku wareejiyeen ciidamada amaanka ee garoonka.

Sidee ayuu u dhacay dagaalka dhexmaray lammaanahan?

Lamaanaha ayaa waxaa la sheegay in xaasku ay ahayd muwaadin u dhalatay Thailand, ninkuna wuxuu u dhashay Jarmalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Lamaanaha ayaa waxaa la sheegay in xaasku ay ahayd muwaadin u dhalatay Thailand, ninkuna uu u dhashay Jarmalka.

Saraakiisha ayaa sheegay in xaaska ay markii hore uga dacwootay shaqaalaha diyaaradda hab dhaqanka ninkeeda, sida ay ku warantay Indian Express.

Waxa ay sheegtay in ninkeeda uu u hanjabayo oo ay xitaa caawimo ka dalbatay shaqaalihii diyaaradda si ay ninkeeda uga dejiyaan diyaaradda balse ay u suurtageli weysay.

Wakaalada wararka ee PTI ayaa sheegtay in markii hore dagaalka uu ninka bilaabay kadib markii uu xaaskiisa ku tuuray cuntadii laga siiyay diyaarada, balse arintu halkaa kuma ekaan,kadib waxa uu isku dayay in uu dab qabadsiiyo bustaha isaga oo kaashanaya nalalka fudud. Dhanka kale, wuxuu sii waday qeylada iyo aflagaadada xaaskiisa.

PTI ayaa sidoo kale sheegtay in ninka “uusan raacin awaamiirta shaqaalaha diyaarada, taas oo sababtay in diyaaradda laga weeciyo halkii ay ku wajahanayd iyagana lagu wareejiyo amniga”.

Goorma ayaa duulimaadyada la leexiyaa?

Duulimaadyada waa la weeciyaa oo garoomo kale oo aan la sii qorsheyn lagu dejiyaa sababo jira awgood.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Duulimaadyada waa la weeciyaa oo garoomo kale oo aan la sii qorsheyn lagu dejiyaa sababo jira awgood.

Duulimaadyada waxaa la leexiyaa ama meel kale lagu dejiyaa marka ay cimiladu xumaato, haddii ay jirto cilad farsamo oo dhanka diyaaradda ah, haddii ay dhacdo xaalad caafimaad oo degdeg ah ama sababo la xiriira hab dhaqan aan habooneyn oo ay ku kacaan rakaabka saaran diyaaradda.

Duulimaadyada ayaa sidoo kale la leexiyaa xilliyada ay dhacaan masiibooyinka ama xaaladaha dagaal ee lama filaanka ah.

In diyaaradda laga leexiyo halkii ay u socotay waxay dhibaato iyo khal-khal ku keenta rakaabka oo cadaadis badan dareema.

Dhowaan, 16 duulimaad ayaa loo weeciyay Delhi hal maalin gudaheed cimilada oo xun darteed. Kuwaas, 10 ka mid ah waxa ay ka degeen Jaipur, saddexna Lucknow, laba ka mid ah Amritsar halka mid kalana ay ku degtay Ahmedabad.