Daawo: Maxaa dhacay markii diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Shiinaha ay hawada foodda isugu dareen?

Ciidamada Mareykanka ayaa soo bandhigay muuqaal muujiaya diyaarad dagaal oo uu Shiinaha leeyahay taas oo ka hor timid diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee Mareykanka.
Duuliyaha waday diyaaradda dagaalka ee Shiinaha ayaa waxa uu u jirsaday tan Mareykanka 121 mitir taas oo aad ugu dhowayd.
Markii ay diyaaradda dagaalka ee Mareykanka ogaatay in diyaaraddan Shiinaha laga leeyahay ay aad ugu dhowdahay ayaa waxaa la soo daristay xasilooni darro.
Ciidamada Mareykanka ee Indo-Pacific ayaa war ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay in duuliyeyaal Mareykan ah ay xilligaas ku sugnaayeen hawada caalamiga ah.
Dhowr isbuuc kaddib markii uu Madaxweynaha Mareykanka digniin ku aaddan arrimaha Taiwan u diray Shiinaha, xukuumadda Beijing ayaa soo saartay jawaabtii ugu adkayd abid.
Mareykanka iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxaysa xurguf dhanka siyaasadda ah, gaar ahaan arrimaha Taiwan oo uu Mareykanka taageero.
Shiinaha ayaa Taiwan u aqoonsan waddan ka tirsan balse Taiwan ayaa ku gooni isu taag ku dhawaaqday oo waxay rabtaa inay noqoto waddan madax bannaan oo uu caalamka aqoonsan yahay.
Mareykanka iyo Shiinaha ayaa marar badan is weydaarsaday dagaal afka ah iyo hanjabaado culus.
Daawo muuqaalka ay iskaga hor yimaadeen labada diyaaradood ee dagaalka:
Haddaba waxaanu is barbardhigeynaa awoodaha ciidan ee Mareykanka iyo shiinanaha.
Mareykanka
Mareykanka ayaa guud ahaan waxa uu leeyahay ciidan dhan 1.4 milyan oo askari. Halka ciidamada badda la sheegay in ay yihiin 346,200.
Ciidamada Badda ee Mareykanka waxay haystaan 51 markab oo ah kuwa quusa ee xambaara madaxyada nukliyeer-ka iyo 11 diyaaradood oo iyagana ah kuwa madaxyada nuliyeeka qaada. Isku soo wada duuboo, Ciidanka Bada ee Maraykanku waxa ay haystaan 296 markab oo ah kuwa dagaalka.
Ciidanka Cirka ee Maraykanku waa laan adeeg oo ka tirsan ciidamada qalabka-sida ee Maraykanka oo ku takhasusay dagaalka hawada. Waxaa la aasaasay bishii Sebtembar 1947-kii, iyadoo la raacayo sharciga amniga qaranka ee 1947-kii, waxayna xilligaasi ka mid ahayd laamihii cusbaa ee militariga Mareykanka.
Diyaaradaha ugu badan ee Ciidanka Cirka waxay adeegsadaan diyaaradaha F-16C Falcon, oo tiradooda gaareyso 783 xabbo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidanka Cirka ee Maraykanku waxa ay haysteen 4,100 diyaarad oo dagaal geli kara. Intaa waxa dheer, Ciidanka Cirka ee Maraykanka waxay haystaan 400 oo gantaallada ballistic-ga ah ee qaaradaha isaga kala gudba.
Tirada shaqaalaha kaydka ee Waaxda Difaaca ee Maraykanka ayaa ahayd mid joogto ah ilaa sanadkii 1995. Sanadkii 2020, waxay ciidamada keydku ahaayeen 795,955.
Shiinaha
Qiimeyn uu sameeyay wargeyska Businessinsider oo soo xiganaya bogga Statista sanadkan 2022 ayuu ku sheegay in Shiinaha uu yahay waddanka ugu miltariga badan adduunka, iyadoo ciidamadiisa diyaarka ah ay gaarayaan 2.18 milyan oo askari.
Bishii Oktoobar ee sanadkii 2019 ayuu Shiinaha sameeyay dhoolla-tuskii milatari ee ugu dambeeyay.
Waxaa lagu soo bandhigay ciidan tiradoodu gaareyso 15,000 oo askari, 580 qalabka milatariga ah iyo 160 diyaarad oo nooca dagaalka ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shiinaha waa waddanka labaad ee dhaqaalaha ugu badan ku bixiya milatariga, isagoo sanadkiiba u adeegsada $261 bilyan, sida uu shaaciyay Machadka Caalamiga ah ee Cilmibaarista Nabadda ee Stockholm.
Shiinaha waa waddanka saddexaad ee ugu sarreeya dhinaca awoodda diyaaradaha dagaalka, wuxuuna heystaa 3,210 diyaarad.
Shiinaha ayaa heysta taangiyo ay tiradoodu gaareyso 3,200, halka gawaarida gaashaaman ee uu heysto lagu qiyaasay 33,000, sida lagu xusay xog uu soo bandhigay bogga isbarbardhigga ku sameeya cududda milatari ee dalalka caalamka ee Global Firepower.
Shiinaha ayaa haysta qalabka gantaallada lagu rido oo ay tiradiisu gaareyso 2,650. Dhinaca awoodda baddana, Shiinaha ayaa haysta 777 maraakiibta ciidamada badda oo noocyo kala duwan ah. Shiinaha ayaa heysta 74 markab oo kuwa badda hoosteeda mara ah. Sidoo kale wuxuu heystaa 36 markab oo kuwa wax burburiya ah.














