Maxaad ka ogtahay wadahadalka dhexmari doona Iiraan iyo Mareykanka iyo halka uu ka dhici doono?

Xigashada Sawirka, Reuters
Mas'uul ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa xaqiijiyay in ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, Steve Wittkopf, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ay qorsheynayaan inay ku kulmaan Jimcaha magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, si ay uga wada hadlaan "heshiis nukliyeer oo suurtagal ah iyo arrimo kale," sida ay sheegeen Reuters iyo Axios.
Mas'uulkaasi wuxuu intaa ku daray: "Madaxweynaha Maraykanku wuxuu ku baaqayaa in heshiis la gaaro, kulankanna waxaa loogu talagalay in la dhageysto waxa ay hayaan inay sheegaan."
Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa codsaday in la bilaabo wadahadallo u dhexeeya Maraykanka iyo dalkiisa oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan, iyadoo ay jiraan xiisado kala dhexeeya Washington, taas oo aan meesha ka saarin suurtagalnimada in ay adeegsato awood militari.
Wakaaladda wararka ee Fars ayaa soo xigatay ilo ka tirsan dowladda oo sheegay in "madaxweynuhu amray in la bilaabo wadahadallo lala yeesho Maraykanka," iyagoo intaa ku daray in "Iiraan iyo Maraykanku ay yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan arrinta nukliyeerka," balse aan la cayimin taariikhda.
Warkan isku midka ah ayaa sidoo kale waxaa soo tebiyay wargeyska ay dowladdu maamusho ee Iran Daily iyo wargeyska isbeddel-doonka ah ee Shargh.

Xigashada Sawirka, EPA
Axaddii, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muujiyay rajada ah in la gaari karo heshiis lala galo Iran, halka Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Cali Khamenei, uu sheegay in weerar kasta oo lagu qaado dalkiisa uu sababi doono dagaal goboleed, isla markaana militariga Iran uu tilmaamay suurtagalnimada in la muujiyo "waji ka duwan kan hadda ee Iran ."
Iran ayaa Isniintii beenisay in Donald Trump uu dejiyay waqti kama dambeys ah oo ku saabsan wadaxaajoodyada la xiriira barnaamijkeeda nukliyeerka.
Jimcihii, Trump ayaa si togan uga jawaabay su'aal la weydiiyay oo ku saabsaneed in uu waqti kama dambeys ah u qabtay Iran, balse ma uusan caddeyn muddada waqtigaas.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Toddobaadyadii la soo dhaafay, Trump ayaa ku hanjabay tallaabo militari oo ka dhan ah Tehran, kaddib howlgalladii rabshadaha watay ee ay Iran kula kacday mudaharaadyada, kuwaas oo la sheegay inay ku dhinteen kumannaan qof.
Xaaladdan awgeed, Maraykanka ayaa xoojiyay joogitaankiisa militari ee Bariga Dhexe, isagoo u diray gobolka markabka dagaalka ee diyaaradaha xambaara "Abraham Lincoln," halka Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) uu ku dhawaaqay in uu ka hawlgalayo Badda Carabta.
Xoojintan militari ayaa walaac ku dhalisay dalal badan oo ku yaalla gobolka, kuwaas oo ka cabsi qaba inuu qarxo dagaal sii xumeeya xaaladda gobolka, taas oo ku dhalisay qaar ka mid ah dalalkan inay ka shaqeeyaan dhexdhexaadin u dhexeysa Washington iyo Tehran.
Digniin si adag loo jeediyay, Khamenei, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tasni, ayaa lagu yiri: "Maraykanku waa inuu gartaa in haddii ay bilaabaan dagaal, markan uu noqon doono dagaal goboleed."
Wuxuu intaa ku daray in Iran "aysan ahayn dal bilaaba dagaallo islamarkaana aysan dooneynin inay weerarto dal kale," balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in shacabka Iran "ay gaarsiin doonaan dharbaaxo culus" cid kasta oo weerar ku qaadda ama waxyeelleysa dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Urdun, Ayman Safadi, iyo dhiggiisa Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo dadaallada lagu yareynayo xiisadda, intii uu socday wada-hadal dhanka taleefoonka ahaa.
