Iiraan ayaa "ogolaatay" inay wadahadal Nukliyeerkeeda la yeelato saddex dal oo Yurub ah

Abbas Araghchi, Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, David Lemmy, xooghayaha arrimaha dibadda Britain, Kaia Kallas, madaxa siyaasada arrimaha dibadda Midowga Yurub, Johann Wadeful, Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka, iyo Jean-Noël Barrot, Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska

Xigashada Sawirka, EPA&Reuters

Wakaalada wararka Tasnim ayaa sheegtay Iiraan ay ku waafaqday saddex dal oo Yurub ah- oo kala ah Jarmalka, Faransiiska iyo Britain ay la yeelato wadahadal ku saabsan barnaamijka Nukliyeerkeeda.

Wakaalada oo soo xiganaysa ilo aan la aqoonsan ayaa qortay: "aragtida wadahadalka ayaa la isku waafaqay, laakiin wada xaajoodyada ayaa sii socda iyada oo aan kama dambays la isla dhamayn wakhtiga iyo goobta wadaadalada, iyo dalka mustaqbalka wadahadaladu ay ka dhacayaan,

Ilo diblomaasiyadeed oo Jarmal ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in maamulada Yurub ay qorshaynayaan wadahadal cusub oo nukliyeerka ah oo ay la yeeshaan Iiraan, kaasi oo dhici doona toddobaadkan.

Mareegta Axios ayaa horay u tabisay in Iiraan iyo saddex dal oo Yurub ah ay ku yeelanayaan wadahadal dal kamid ah Yurub, asbuuca soo socda.

Faransiiska, Britain iyo Jarmalka oo ay barbar socdaan madaxda siyaasada midowga Yurub ayaa u digay Iiraan haddii talaabo la taaban karo aysan qaadin dhammaadka August oo 5 todobaad aynaga xigto ay qaababka kale ku eegi doonaan.

Saddexda dal ee la hadlay wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Abbas Aragchi markii ugu horaysay labo maalin kahor tan iyo intii ay dhaceen duqaymihii dagaalka 12ka maalin ee Maraykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen dalkaasi Iiraan ayaa ugu baaqay in sida ugu dhakhsiiyaha badan ay dib u bilowdo wadahadalkii Nukliyeerka.

Aragchi ayaa ku qoray barta bulshada X inuu hoosta kaga xariiqay shirkani muuqaalka ah in '' wareega wadahadal kasta oo cusub uu kali ah macquul yahay marka dhinaca kale uu diyaar u yahay inuu gaaro hashiisyo nukliyeer oo isku dheeli tiran oo cadaalad ah oo faa'iido wadaag ah.

Aragchi ayaa qoray haddii midowga Yurub iyo saddex dal oo yurub ah ay doonayaan inay ciyaaraan door, iyaga ''ay waajib ku tahay inay meesha ka saaraan siyaasadaha wakhtigoodu dhacay ee handadaada iyo cadaadiska ah, oo ay ku jirto hababka cunaqabateenada dib loo furayo.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Go'aanka Iiraan ee ah in la laalo iskaashiga isxilqaanka ah ee hay'adda tamarta atoomikada caalamiga ah si looga jawaabo weerarada Maraykanka iyo Israa'iil ee xarumaheeda Nukliyeerka ayaa ku keentay Tehran inay wajahdo soo noqoshada cunaqabateenada caalamiga ah iyada oo lamarayo nidaam loo yaqaan ''hababka riditaanka.'' Iiraan ayaa sheegtay hababkaasi aysan lahayn wax sharci ah oo u asal ah.

Qaababkan ayaa lagu soo arkay heshiiskii Nukliyeerka Iiraan (JCPOA), iyo heshiiskii guuldaraystay ee tobanka sano ay soo wareegtay, suurtagalnimada in dib loo kiciyo ayaa mar kale ay keeneen dalalkii qaybta ka ahaa heshiiskaasi.

Ka dib heshiiska JCPOA ee la gaaray Luulyo 2015, golaha ammaanka QM ayaa meelmariyay heshiiska soo jeedinta iyaga oo laalay dhammaan soo jeedinadii hore, oo ay ku jirto cunaqabateenada Iiraan.

Waxaa ku jiray hababka go'aanada muranku uu ka dhashay ee heshiiskii JCPOA, inay macquul tahay xubnaha joogtada ee golaha ammaanka ee QM inay dib u soo celiyaan cunaqabateenada la laalay haddii ay ku qanci waayaan u hogaansanka buuxda ee Iiraan ee heshiiskaasi.

Sida laga soo xigtay heshiiska JCPOA haddii la bilaabo hababka muwaafaqada mid kamid ah xubnaha golaha ammaanka ee QM ma saari karaan codka qayaxan (veto) xalka qabyada ah si looga hortago soo laabashada cunaqabateenada Iiraan. Haddii dal uu adeegsado codka (veto) waxa ay saamaynaysaa mamnuucitaanka sii socoshada laalitaanka cunaqabateenada, taasi oo lamicno ah soo laabasho degdeg ah oo ah xalka golaha ammaanka ee ka dhanka ah Iiraan

Sida laga soo xigtay xalka golaha ammaanka ee QM ee tirsigiisu yahay 2231, ee la meel mariyay sanadkii 2015 si loo dhaqan galiyo heshiiska JCPOA, qaar kamid ah waxyaabaha aasaasiga ee laga doonayo heshiiska ayaa waxaa ku jiray suurtagalnimada bilaabida hababka muwaafaqada uu wakhtigooda dhici doono Oktoobar 2025.

Kahor dagaalka Israa'iil iyo Iiraan, Tehraan iyo Washington ayaa yeeshay 5 wareeg oo wadahadalada Nukliyeerka ee ay dhexdhexaadinaysay Cumaan, laakiin waa ay guul daraysteen in lagu gaaro heshiis kor loogu qaadayo heerarkeeda.