Iimaaraadka oo Maraykanka iyo Iiraan u soo jeediyey inay heshiis ka gaaraan Nukliyeerka

Iran iyo US

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ku boorrisay Iran iyo Mareykanka in ay gaaraan heshiis Nukliyeer ah, isla markaana ay xal waara ka gaaraan xiisadda, ka hor inta aan dib loo bilaabin wadahadallada u dhaxeeya dhjinacyada cadaawaddu ka dhaxayso iyo dalalka gobolka , iyagoo carabka ku adkeeyay in Bariga Dhexe uusan u baahnayn dagaal kale.

Iraan iyo Mareykanka ayaa dib u billaabi doona wadahadallada Nukliyeerka Jimcaha kuwaasoo ka dhacaya Turkiga, sida ay saraakiil Iiraaniyiin ah iyo Mareykanka u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters Isniintii. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka digay in ayadoo maraakiibta waaweyn ee dagaalka Mareykanka ay ku wajahan yihiin Iiraan, "waxyaabo xun" ay u badan tahay inay dhacaan haddii heshiis la gaari waayo.

Imaaraatka oo ah quwadda Khaliijka Carabta ee saameynta weyn leh, isla markaana saaxiib dhow la ah Mareykanka, ayaa sheegtay in loo baahan yahay xal waara.

"Waxaan u maleynayaa in gobolka uu soo maray iska hor imaadyo kala duwan oo masiibo ah, uma maleynayo inaan u baahanahay mid kale, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan arko wada xaajood toos ah oo Iran iyo Mareykanka dhex mara, kaas oo horseeda isfaham si aynaan arrimahan noo soo marin maalin kale," ayuu la taliyaha madaxweynaha Imaaraadka Anwar Gargash u sheegay guddi ka qeyb galay shirka dowladaha adduunka oo ka dhacay Dubai.

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff iyo wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Cabaas Araqchi ayaa ku kulmi doona magaalada Istanbul si ay dib ugu soo nooleeyaan diblumaasiyadda muranka muddada dheer soo jiitamayay ee ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, isla markaana meesha laga saaro cabsida laga qabo dagaal cusub oo gobolka ah. Diblomaasi heer gobol ah ayaa sheegay in wakiilo ka socda dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Masar ay sidoo kale ka qeybgali doonaan.

Dhisidda saldhigga ciidamada badda ee Maraykanka ee meel u dhow Iiraan ayaa daba socoda deganaansho la'aan lagaga soo horjeedo mudaharaadyo dawladda lagu diiddan yahay bishii hore.

Trump, oo ka gaabsaday inuu fuliyo hanjabaad uu ku faragelin lahaa, ayaa tan iyo markaas ka dalbaday Tehran inay sameyso tanaasulaad dhinaca nukliyeerka ah isagoo u diray ciidamo xeebteeda. Waxa uu sheegay todobaadkii hore in Iran ay "si dhab ah u hadlayso", halka sarkaalka ugu sareeya amniga Tehran Cali Larijani uu sheegay in qabanqaabada wada xaajoodka ay socdaan.

Hoggaanka Iran ayaa si isa soo taraysa uga walaacsan in weerarrada Mareykanka uu ku jebin karo awoodda xukunka isagoo dib ugu celinaya dadweyne careysan oo waddooyinka ku soo laabtay, sida ay sheegeen lix sarkaal oo hadda iyo kuwii hore.

Kulamo heer sare ah ayay saraakiishu u sheegeen hogaamiyaha sare ee dalka Ayatullah Ali Khamenei in carada dadwaynaha ee ka dhalatay dagaaladii bishii hore, oo ah kii ugu dhiig daadashada badnaa tan iyo 1979kii Kacaankii Islaamiga ahaa -- ay gaartay heer cabsida aysan hadda joojinayn, afar mas'uul oo hadda jooga ayaa ka warbixiyay waxyaabihii laga dooday.

Ilo-wareedyo Iiraaniyiin ah ayaa usbuucii hore u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Trump uu dalbaday saddex shuruudood oo dib loogu billaabayo wadahadallada: tayeynta Yuraaniyaamka Iran oo eber laga dhigo, xaddididda barnaamijka gantaallada ballistic-ga ah ee Tehran iyo soo afjaridda taageerada ay siiso cdhinacyada ay taageerto ee gobolka.

Ali Larijani

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ali Larijani
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iiraan ayaa muddo dheer diidanayd dhammaan saddexda dalab oo ay ku tilmaameen xad-gudubyo aan la aqbali karin oo ka dhan ah madax-bannaanideeda, laakiin laba sarkaal oo Iiraaniyiin ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay hoggaamiyeyaashooda wadaaddada ahay u arkeen barnaamijka gantaallada ballistic-ga caqabadda ugu weyn, marka loo eego tayeynta Yuraaniyaamka.

Maamulka gobolka Tehran ayaa waxaa wiiqay weeraradii Israa'iil ee ka dhanka ah xulafadeeda – laga soo bilaabo Xamaasta Qaza ilaa Hezbollah-da Lubnaan, Xuutiyiinta Yemen iyo maleeshiyaadka Ciraaq – iyo sidoo kale markii ay meesha ka saareen xulafadii ugu dhowaa ee Iran, madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar Al-asad.

Bishii Juun ee sanadkii hore Mareykanka ayaa duqeeyay bartilmaameedyada Nukliyeerka ee Iran, isagoo ku biiray ololaha duqeymaha Israel oo socday 12 maalmood. Tan iyo markaas, Tehran waxay sheegtay in shaqadeeda kobcinta uranium-ka ay joogsatay.

Sawirka dayax-gacmeedka ee u dambeeyay ee laba ka mid ah goobihii la beegsaday, Isfahan iyo Natanz, ayaa u muuqda inay muujinayaan xoogaa dayactir ah tan iyo bishii Disembar, iyadoo saqaf cusub laga sameeyay laba dhismo oo hore loo burburiyay. Ma jiro dib-u-dhis kale oo muuqda, sida ku cad sawirka ay bixisay Planet Labs oo ay dib u eegtay Reuters.