Ninkii weeraray Ilhaan Cumar oo la diiday codsi uu maxkamad u gudbiyey

Weerar

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Garsoore heer federaal ah ayaa diiday in dammaanad lagu sii daayo Anthony Kazmierczak, kaasoo lagu eedeeyay inuu carqaladeeyay hool ku yaalla Minneapolis oo ay shir ku qabanaysay xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimoqaraadiga 27kii Jannaayo isagoo ku buufiyay biyo iyo khal.

Garsoore David Schultz oo ah garsoore heer maxkamad degmo oo fadhigiisu yahay gobolka Minnesota ayaa Talaadadii diiday codsi uu u gudbiyay Kazmierczak oo 55 jir ah, kaas oo ahaa in laga sii daayo xabsiga inta uu kiiskiisu socdo.

Waxaa lagu soo oogay dacwad ah in uu weeraray oo uu farageliyay xubin ka tirsan Congress-ka markii uu u yimid Ilhaan Cumar oo ah 43 iyada oo taagnayd halka laga khudbeeyo, wuxuuna isticmaalay saliingo caag ah, kaasoo uu uga buufiyey xabadka iyo caloosha, wax markii dambe la go'aamiyay inuu yahay isku dar ah khalka tufaaxa iyo biyo.

Ilhaan ayaa dhowr tallaabo u qaadday dhinaciisa iyadoo gacanta kor u taagtay ka hor inta aan la xakameyn ninkaasi, kaddibna waxay sii wadatay khudbaddeedii kaddib hakad kooban oo dhacay.

Waxaa dhici karta in lagu xukumo hal sano oo xarig ah haddii lagu helo dambiga.

Kazmierczak ayaa hadalka ka joojiyey Ilhaan Cumar ka dib markii ay soo qaadday magaca xoghayaha Waaxda Amniga Gudaha Kristi Noem oo ay ugu baaqday inay iscasisho, ayadoo ku eedeysay inay "kala qaybinayso reer Minnesota".

Ilhaan

Xigashada Sawirka, AP

Shaqaalaha amniga ee Ilhaan Cumar ayaa la tacaalayay Kazmierczak oo ay ku hayeen xabsiga ilaa ay ka yimaadeen booliiska maxalliga ah si ay u qabtaan.

Caddayn FBI-da ayaa muujinaysa in Kazmierczak uu taariikh u leeyahay inuu faallooyin hanjabaad ah u jeediyo Ilhaan Cumar waxaana sannado ka hor lagu eedeeyay inuu soo jeediyay "in qof uu dilo".

Waxa kale oo marar badan la xiray ninkaas 40-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana lagu helay 1989 kii dambi lagu soo oogay oo ahaa xatooyo baabuur.

Ilhaan oo Kongress-ka ka tirsan ayaa loo jeediyey eedaymo musuqmaasuq la xiriira.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Ilhaan ku eedeeyay inay faa'iido ka samaynayso wax is daba marin, wuxuuna u soo jeediyay in lagala noqdo sharciga dhalashada.

Waxa kale oo uu doonayaa in Ilhaan xabsiga la dhigo oo la musaafuriyo wax isdabamarin darteed.

Trump Truth Social

Xigashada Sawirka, Truth Social

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Talaadadii ayaa madaxweyne Trump wuxuu baraha bulshada soo dhigay sawirka ciidamada Mareykanka ee duqeymaha ka dhanka ah madaxda Daacish ku beegsanayey "god ku yaalla Soomaaliya" bishii Febraayo 2025.

Waxa uu soo dhigay su'aasha ah: "Ilhaan Cumar ma u joogtey si ay u ilaaliso 'dalkeeda' musuqmaasuqaysan?"

Ilhaan ayaa dhankeeda sii wadda dagaalka kala dhaxeeya maamulka Trump. Talaadadii ayey barteeda X soo dhigtay qoraal ay ku baaqayso in xoghayaha amniga gudaha ay casisho.

"Waxaa la joogaa wakhtigii ay Kristi Noem tegilahayd. Haddii aysan is casilin waxaan diyaar u nahay in aan daacwad ku soooogno" ayey tiri.

Gabadhan ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga, oo ku timid Mareykanka qaxoontinimo ayadoo da'deedu ahayd 12 jir ayaa noqotay muwaadin marki ay gaartay da'da 17 jirka ah, waxayna ku tilmaantay go'aanka Trump mid "wax xun" iyo "caafimaad xumo ah inay qof uga dhegtay".

Sannadkii 2019-kii, Ilhaan waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali-Maraykan ah, asalkiisuna yahay Afrikaan Maraykan ah, iyo mid ka mid ah labadii haween ee Muslimka ahaaa ee Maraykanka ugu horreeyey ee ka mid noqda Congress-ka dalkaas.