Maxaa dhexmaray Donald Trump iyo haweeneyda sheegtay inuu la seexday?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa lagu soo oogi doonaa dambi ka dib markii lagu eedeeyay inuu qariyay lacagihii uu siinayay atariishada hore ee aflaanta ee Stormy Daniels.
Ms Daniels ayaa ku andacoonaysa in iyada iyo Mr Trump ay wada galmoodeen, isla markaana ay ka aqbashay inay ka qaadato $130,000 oo doolar qareenkiisii hore ka hor doorashadii 2016 si aysan arrintan u sheegin.
Lacagta noocaas ah ayaa sharci darro ka ah Maraykanka, waa tan lagu haysto Donald Trump.
Waxaa lagu haystaa inuu ka been sheegay diiwaankiisa ganacsiga oo uu lacagtaas ku sheegay mid lagu bixiyay shaqo uu qabtay qareen.
Maxkamadda ayaa lagu weydiin doonaa Trump su’aalaha la xiriira hannaanka bixinta lacagtaas.
Madaxweynaha hore ayaa beeniyay inuu wax dembi ah galay, waxaana uu dacwadda ku tilmaamay mid ay siyaasadi ka dambeyso.
Qareenka, Michael Cohen, ayaa markii dambe xabsiga la dhigay isagoo lagu eedeeyay dambiyo badan.
Madaxweynihii hore ayaa beeniyay inuu wax galmo ah la sameeyay Ms Daniels tan iyo markii eedeymahaasi ay soo shaac baxday sannadkii 2018-kii.
Stormy Daniels waxay daaha la qaadday waxa iyada iyo dhexmaray

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ms Daniels, oo magaceeda saxda ah uu yahay Stephanie Clifford, ayaa ku sheegtay wareysiyo ay siisay warbaahinta inay Mr Trump kula kulantay tartan samafal oo Golf ah bishii July 2006-dii.
Waxay ku eedaysay labada nin inay hal mar ku wada galmoodeen qolkiisa hoteelka Lake Tahoe, oo ah meel loo tamashle tago oo u dhaxaysa California iyo Nevada. Qareen u doodaya Mr Trump ayaa "si adag" ayaa markaasi ganafka ugu dhuftay eedeynta Ms Daniels.
"Waxa uu u ekaa in aanu ka walwalsanayn arrinkaas, waxa uu ahaa mid isla wayn" ayay tiri iyada oo ka jawaabaysa su'aal la waydiiyey oo ahayd in uu Mr Trump u ku yri in ay ka aamusto habeenka la sheegay in ay wada seexdeen.
Xaaska Mr Trump xiligaas Melania Trump markaasi kuma aysan wehlin tartanka sababtoo ah markaasi ayay dhashay.
Hanjabaadaha iyo lacag bixinta in la aamusiiyo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sannadkii 2016, maalmo ka hor doorashadii madaxtinimada Mareykanka, Ms Daniels waxay sheegtay in qareenka Mr Trump Michael Cohen uu siiyay $130,000 oo ah si ay uga aamusto arrintan.
Waxay sheegtay inay u qaadatay lacagta sababo la xiriira badqabka qoyskeeda.
Ms Daniels ayaa sheegtay in loogu hanjabay si ay uga aamusto arrintan.
Sannadkii 2011, wax yar ka dib markii ay aqbashay inay bixiso waraysi ay siisay majaladda In Touch oo ku saabsan arrinta lagu eedeeyay, waxay sheegtay in nin aan la garanayn uu u soo dhawaaday iyada iyo gabadheeda yar oo baarkinka baabuurta ee Las Vegas ku sugan uuna u sheegay inay "faraha ka qaaddo Trump".
"Taasi waa gabadh yar oo qurux badan. Waxay noqon doontaa ceeb haddii ay wax ku dhacaan hooyadeed," ayuu ku yiri ninka sida ay ku sheegtay, wareysi 2018-kii ay siiyay warbaahinta CBS.
