Waa tuma diyaaradda Shiinaha laga leeyahay ee la tartamaysa diyaaradihii caalamiga ahaa?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Bandhigga Diyaaradaha ee Singapore, goobta bandhigga waxaa safan moodeello yaryar oo diyaarado ah, qolal duulimaad oo la tijaabin karo, iyo bandhigyo is-dhexgal ah oo muujinaya diyaaradaha ganacsiga ee ugu dambeeya iyo tignoolajiyadda duulista.

Hal goob oo si gaar ah u soo jiidanaysa dareenka waa tan Comac, oo ah shirkadda diyaaradaha ee ay leedahay dawladda Shiinaha, taas oo horumar weyn sameysay tan iyo markii diyaaraddeeda rakaabka ee C919 ay markii ugu horreysay ka duushay Shiinaha una safartay Singapore laba sano ka hor — safarkeedii ugu horreeyay ee ka baxsan dhulka Shiinaha.

Diyaaraddan ayaa loo naqshadeeyay inay la tartanto Airbus A320neo iyo Boeing 737 MAX, waxaana si isa soo taraysa ay uga dhex muuqataa danaynteedu suuqyo ka baxsan Shiinaha.

Sida ay shirkaddu sheegtay,

"Comac waxay indhaha ku haysaa suuqa duulista ee Koonfur-bari Eeshiya."

Bandhigga diyaaradaha wuxuu u yahay Comac fursad ay isku muujiso inay noqon karto tartame suurtagal ah oo dhinac ah Airbus iyo Boeing gudaha gobolka Eeshiyada–Baasiifigga, oo ah suuqa duulista ee ugu kobaca badan caalamka, xilli ay shirkadaha duulimaadyadu ay la tacaalayaan dib-u-dhacyo ku yimaadda keenista diyaaradaha iyo silsiladaha sahayda oo muddooyinkan danbe cidhiidhi noqday.

"Waxaan u maleynayaa in mustaqbalka, Comac ay noqon doonto tartame caalami ah… balse waxay u baahan doontaa waqti," ayuu BBC u sheegay Willie Walsh, agaasimaha guud ee Ururka Gaadiidka Cirka ee Caalamiga ah (IATA).

"Waxaan u maleynayaa in 10 ama 15 sano kadib, aan ka hadli doonno Boeing, Airbus iyo Comac… Shaki la'aan, waxay noqon doonaan ciyaaryahan weyn mustaqbalka."

Falanqeeyayaashu waxay sheegeen in si dhab ah loogu baahan yahay shirkad kale oo samaysa diyaaradaha gobolka dhaca EeshiyadaBaasiifigga.

Shirkadaha diyaaradaha ee gobolka ayaa dareemaya culays ka dhashay dib-u-dhacyada keenista diyaaradaha ee Boeing iyo Airbus, taas oo ay sii xoojiyeen yaraanta matoorada iyo caqabadaha guud ee ka jira dhanka adeegyada kale ee loo baahan yahay.

Hubanti-la'aanta ku saabsan canshuuraha (tariffs) iyo xiisadaha ganacsiga ayaa sii adkeeyay caqabadaha haysta warshadaha wax-soo-saarka, taas oo saameyn ku yeelatay hababka wax-iibsiga iyo istaraatiijiyadda kobaca ee gobolka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xogta IATA ayaa muujinaysa in shirkadaha diyaaradaha ee caalamka ay sugayaan waqti ka dheer sidii hore si ay u helaan diyaarado cusub, taas oo keentay in celceliska da'da diyaaradaha la adeegsado ay kor u kacdo, isla markaana ay kordhaan kharashaadka hawlgalka, maadaama diyaaradaha duqoobay ee duugga ah ay shidaal badan cunaan.

Willie Walsh ayaa sheegay in shirkadaha diyaaradaha ee Aasiya-Baasiifigga ay gaadhi karaan koboc macno leh, sannadka 2026 haddii diyaarado la heli lahaa.

"Arrintani waa mid aad u niyad-jab leh marka ay noqoto dhanka shirkadaha diyaaradaha. Wakhtiga u dhexeeya dalabka diyaaradda iyo helitaankeeda wuxuu gaadhaa qiyaastii toddoba sano," ayuu yidhi.

Tani waa sababta ay Comac u soo baxeyso inay noqoto ikhtiyaar kale oo ay dooran karaan shirkado badan oo duulimaad oo ka jira Eeshiyada-Baasiifigga.

Shirkaddu waxay sheegtay inay gaadhsiisay in ka badan 200 oo diyaaradood oo nooca C909 iyo C919 ah, iyadoo qiyaastii rubuc diyaaradahaas ay ka hawlgalaan shirkado ku yaalla Laos, Indonesia iyo Vietnam. Shirkadda GallopAir ee Brunei ayaa dalbatay tiro badan oo ka mid ah diyaaradaha Comac, halka Cambodia ay sidoo kale qorshaynayso inay iibsato ku dhowaad 20 diyaaradood.

