Khamenei oo ka digay weerar uga yimaada Mareykanka iyo saameynta ka dhalan doonta

Iiraan

Xigashada Sawirka, Reuters

Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay Axaddii in hadii Mareykanka uu soo weeraro dalkiisa, ay isku bedeli doonto colaad goboleed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tasnim.

Baarlamaanka Iiraan ayaa sidoo kale Axaddii ku dhawaaqay in Iiraan ay u aragto ciidamada dalalka Midowga Yurub ee liiska argagixisada ku daray ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Midowga Yurub inay yihiin "kooxaha argagixisada".

Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay xiriirka dhexmaray Tehran iyo Washington, xilli Mareykanka uu ku hanjabay weerar milateri oo ka dhan ah Iran.

"Isku day inqilaab "

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay Axadii in hadii Mareykanka uu soo weeraro dalkiisa, ay isku bedeli doonto colaad goboleed, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Tasnim.

Xigashada Sawirka, Reuters

Axaddii, Khamenei ayaa ku tilmaamay mudaaharaadyadii dhacay bishii Jannaayo in ay ahaayeen kuwo la mid ah isku day "inqilaab".

Wakaaladda wararka ee Tasnim oo soo xiganaysa Khamenei ayaa sheegtay in dibadbaxayaasha ay "weerareen booliska, xarumaha dowladda, xeryaha ilaalada kacaanka, bangiyada iyo masaajidda, waxayna gubeen nuqullo ka mid ah qur'aanka kariimka ah", isagoo intaa ku daray in isku daygaasi uu "fashilmay".

Wakaaladda wararka ee Tasnim ayaa ka soo xigatay Khamenei in uu yiri "Maraykanku waa in ay xaqiiqsadaan in haddii ay bilaabaan dagaal uu noqon doono dagaal goboleed".

"Ciidamada argagixisada"

Guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan, Mohammad Baqer Qalibaf ayaa Axaddii sheegay in Iiraan ay u aragto ciidamada dalalka Midowga Yurub ee liiska ururrada argagixisada ku daray ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah inay yihiin "kooxaha argagixisada".

Midowga Yurub ayaa Khamiistii sameeyay isbeddel taraiikhi ah ah oo ku aaddan qaabka ay ula dhaqmaan hoggaanka Iiraan, iyagoo ku daray Ilaalada Kacaanka inay yihiin urur argagixiso, ka dib mudaaharaadyo ka dhacay Iiraan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Iyadoo ay isku dayeen in ay weerar ku qaadaan Ilaalada Kacaanka, Yurubiyaanka ayaa iska toogtay cagaha waxayna mar kale qaateen go'aan ka dhan ah danaha dadkooda iyagoo si indho la'aan ah u adheecaya Maraykanka," ayuu Qalibaf ku yiri khudbad uu u jeediyay ku xigeennada, kuwaas oo dhamaantood xirnaa dharka ilaalada Kacaanka si ay u taageeraan ciidamada.

"Sida uu qabo qodobka 7-aad ee sharciga ka hortagga in Ilaalada Kacaanka lagu asteeyo Urur Argagixiso,ciidamada dalalka Yurub waxaa loo arkaa kooxo Argagixiso".

Waxa uu intaasi ku daray "Sida uu dhigayo qodobka 7-aad ee sharciga ka hortagga in Ilaalada Kacaanka lagu tilmaamo Urur Argagixiso,ciidamada dalalka Yurub waxa loo aqoonsan yahay kooxo Argagixiso ah".

Qalibaf ayaa intaa ku daray in guddiga baarlamaanka ee ay khuseyso amniga qaranka ay kala hadli doonaan arrimaha in dalka laga ceyriyo qeybsanaha ciidamada ee dalalka Midowga Yurub, islamarkaana ay daba gal ku sameyn doonto wasaaradda arrimaha dibadda.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka ayaa la aas aasay ka dib Kacaankii Islaamiga ahaa ee Iran sanadkii 1979-kii si ay u difaacaan maamulkii talada hayay, waxayna saameyn weyn ku leeyihiin dalka maadaama ay gacanta ku hayaan qeybo badan oo ka mid ah dhaqaalaha iyo ciidamada qalabka sida.

