Daawo: Muuqaal laga soo duubay diyaaradaha Ruushka iyo NATO ee hawada isku dagaali gaaray

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Diyaaradaha Nato iyo Ruushka ee isku dhici gaaray

Muuqaal dhif iyo naadir ah oo ay sii daysay Nato ayaa muujinaya isku dhac dhex mari gaaray diyaarad ay leeyihiin militeriga Ruushka iyo mid laga leeyahay Nato, oo isaga hor yimid hawada Yurub.

Dhacdadan ayaa sii xoojisay xiisadda colaadeed ee u dhaxaysa Ruushka iyo Nato, xilli uu socdo dagaalka Ukraine oo saameeyay guud ahaan gobolka.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada quwadood ayaa aad u xumaaday kaddib markii ay xukuumadda Moscow bishii February weerar ku qaadday waddanka deriska la ah ee Ukraine.

Cabsi aad u wayn ayaa laga qabaa in hal khalad oo dhaca uu horseedo dagaal khatar badan dhaliya oo ka dhex qarxa isbahaysiga uu Mareykanku hoggaamiyo iyo dowladda Ruushka.

Dalalka reer galbeedka ayaa xukuumadda Kyiv garab taagan tan iyo markii uu dagaalka billowday 24-kii bishii February ee sanadkan 2022-ka.

Diyaarad dagaal

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhacdadan ayaa kusoo aadday xilli militeriga dalalka ku jira Nato ay wadaan dhoollatuskii ugu waynaa ee ka dambeeyay xilligii Dagaalki Qaboobaa.

Diyaaradaha NATO ayaa dhoollatuska ku samaynaya hawada Yurub ee u dhow Ukraine, halkaasoo ay si joogto ah dhaqdhaqaaqyo uga sameeyaan diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.

"Dhoollatuskan militeri ayaa noqday mid lama filaan ah. Diyaarad aan la garanaynin cid leh ayaa kusoo dhawaatay saldhigga ciidamada cirka ee NATO.

"Diyaaradahan ayaa ka hor istaagayay waddadeeda iyo in ay dib u laabato," ayay tiri wariyaha BBC-da, Nafisa Kuhinur.

Saraakiisha NATO ayaa markii dambe dhacdadaas usoo tabiyay BBC-da. Waxay sheegeen in ay ahayd diyaarad uu leeyahay Ruushka.

NATO

Dalalka reer galbeedka ayaa Ukraine ku garab taagan dagaalka ay isaga difaacayaan Ruushka, iyagoo si joogto ah u siiya gargaarka militeriga.

Sidoo kale xukuumadda Kyiv ayaa dadaal ugu jirta sidii ay qayb uga noqon lahayd NATO iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, oo jeedinayay khudbaddiisa uu habeen walba kasii daayo telefishinka ayaa sheegay in Ukraine ay sidii hore aad uga dhow dahay inay ku biirto Midowga Yurub.

Hadalkiisa ayaa yimid kaddib markii ay magaalada Kyiv booqasho ku tageen hoggaamiyeyaasha dalalka Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Romania.

Dhammaan madaxda dalalkan ayaa Ukraine ku taageeray inay tahay dalka ugu mudan in lagu soo daro Midowga Yurub oo waddamo kalena ay u sharraxan yihiin.