Wax ka ogow jeelka 'injirta iyo nadaafad-xumada' lagu sheegay ee uu dhowaan iska dhiibi doono Trump

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maalmaha soo socda, Donald Trump ayaa isku dhiibi doona booliiska gobolka Georgia. Waxaa lagu wadaa inay saacado kooban qaadayo muddada uu la joogaayo waaxda caddaaladda dembiyada - halka dadka kale ay intooda badan aysan sidaa u nasiib badneyn.

Maamulka gobolka ayaa maanta ku dhawaaqay in Mr Trump iyo 18-ka kale ayaa la "la filayaa" inay iska diwaan geliyaan Xabsiga Fulton County ee Atlanta kahor inta uusan tgain maxkamadda, inkastoo maamulku ka digay inay "xaaladuhu is beddeli karaan".

Wuxuu Trump ku qasban yahay inuu 25 August iska xaadiriyo maxkamadda si uu u wajaho eedeymaha ah inuu isku dayay inuu isdaba mariyo naiijada doorashadii 2020 ee gobolka ka dhacday.

Pat Labat, oo ka tirsan maamulka gobolka ayaa sheegay in saraakiishu ay raaci doonaan shuruucda caadiga ah marka ay la dhaqmayaan Mr Trump.

Balse khubarrada ayaa sheegaya inaan loola macaamili doonin sida dadka kale ee xabsiyada adag ku xirnaada muddo toddobaadyo ah, bilooyin amaba xitaa sanado iyagoo sugaya maxkamadeyn.

Dalka Mareykanka, dadka dacwadaha lagu soo oogo waxay ku sugaan xabsiyada haddii lasoo xiro, iyagoo sugaya maxkamadeyn, amaba inay muddo kooban jeelka ku jiraan. Xabsiyada waa halka ay dembiilayaashu ku qaataan waqti dheer kaddib marka xukunku ku dhaco.

Boqollaal qof ayaa in ka badan 90 maalmood lagu hayaa Jeelka Fulton County sababtoo ah weli si rasmi ah looma xukumin amaba ma awoodaan inay damaanad bannaanka ku joogaan, sida laga soo xigtay warbixinta September 2022 ay soo saareen midowga American Civil Liberties Union (ACLU).

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in 117 qof ay xabsiga ku sii sugayaan ilaa laga xukminayo in ka badan sanad.

Xaalado 'aad u adag'

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa la dhisay sanadkii 1985 si loogu xiro ilaa 1,300 maxaabiis, wuxuuse Fulton County Jail sanadihii lasoo dhaafay hoy u ahaa ilaa 3,000 oo qof.

Jeelkan ayaa waxaa ka jira "xaalado nadaafad-darro ah" oo horseeday inuu ka dillaaco xanuunka safmarka ah Covid-19, injir gashay maxaabiista iyo waxyaabo kale, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Xarunta Koofureed ee Xuquuqda Aadanaha. Waxaa warbixinta lagu sheegay in maxaabiistu ay aad macluul u heysay ayna qaarkood xanuunsanaayeen.

Xaaladahaan aadka u daran ayaa sababay dhimasho.

Toddobaadkii la soo dhaafay, nin 34 jir ah ayaa ku suuxay xarun caafimaad oo gudaha xabsiga ku taalla, halkaasoo uu ku jirya tan iyo sanadkii 2019.

Wuu soo roonaaday, balse haddana isbitaalka ayuu ku geeriyooday sida laga soo xigtay xafiiska maamulka degmada.

Wuxuu ahaa qofkii lixaad ee sanadkan ku dhinta gudaha xabsiga.

Noni Battiste-Kosoko waxay ahayd 19 jir markii ay ku geeriyootay Jeelka Fulton County bishii July, iyadoo loo soo xiray dembiyo xoogaa fudud.

Xarunta Atlanta ee dadka lagu xiro ayaa lagu arkay iyadoo miyir daboolan.

Qoyskeeda ayaan weli loo sheegin sababta geerideeda, sida uu BBC-da u sheegay qareenka qoyska.

Arrin isa soo tareysa

Markii la dhisay sanadihii 1980-meeyadii, jeelkan wuxuu ahaa mid astaan u ah gobolka, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha gobolka balse haatan ma aha.

Wuxuu sheegay in jeelku u baahan yahay in la dumiyo dibna loo dhiso, qarashkana ay bixiyaan dadka magaalada.

Maamulka magaalada ayaa sidoo kale qirsan xaaladaha adag ee ka jira dhismahan ee kasii daraya. Wuxuuna maamulku codsaday adduun dhan $1.7bn si dib loogu dhiso.

"Waxaa jirtay in in badan laga hadlay nadiifintiisa," ayay tiri Ms McClure oo ka tirsan ACLU.