"Wada xaajoodka" ayaa socda

Trump ayaa sheegay in Tehran oo uu ugu hanjabay weerar millatari ay "la hadlayso" Washington, halka dhiggiisa Iiraan, Masoud Pezeshkian, uu ku dooday in dagaalku aanay dani ugu jirin labada dhinac ama Bariga Dhexe.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Trump ayaa sheegay in Tehran oo uu ugu hanjabay weerar millatari ay "la hadlayso" Washington, halka dhiggiisa Iiraan, Masoud Pezeshkian, uu ku dooday in dagaalku aanay dani ugu jirin labada dhinac ama Bariga Dhexe, iyadoo ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan oo lagu qaboojinayo xiisadda.

Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan Ali Larijani ayaa ka hadlay "horumarka" laga gaaray wada xaajoodka Mareykanka, isagoo Tehraan ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, ka dib markii uu Moscow kula yeeshay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Dib u Xoojinta ciidanka ayaa waxa walaac ka muujiyay wadamada gobolka gaar bahaan arinka ku aadan in uu qarxo dagaal uga sii dari kara xaalada gobolka.

Trump ayaa muddo toddobaadyo ah ku hanjabayay inuu faragelin militari ku sameyn doono Iiraan, sababo la xiriira olole ka dhan ah dibadbaxyada ka socda Jamhuuriyadda Islaamiga ah, oo ay ku dhinteen kumannaan kun.

Trump ayaa Fox News u sheegay in Tehran "ay nala hadlayso, waana arki doonnaa haddii aan wax sameyn karno, haddii kale waan arki doonnaa waxa dhaca." Wuxuu ku celceliyay, "Waxa jira maraakiib weyn oo halkaas ku wajahan."

"Way wada xaajoonayaan," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo xusay in Washington aysan u sheegin xulafadeeda gobolka qorshayaal gaar ah oo ay ku qaadayaan weerarro ka dhan ah Iiraan.

Trump ayaa Jimcihii sheegay in uu filayo in Iiraan ay raadin doonto wada xaajood ku saabsan barnaamijyadeeda nukliyeerka iyo gantaallada halkii ay wajihi lahayd tallaabo militari oo Mareykanka ah.

Milateriga Mareykanka ayaa sheegay in Ilaalada Kacaanku ay labo maalmood ku sameyn doonaan "leyli dab-damis oo toos ah" marinka Hormuz, taas oo halis ku ah saadka tamarta caalamiga ah.

Taliska Dhexe (CENTCOM) ayaa uga digay Ilaalada "Dhaqdhaqaaq kasta oo ammaan darro ama dhaqan xumo ah oo meel u dhow ciidamada Mareykanka."

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Cabbaas Araqchi ayaa Jimcihii ka sheegay Turkiga in Tehran ay diyaar u tahay wada xaajoodka Nukliyeerka "haddii ay noqdaan kuwo cadaalad ah oo loo siman yahay" oo "isku mid ah", laakiin "in awoodda gantaalaha iyo difaaca Iiraan aysan noqon doonin mid gorgortan gasha"

Maalmihii la soo dhaafay, waxa sii xoogeysanayay xiriirka diblomaasiyadeed iyo booqashooyinka Iiraan iyo dhinacyada xiriirka la leh Washington.

Pezeshkian ayaa u sheegay dhiggiisa Masar Abdel Fattah al-Sisi Sabtidii in Tehran "aysan waligeed raadin aysan, waligeed raadin doonin dagaal, ayna si qoto dheer ugu qanacsan tahay in dagaalku aanay dani ugu jirin Iiraan, Maraykanka iyo gobolka," sida laga soo xigtay madaxtooyada Iiraan.

Sabtidii, wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa booqday Iiraan, dalkaas oo kasoo shaqeeyay dhowr waji oo hore oo ah marin ay wadahadal isku dhaafsadaan Washington iyo Tehran.