"Waxaan u baahan nahay alaab-bixiyeyaal badan oo ku jira warshadaha diyaaradaha," ayuu yidhi Subhas Menon, oo ah agaasimaha guud ee Ururka Shirkadaha Diyaaradaha ee Aasiya-Baasiifigga (AAPA).

"Dhibaatada warshaddan ka jirta ayaa ah in wershadaha diyaaradaha ay xidhan yihiin, mararka qaarna waxsoosaarka adag yahay."

"Waxaan arrintan sugaynay muddo dheer. Soo gelitaanka Comac waa arrin la soo dhaweynayo. Gaar ahaan Aasiya-Baasiifigga, waxaan u baahan nahay alaab-bixiyeyaal badan."

Shirkaddu waxay ku jirtaa xaalad wanaagsan iyada oo haysata taageero xooggan oo ka timaadda dowladda, halka qiimaha hoose ee diyaaradaha ay ka dhigi karaan kuwo soo jiidasho leh shirkadaha duulimaadka ee qiimaha jaban, kuwaas oo ka hawlgala suuqyada soo koraya.

"Mustaqbalka, waxaan soo dhaweynaynaa dhammaan kuwa cusub ee soo galaya suuqan. Waxaan dooneynaa inaan aragno tartan badan. Comac weli waxay mari doontaa geeddi-socodka shahaado-siinta, waxaana filaynaa in mar uun siiba 2030-meeyada ay noqon doonto xulasho soo jiidasho leh oo anfacda annaga iyo shirkado kale oo badan," ayuu BBC-da u sheegay Mike Szucs, oo ah madaxa fulinta ee shirkadda duulimaadka qiimaha jaban ee Cebu Pacific ee Filibiin.

Marka laga soo tago is-ballaadhinta ay ka waddo Eeshiyada-Baasifigga, Comac waxay sidoo kale raadinaysaa shahaado ganacsiyeed Yurub ah, iyada oo hay'adaha sharci-dejinta ay sameynayaan duullimaadyo tijaabo ah oo lagu hubinayo diyaaraddeeda C919. Tani waxay u oggolaan lahayd inay diyaaradaha ka iibiyaan shirkadaha duulimaadka ee Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, jidka hor yaalla weli waa mid dheer.

Hay'adaha sharci-dejinta ayaa sheegay in helitaanka shahaadada Yurub ay qaadan karto ilaa 2028 ama xitaa 2031. Dhanka kale, is waafajinta qaybo Shiineys iyo kuwo Reer Galbeed ah, nidaamyada xakamaynta duullimaadka iyo barnaamijyada software-ka ayaa sidoo kale ah caqabado farsamo oo adag, gaar ahaan dalabyada caalamiga ah.

Kaabayaasha dayactirka iyo hagaajinta diyaaradaha waa caqabad kale, sidoo kale tababarka duuliyeyaasha — waaxyo ay shirkadaha sida Boeing iyo Airbus muddo tobannaan sano ah ku lahaayeen nidaamyo iyo kaabayaal si fiican u dhisan ayaa iyana ka mid ah meelaha ku adkaan doona.

Gobolkan dhaca Eeshiyada-Baasiifigga gudaheeda, Comac waxay sidoo kale wajahaysaa tartan ka baxsan Boeing iyo Airbus.

Shirkadda Brazil ee Embraer ayaa si tartiib ah uga heshay saldhig gobolka, iyadoo shirkadda duulimaadka jaban ee Singapore ee Scoot, Virgin Australia, iyo shirkadda Japan ee All Nippon Airlines (ANA) ay dalbadeen diyaarado Embraer ah.

Dhanka kale, Boeing iyo Airbus weli waxay leeyihiin samaayn iyo joogitaan xooggan oo gobolka ah.

Waxaa sidoo kale jira su'aalo la xidhiidha tirada dalabyada Comac. Hore ayay u sheegtay inay haysato in ka badan 1,000 dalab oo ah diyaaradaha rakaabka ee C919 oo ay ka heleen shirkadaha Shiinaha, balse ilaa hadda wax ka yar toban iyo dhowr ayaa la gaadhsiiyay.

Xaqiijinta tirada dalabyadan ayaa sida oo kale adag, maadaama Comac ay tahay shirkad Shiineys ah oo ay dawladdu leedahay, isla markaana aan si furan suuqa saamiyada uga diiwaangashnayn sida Boeing ama Airbus.

Haddii aysan Comac awoodin inay wax ka qabato qaar ama dhammaan caqabadahan, Boeing iyo Airbus ayaa ay u badan tahay inay sii wadaan xakamaynta hawada sare ee Eeshiyada-Baasifigga.