Maxaa dhacay markii diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay ay gantaal ku ridday diyaarad ay leeyihiin ciidamada cirka ee UK?

.

Xigashada Sawirka, EPA

Gantaal laga soo ganay diyaarad dagaal oo uu Ruushka leeyahay ayaa waxaa lagu bartilmaameedsay diyaarad ay leeyihiin ciidamada cirka ee UK taas oo dul mareysay Badda Madow, sida uu sheegay wasiirka gaashaan dhigga Britain.

Ben Wallace ayaa sheegay in dhacdadaasi la sheegay inay dhacday 29-kii septeembar ay tahay mid khatar ku ah hawada caalamiga.

Balse Ruushka ayaa sheegay inay taasi ka dhalatay "cillad farsamo".

Roondada ciidamada UK ee badda Madow ayaa hakad galay balse hadda dib ayey u bilaabeen waxaana hadda ka dib sameyn doona diyaarad dagaal gantaalkii Ruushka kaddib.

Mr Wallace ayaa u sheegay mudanayaasha UK in aysan ula tacaamuleyn dhacdadan sida mid “ uu Ruushka si ula kac ah u sameeyay si uu xiisad u abuuro” balse ay ka dhiidhinayaan khatarta dhabta ah ee ka dhalan karta musqalbalka haddii ay marar kale dhacaan tallaabooyin kuwaa la mid ah.

Waxa uu hadalkan ka sheegay aqalka baarlamaanka kadib safar deg deg ah oo uu ku tagay dalka Maraykanka horaantii todobaadkan oo uu dhigiisa Maraykanka kala hadlay xaalada amaanka ee dalka Ukraine oo ay ku jirto halista weerar Nukliyeer ah.

Dhacdadan oo dhacday dabayaaqadii bishii hore ayaa waxaa ku lug lahaa diyaaradda Ruuska ee oo nooceedu yahay SU-27 iyo diyaaradda ay leeyihiin ciidamada cirka ee RAF RC-135 Rivet Joint oo aan markaasi hubaysnayn.

Mr Wallace ayaa sheegay in intii lagu guda jiray "dhacadada" mid ka mid ah diyaaradaha SU-27 "ay ku sii daysay gantaal agagaarka diyaaradda RAF Rivet Joint weliba meel ka baxsan xadka Ruushka".

Waxa uu sheegay in uu walaaciisa ku sheegay warqad uu u diray wasiirka gaashaandhigga Ruushka.

Jawaabta wasiirka ee 10-kii Oktoobar waxay sheegtay in baaritaan la sameeyay lagu ogaaday inay cilad farsamo ku timid in diyaaradda Ruushka ay gantaal ku riddo diyaaradda ciidamada cirka UK, ayuu yiri Mr Wallace.

Waxay kaloo qireen in falkaasi uu ka dhacay hawada caalamiga ah, ayuu hadalkiisa ku daray.

Mr Wallace waxa uu soo jeediyay in dhacdadii Badda Madow ay muujinayso laba mid un, in milatariga Ruushku "ay dhab ka ahayd inuu xisaab khaldan ku dhuftay ama ay dhab ahaantii go'aansadeen in xeerarku caalamiga aanay iyaga khusayn".

Diyaarada dagaalka ee NATO

Bishii Juun ee sannadkan ayay ahayd markii muuqaal dhif iyo naadir ah oo ay sii daysay Nato ayaa muujinaya isku dhac dhex mari gaaray diyaarad ay leeyihiin militeriga Ruushka iyo mid laga leeyahay Nato, oo isaga hor yimid hawada Yurub.

Dhacdadan ayaa sii xoojisay xiisadda colaadeed ee u dhaxaysa Ruushka iyo Nato, xilli uu socdo dagaalka Ukraine oo saameeyay guud ahaan gobolka.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada quwadood ayaa aad u xumaaday kaddib markii ay xukuumadda Moscow bishii February weerar ku qaadday waddanka deriska la ah ee Ukraine.

Cabsi aad u wayn ayaa laga qabaa in hal khalad oo dhaca uu horseedo dagaal khatar badan dhaliya oo ka dhex qarxa isbahaysiga uu Mareykanku hoggaamiyo iyo dowladda Ruushka.

Dalalka reer galbeedka ayaa xukuumadda Kyiv garab taagan tan iyo markii uu dagaalka billowday 24-kii bishii February ee sanadkan 2022-ka.