Qoraal uu Safadi ku daabacay barta X, ayuu ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la qaato wadahadal iyo diblomaasiyad si loo gaaro xal nabadeed oo ku saabsan arrinta nukliyeerka loona soo afjaro xiisadda.
Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay mowqifka adag ee dalkiisa ee ku aaddan in la ixtiraamo madax-bannaanida dalalka, isaga oo xusay in Urdun aysan marnaba noqon doonin goob dagaal oo ay cid kale ku dagaallanto khilaaf kasta oo goboleed, isla markaana aysan oggolaan doonin in dhulkeeda loo adeegsado saldhig laga fuliyo weerarro ciidan oo ka dhan ah Iiraan.
Waxa uu intaa ku daray in Urdun ay si buuxda uga hortagi doonto isku day kasta oo lagu xadgudbayo hawadeeda ama lagu khatar gelinayo amniga iyo badbaadada muwaadiniinteeda.
"U guurista istaraatiijiyad weerar ah"
Iyadoo ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed, ayaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida ee Iran, Janaraal Sare Abdolrahim Mousavi, waxaa uu xaqiijiyey "diyaargarow buuxa oo la dagaalanka iyo in la qaado weerar aargoosi ah," sida lagu sheegay hadallada uu baahiyey kanaalka rasmiga ah ee Al-Alam ee Af-Carabi ku baxa.
Al-Moussawi wuxuu ka hadlay dagaalkii 12-kii maalmood ahaa, wuxuuna ka hadlay isbeddel lagu sameynayo mabda'a difaaca, iyo u gudubka mabda'a weerar oo ku saleysan istiraatiijiyad howlgallo degdeg ah oo joogto ah, iyadoo la qaadanayo xeelado militari oo aan caadi ahayn .
"Dunidu waxay arki doontaa wajiga cusub ee Iraanta xooggan, kadibna Maraykanka ma badbaadi doono, dabkuna gobolka wuxuu ku faafi doonaa Maraykanka iyo xulafadiisa," ayuu yiri Mousavi.
Iyadoo laga jawaabayo digniinta Khamenei, Trump wuxuu wariyeyaasha u sheegay, "Dabcan wuu oran lahaa taas," isagoo ku daray, "Waxaan rajeyneynaa inaan heshiis gaarno. Haddii aan heshiis gaarin, markaas ayaan ogaan doonaa inuu sax ahaa ama maya."
Trump ayaa hore u sheegay in Iraan ay ku jirto "wadahadallo dhab ah," isagoo rajeynaya inay keeni doonaan natiijooyin "la aqbali karo."
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, oo la hadlay CNN, ayaa sheegay inuu "rumeysanyahay in heshiis la gaari karo" oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran, balse isla markaas qiray in Tehran ay "lumisay kalsoonida" Maraykanka.
Araqchi wuxuu intaa ku daray in isdhaafsiga farriimaha iyada oo loo marayo waddamada saaxiibka ah ee gobolka ay ka qeyb qaadato fududeynta waxa uu ugu yeeray wadahadallo "miro dhal ah."
Ali Larijani, xoghayaha Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka ee Iran, ayaa horey uga hadlay "horumar" ka dhacay wadahadallada Washington.
Kororka xiisaddan waxay imaaneysaa iyadoo ay socdaan dibadbaxyo baahsan oo ka dhacaya Iran tan iyo dhammaadkii Diseembar, kuwaas oo ay maamulku uga kjawaabeen si rabshadi ku dheehantahay.
Khamenei ayaa dibadbaxyada, oo bilowgii ay ahaayeen kuwo dhaqaale oo markii dambe u gudbay kuwo siyaasadeed, ku tilmaamay isku day "ku-tala-gal ah" oo afgambi.