Wareysiga ay siisay In Touch si buuxda looma baahin ilaa 2018-kii.
Kahor inta aan barnaamijka 60-ka daqiiqo hawada laga saarin, shirkad xiriir la leh Mr Cohen ayaa ugu hanjabtay Ms Daniels inay ku soo oogeyso dacwad , iyadoo ku doodaysa inay jabisay heshiis aan la shaacin, ama "heshiiska aamusnaanta".
Ma sharci darro baa in qof la siiyo lacag lagu aamusinayo si uusan u sheegin arrin sir ah?
Sharci darro maaha in qof magdhow la siiyo si loola galo heshiska ah inuusan shaaciin arrin qarsoosi ah .
Laakiin waxa dhibka ku keenay Mr Trump ayaa ah sida lacagta Mr Cohen uu siiyay haweeneyda loogu loogu diiwaan geliyay akoonkiisa.
Waxaa lagu eedeeyay inuu ka been abuuray diiwaanka ganacsigiisa isagoo sheegay in lacagtaas lagu bixiyay arrimo la xiriira sharciga.
Lacagtan ayaa sidoo kale la bixiyay bil ka hor doorashadii madaxtinimo, waxaana dadku ay ku doodeen in lacagtaasi ay xadgudub noqon karto ololaha doorashada ah.
Bishii Agoosto 2018, Mr Cohen waxa uu qirtay dambiga ku saabsan lunsiga cashuuraha iyo jebinta xeerarka maaliyadda ololaha, taas oo qayb ahaan la xiriirta lacagihii uu siiyay Ms Daniels iyo qof kale oo lagu eedeeyay in uu Trump jecel yahay.
Inkasta oo uu markii hore sheegay in Mr Trump aanu wax shaqo ah ku lahayn lacagahaas, haddana Mr Cohen waxa uu markii dambe ku dhaartay in Mr Trump uu ku amray in uu si degdeg ah u bixiyo $130,000 oo doolar ka hor doorashada 2016-ka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxweynaha uu u soo celiyay lacagtii uu bixiyay.
Mr Trump waxa uu qirtay shaqsi ahaan in uu dib u bixiyay lacagta, taas oo aan ahayn sharci darro, laakiin waxa uu dafiray arrintan iyo wax kasta oo khalad ah oo ku saabsan sharciyada ololaha.
Mr Cohen ayaa la xiray kadib markii uu qirtay dambiga ah in uu ku xad gudbay sharciyadii doorashadii madaxtinimo ee 2016-kii.
Maxay tahay sababta Trump dacwadda loogu soo oogay?
Horraantii sanadkan, Xeer Ilaaliyaha Degmada New York Alvin Bragg ayaa sameeyay xeerbeegti heersare ah si ay u baaraan haddii ay jiraan cadeymo ku filan oo la xiriirta dacwad ka dhan ah madaxweynihii hore ee lacagta siiyay Ms Daniels.
Habeennimadii Khamiista ayaa xubnaha xeer beegti fadhiday New York waxa ay codeeyeen in dacwad lagu soo oogo Trump, taaso ka dhigan in ay rumaysan yihiin in la hayo caddeymo waafi ah oo ka dhan ah Madaxweynaha hore.
Weli lama shaacin qodobada dacwadda.
Hase yeeshee xeer beegtida ayaa todobaadyo dhageysanayay caddeymo ku aaddan lacagta la siiyay haweeneyda lagu magacaabo Stormy Daniels, si loogu aamusiyo.
Lacagta ayaa la bixiyay ka hor inta uusan Trump noqon Madaxweynaha, wax yar uun ka hor doorashadii 2016 ee uu kaga guulaystay Hillary Clinton.
Waxaa la ogaan doonaa qodobada dacwadda marka la xiro Trump ee uu ka soo hor muuqdo garsoore ku sugan maxkamadda Manhattan.
Waxaa jira warar sheegaya in Trump maxkamadda la geyn doono Talaadada soo socota.













