Iiran oo meesha ka saartay wadahadalo cusub oo nukliyeer ah ilaa weerarada ay joogsadaan

Mudaharaad looga soo horjeedo Dahraan

Xigashada Sawirka, EPA

Iiraan ayaa sheegtay in aysan dib u bilaabi doonin wadahadalka ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka inta uu sii socdo weerarka lagu hayo, saacado ka dib markii wasiirka difaaca ee Israa'iil uu ka digay khilaaf "daba-dheeraada" oo kala sii dhexeeya Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Cabbaas Araghchi ayaa magaalada Geneva kula kulmay diblomaasiyiin reer Yurub ah kuwaas oo ku booriyay in uu dib u soo nooleeyo dadaallada dublamaasiyadeed ee kala dhexeeya Mareykanka ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee dalkiisa.

Dhigiisa Israa'iil, Eyal Zamir ayaa khudbad muuqaal ah ku sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay olole daba dheeraada, wuxuuna ka digay maalmo adag oo soo socda.

Ciidamada Israa'iil ayaa ku dhawaaqay mowjado cusub oo weeraro ah oo ka dhan ah kaydka gantaalada Iiran iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, kadib markii Iiran ay gantaalo ku garaacday bartamaha Israa'iil.

Qaraxyo ayaa laga maqlay meel u dhow magaalada Tel Aviv ee Israa'iil. Wararka ayaa sheegaya in dhisme ku yaal bartamaha Israa'iil uu dab qabadsiiyay firir soo dhacay.

Araghchi waxa uu sheegay in Iiran ay diyaar u tahay inay tixgeliso diblumaasiyadda kaliya marka gardarrada Israel la joojiyo".

Barnaamijka Nukliyeerka Iiran waxa uu ahaa mid nabadeed, ayuu ku adkaystay, weerarrada Israa'iilna waxa ay jabiyeen sharciga caalamiga ah. Waxa uu sii raaciyay Iiran inay sii wadi doonto inay gudato xuquuqdeeda isdifaaca ee sharciga ah.

"Waxa aan si cad u caddaynayaa in awoodda difaaca ee Iiran ay tahay mid aan gorgortan geli karin," ayuu yiri.

Safiirka Israa'iil u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay Iiran in ay leedahay "qorshe xasuuq ah" oo ay ku hayso khatar joogto ah, isaga oo intaa ku daray in Israa'iil aysan joojin doonin beegsiga xarumaha Nukliyeerka ilaa "la burburiyo".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiran ay heysato "ugu badnaan" labo toddobaad si ay uga fogaato weerarrada cirka ee Mareykanka, isaga oo soo jeediyay inuu go'aan ka gaari karo ka hor 14-ka maalmood ee kama dambaysta ah oo uu u qabtay Khamiista.

"Waxaan siinayaa wakhti, waxaana dhihi lahaa laba toddobaad ayaa noqon doontaa ugu badnaan," ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta.

Ujeeddada, ayuu yiri, waxa ay ahayd "in la eego in dadku ay miyir qabaan iyo in kale".

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale meesha ka saaray wadahadalkii u dhexeeyay Arakchi iyo wasiirada arrimaha dibadda ee Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka iyo Midowga Yurub.

"Iiraan ma rabto inay la hadasho Yurub," ayuu yiri Trump. "Waxa ay rabaan inay nala hadlaan, Yurub kama caawin doonto arrintan."

Xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska David Lammy ayaa sheegay in Maraykanku uu bixiyay "waqti gaaban" si loo xaliyo xiisadda Bariga Dhexe oo ah "mid halis ah oo aad halis u ah".

Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Jean-Noel Barrot ayaa sheegay in wasiirradu ay ku casuumeen wasiirka Iiran in ay "tixgaliyaan wada xaajoodyada ay la yeelanayaan dhammaan dhinacyada uu ku jiro Mareykanka, iyadoo aan la sugin joojinta duqeymaha".

Barrot waxa uu intaa ku daray in aan la heli karin "xal dhab ah oo loo maro hab militari oo lagu gaaro dhibaatada nukliyeerka Iiran" waxa uuna ka digay in ay "khatar tahay in la rabo in lagu soo rogo isbedel nidaam" Iiran.

Israa'iil ayaa sidoo kale waxaa ku dhacay qayb cusub oo weerarada duqaymaha Iiran ah Jimcihii, iyada oo milatariga Israa'iil ay soo sheegeen weerar 20 gantaal ah oo lala beegsaday Xaayfa..

Haweeneey Israa'iili ah ayaa u dhimatay wadno-xanuun, taas oo ka dhigaysa dhimashada Israa'iil tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay 25 qof.

Ciidamada difaaca Israa'iil ayaa sheegay in ay weerareen goobaha lagu keydiyo gantaallada balastikada iyo goobaha laga soo tuuro ee galbeedka Iiran.

Toddobaadkii la soo dhaafay, duqeymaha cirka ee Israa'iil ayaa lagu burburiyay xarumo iyo hub militari oo ay Iiran leedahay, waxaana lagu dilay taliyayaal sare oo militari iyo saynis yahano nukliyeer ah.

Wasaaradda caafimaadka Iiran ayaa Axadii sheegtay in ugu yaraan 224 qof la dilay, halka kooxda xuquuqul insaanka ay tirada dhimashada aan rasmiga ahayn ku sheegtay 639 Khamiistii.

Iran ayaa boqolaal gantaal oo balistik ah ku garaacday Israa'iil taasoo jawaab u ah duqeymaha cirka.