Doha ayaa sheegtay in Mohammed bin Abdulrahman Al Thani uu Larijani kala hadlay "dadaalka socda ee lagu dhimayo xiisadda" wuxuuna ku celiyay taageerada "dhammaan dadaallada loogu talagalay in lagu dhimo xiisadda iyo xalalka nabadeed ee kor u qaadaya ammaanka iyo xasilloonida gobolka."

Larijani ayaa xaqiijiyay horaantii sabtida in "si ka soo horjeeda jawiga macmalka ah ee ay abuurtay warbaahintu, qaabeeynta qaab dhismeedka wada xaajoodku wuu socdaa."

Hatami waxa uu carabka ku adkeeyay in ciidamada qalabka sida ay ku sugan yihiin heerarkii ugu sareeyay ee difaac iyo diyaar garow ciidan, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee IRNA.

Xigashada Sawirka, WANA

Iyadoo ay barbar socdaan dadaallada diblumaasiyadeed, taliyaha ciidamada Iiraan Amir Hatami ayaa Sabtidii sheegay "haddii cadowgu uu khalad sameeyo, waxaan shaki ku jirin in tani ay khatar gelinayso ammaankeeda, iyo sidoo kale ammaanka gobolka iyo ammaanka Sahyuuniyadda."

Hatami waxa uu carabka ku adkeeyay in ciidamada qalabka sida ay ku sugan yihiin heerarkii ugu sareeyay ee difaac iyo diyaar garow ciidan, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee IRNA.

Markii ugu horreysay oo uu goob fagaare ah ka soo muuqdo meel ka baxsan hoygiisa tan iyo hanjabaaddii Trump, Khamenei waxa uu booqday mowlaca aasaasihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Ayatollah Ruhollah Khomeini

Xigashada Sawirka, Reuters

Markii ugu horreysay oo uu goob fagaare ah ka soo muuqdo meel ka baxsan hoygiisa tan iyo hanjabaaddii Trump, Khamenei waxa uu booqday mowlaca aasaasihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Ayatollah Ruhollah Khomeini, oo ku yaalla koonfurta Tehran, sida uu ku sheegay website-kiisa rasmiga ah Sabtidii.

Muuqaal lasoo duubay ayaa muujinayay Khamenei oo salaadda ku tukanayay masjidka iyadoo ay bilaabatay dabaaldega "Tobanka maalmood ee fajarka", taasoo ku beegan tobanka maalmood ee Iiraan ay xuseyso sanad guuradii 47-aad ee ka soo wareegatay guushii kacaanka Islaamiga ah ee 1979-kii.

Dibadbaxyo looga soo horjeedo qiimaha maciishada ayaa qarxay 28-kii bishii Desembar, waxayna si degdeg ah isugu beddeleen dhaqdhaqaaq ay kor ugu qaadayaan halku dhigyo ka dhan ah maamulka, gaar ahaan hoggaamiyaha ugu sarreeya Ayatullah Ali Khamenei.

Xigashada Sawirka, Reuters

Dibadbaxyo looga soo horjeedo qiimaha maciishada ayaa qarxay 28-kii bishii Desembar, waxayna si degdeg ah isugu beddeleen dhaqdhaqaaq ay kor ugu qaadayaan halku dhigyo ka dhan ah maamulka, gaar ahaan hoggaamiyaha ugu sarreeya Ayatullah Ali Khamenei.

Mudaaharaadyadu waxay gaareen meeshii ugu sarraysay 8-dii iyo 9-kii Janaayo.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in mudaaharaadyadu ay si nabad ah ku bilowdeen ka hor inta aysan isu beddelin "rabshado" ay ku jiraan dil iyo burbur, iyagoo ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa'iil inay sii hurinayaan.

Tirada rasmiga ah ee dhimashada, sida ay masuuliyiintu sheegeen, aytaa ah 3,117.

Si kastaba ha ahaatee, Hay'adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ee HRANA ayaa sheegtay inay xaqiijisay dhimashada 6,713 qof oo ay ku jiraan 137 carruur ah oo aan qaan-gaarin, welina ay baarayaan in ka badan 17,000 oo kale oo dilal ah.