Isagoo ka hadlay xaruntiisa caasimadda Iran, kulankaas oo si toos ah loogu baahiyey telefishinka dowladda, wuxuu sheegay in dibadbaxayaashu "weerareen booliska, dhismayaasha dowladda, xeryaha Ilaalada Kacaanka, bangiyada, masaajidda, oo ay gubteen nuqullo ka mid ah Qur'aanka," isagoo intaa ku daray in "afgambigu guul darreystay."
Khamenei wuxuu sheegay in dhacdooyinku "aysan ahayn kaliya fowdooyinkii ugu horreeyay ee Tehran, mana noqon doonaan kuwa ugu dambeeya. Dhacdooyinkaas ayaa mar kale dhici kara."
Iyadoo la eegiayo dibadbaxyada iyo cadaadiska ka dhanka ah, Iran waxay wajahaysaa cadaadis caalami ah iyo hanjabaado Maraykanka ka imaanaya, inkastoo Washington ay sheegtay inay doorbideyso xalka diblomaasiyadeed.
Trump ayaa Iran ka digay in la xukumo dadka la xiray ee la xiriira dibadbaxyada, wuxuuna sheegay in Tehran ay hakisay hawlgalladaas iyadoo uu ku cadaadinayo.
Maamulka Iran ayaa sii daayay dibadbaxay Erfan Soltani, 26 jir, oo la xiray Janaayo 10-keedii, kadib digniin Maraykan ka timid oo ku saabsaned inuu wajahayo khatarta dil.
Qareenkiisa, Amir Musakhani, ayaa sheegay in macmiilkiisu, oo lagu eedeeyay abaabulka kulamo ka dhan ah ammaanka qaranka iyo faafinta warbixino aan sax ahayn, "la sii daayay Sabtidii waxaana uu helay dhammaan hantidiisii gaarka ahayd, oo ay ku jirto taleefankiisii gacanta."
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku sheegtay akoonkeeda Af-Faarisi ee barnaamijka "X" in Soltani lagu xukumay dil, taasoo ay Tehran diiday.
Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa kordhiyey cadaadiska Iran iyagoo ciidamada Kacaanka Iiraan u aqoonsaday "urur argagixiso," taas oo Tehran ku jawaabtay Axaddii, in iyaguna ay Yurub u aqoonsan doonaan "ururo argagixiso."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Baqer Qalibaf ayaa sheegay in go'aankan lagu saleynayo Sharciga Tallaabooyinka Ka-hortagga ah, isla markaana waafaqsan Qodobka 7aad ee dastuurka.
Muuqaallo uu baahiyay telefishinka dowladda ayaa muujinaya xildhibaanada oo xiran dharka Ciidanka Xoogga Revolutionary Guard, isla markaana heeso ku celinaya oo ay ka mid yihiin "Geeri ha ha la kulmo Mareykanku" iyo "Cadowga Yurub," taasoo ku beegnayd sanadguuradii 47-aad ee soo laabashada aasaasaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Ruhollah Khomeini.
Saameynta ay ku yeelan karta ogeysiiska Iran ee ku saabsan ciidammada Yurub, oo u muuqata mid astaamo ah, weli lama caddeyn. Maraykanka, Australia, iyo Canada ayaa Ciidanka Ilaalada Kacaanka u aqoonsaday urur argagixiso sanadihii 2019-kii, 2024, iyo 2025-kii.
Isniintii, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmail Baghaei, ayaa shaaca ka qaaday in safiirada dhammaan dalalka Yurub ee safaaradooda ku leh Tehran loo wacay loona qabtay laba maalmood.
Baghaei ayaa sheegay in wicitaanka safiirada uu ahaa "tallaabo ugu yar," isla markaana la qorsheynayo tallaabooyin is daba joog ah oo kale.
Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa Sabtidii sheegay in dagaal aanu dan u ahayn Mareykanka ama Iran, isagoo ku adkeeyay xoojinta wadada diblomaasiyadeed.

Xigashada Sawirka, EPA













