Diyaaradaha ay dawladda Soomaaliya heysato maxay ka badali karaan furimaha dagaalka?

Xigashada Sawirka, Dawladda Soomaaliya
Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu arkayay diyaaradaha nuuca qumaatiga u kaca oo ay dadweynaha la wadaagayaan wasiirro ka tirsan dawladda Soomaaliya.
Inta la arkay ila laba diyaaradood ayaa lagu baahiyay baraha bulshada, balse warar aynaan xaqiijin karin ayaa sheegaya in ay gaarayaan ilaa saddex diyaaradood.
Dawladda Soomaaliya oo aan la xariirnay si aan wax uga waydiinno sida ay ku heleen iyo halka ay keeneen, balse waa ay ka gaabsatay dawladdu inay faahfaahin ka bixiso.
Horay ayaa lataliyaha amniga qaranka Soomaaliya wuxuu u sheegay warbaahinta in ay soo iibsadeen diyaaradahaan oo qorshuhu yahay in ay ka caawiyaan dagaalka.
Macluumaadkan waxaa daabacay Facebook. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Facebook xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka Facebook boggan
Maxay qabtaan diyaaradahaan?
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa BBC Somali u sheegay in diyaaradahaan uu nuucoodu yahay Helicopter Bell 412, kuwaas oo loo adeegsado dhawr ujeedo oo ay kamid yihiin; in lagu daabulo ciidamo, in lagu qaado saanad, in lagu soo qaado dhaawacyada yaalla furinta hore iyo sidoo kale in lagu badbaadiyo laguna baadi goobo waxyaabha dhuma.
Dawladda Soomaaliya oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsatay xogta ku aadaan in ay lacag bixiyeen si ay diyaaradahaan u helaan iyo in loogu deeqay iyo sidoo kale waddanka laga soo iibiyay.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa "Ma rabo inaan faahfaahin ku saabsan qalabka ciidanka sii galo, balse ciidamada si fiican ayaa loo qalabeeyay".
Marka laga soo tago labadaan diyaaradood ayaa filaysa inay hesho diyaarado kale sida ay noosheegeen masuuliyiin ka tirsan dawladd Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muddo ka badan todobaad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, isaga oo halkaas ku suganaan doona todobaadyada soo socda sida BBC u sheegay madaxweyne ku xigeenka Galmudug.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgalkaan oo lagu dhameystiryo wajiga koobaad ee dagaalka uu bilowday shan maalmood ka hor, ciidamaduna ay ku jiraan hawlgallo maalin leh ah.

Xigashada Sawirka, Bell Helicopter
Diyaaradahaan maxay ka tari karaan furinta?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Axmed Cabdullaahi Kaboole waa khabiir ka faalooda arimaha ammaanka ee Soomaaliya. Wuxuu u sheegay BBC Somali in arrin muhiim ah oo diyaaradahaan u tari karaan ay tahay in ay dhisto niyadda ciidanka, oo ay ogaadaan in ay haystaan garab, iyo aalad si fudud u qaadi karta dhawaacyadooda.
Arrintaan ayuu sheegay kaboole in ay ka yarayn karto ciidamada, walwalka laga yaabo in ay ka qabeen hadii ay go'doomaan ama saanadu ka go'do cawaaqibka ay la kulmi karaan.
Kaboole ayaa yiri: "Diyaaradaan waxay ka caawin kartaa ciidamada inay sameyso sahan ay ku daal tagaa...waxay soo qaadi kartaa dhaawacyada ama hadii ay ciidanku meel ku go'doomaan".
Dawladda Soomaaliya ayaa waxaa saaran cunna qabatayn dhanka cirka ah taas oo aysan soo iibsan karin hubka qaar. Diyaaradaha dagaalka ayaa qayb ka ah kuwa ay cunna qabatayntu saaran tahay.
Dawladda ayaa marar badan u ololeysay sidii ay uga bixi lahayd cuna qabataynta.
Wajiga koobaad kadib ayaa la rajeynayaa in uu bilowdo wajiga labaad oo ay dawladdu sheegtay in ay ka bilaabi doonto deegnada koonfurta Soomaaliya.













