Quraacdu dhab ahaan ma tahay cuntada ugu muhiimsan maalinkii mise sabab ayay u tahay kororka miisaanka?

Quraac

Xigashada Sawirka, Youtube

Dhammaanteen waxaan maqalnaa talada ah cunnitaanka quraac wanaagsan subaxdii ay faa'iido inoo leedahay inta aynu ku guda jirno maalintii, laakiin taasi micnaheedu miyay tahay cuntadan xaqiiqdii inay inaga dhigto kuwo caafimaad qaba oo diyaarsan, ama si kale ayay ula xiriirtaa?

Waxaa jira oraahyo qadiimi ah oo tilmaamaya sida "Kaarootadu waxa ay hagaajisaa aragtida indhaha" iyo "Santa Claus uma keeno haddiyado carruurta aan dhaqanka wanaagsanayn,''

''Quraacdu waa waxa ugu muhiimsan cunatada maalintii'' waa oraahyada liiska kalmadaha waalidka'' waana mid kamid ah kuwa loogu soo celcelin badan yahay. Qayb badan oo inaga mid ah ayaa ku soo koray iyaga oo aaminsan ka booditaanka quraacda ay tahay khalad daran oo nafaqada, weli waxaa kala duwan tirada dadka xaqiiq ahaan wakhti ugu helay waxaana meelba meesha kale tahay mid kaga duwan.

Saddex meelood dadka Maraykanka ayaa quraacda u cuna si joogta ah, halka 94% oo dad qaan gaar ah iyo 77 oo kureey ah oo ku dhaqan Ingiriiska ay si joogta u sameeyaan. Daraasad lagu sameeyay Switzerland ayaa muujinaysa in kali ah saddex meelood labo meel oo dad waaweyn ah ay si joogta ah u cunaan cuntadan.

Markii uu wakhtigu adag yahay, quraacda badanaa waa waxa ugu horeeya ee dadku ay ka gudbaan. Imisa qof oo inaga mid ah ayaa wax cuna iyaga oo degdeg uu ku jiro, ama si fudud u danaynaya inay beddelaan saxan badar ah, xoogaa yar oo rooti ah ama doolsho yar siu u ugu raaxaysto daqiiqado yar oo dheeri ah oo uu seexdo sariirta?

Si kastaba ha ahaatee, sirta muhiimada quraacada ayaa la xiriirta magaceeda: waxaynu u cunaa si aan uga afurno gaajada habeenkii oo dhan.

Jirku waxa uu adeesadaa tamar badan oo u kaydsan koriimo iyo dib u cusboonaysiinta unugyada ee habeenkii,'' sida ay sheegtay khabiirka nafaqada Sarah Elder.

Waxaa ay intaa ku dartay : "Quraac isku dheeli tiran ayaa caawisa kor u qaadida heerka tamarteena, iyada oo lagu daray beddelitaanka borotiinka iyo kaalshiyaamka ee la lumiyo xilliga habeenkii.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dood tixgalin u baahan oo la xiriirta haddii quraacda ay dhab ahaan loo tixgalin karo mid aad muhiim u ah. Iyada oo ay jirto kor u kaca caanimada nafaqooyinka soonka, waxaana jira walaacyo la xiriira kororka sonkorta ee quraacada iyo oo warashadaha cuntada ay ku lug yeesheen cilmi baarisyada u janjeera taageerada cuntada. Mid kamid ah ayaa ku qeexday quraacda inay tahay sida "sheey khatar ah. "

Sidaa darteed maxay tahay runtu? Quraacdu lagama maarmaan miyay u tahay maalinta, mise waa uun qorshe suuq gayn ah oo ay qaybiyeen shirkadaha sameeya cunooyinka quraacda?

Cunto fudud

Xigashada Sawirka, Getty Images

Quraacda oo laga tago miyaa dhalisa culeys ku fuula?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qaabka ugu badan ee lagu sameeyay cilmi baaris ee quraacda iyo ka tigitaankeeda ayaa ah xiriirka culays ku fuula, iyada oo saynisyahandu ay soo bandhigayaan dhowr sharaxaad oo ku yeelanayaan xiriir.

"Daraasad Maraykan ah ayaa samaysay baaritaanka xogta caafimaadka 50,000 oo qof oo ilaa muddo 7 sano ah, cilmi baarayaasha ayaa helay kuwa u tixgalinaya cuntada ugu muhiimsan ee maalintooda ay yihiin kuwa leh jir culayskiisu ka hooseeyo kuwa qadada iyo cashada u arka cuntadooda ugu muhiimsan maalintii.

Cilmi baarayaasha ayaa arka quraacda inay ka qayb qaadato kororka dareenka in aad dharagsan tahay, taasi oo hoos u dhigta heerka tamarta aad u baahan tahay qaadashadeeda, iyo heerka wanaajinta tayada nafaqada. Cuntooyinka quraacad ee la qaato ayaa badanaa ay ka buuxaan macdanada (fiber) iyo nafaqooyin. Waxaa ay sidoo kale kor u qaadaa heerka dareenka (insulin) cunnooyinka isxigxiga, taasi oo ah qayb muhiim ah oo hoos u dhigida khatarta ku dhicintaanka sonkorta.

Nooca daraasadan, ma ahayn macquul xaqiijinta haddii xiriirku uu dhab ahaan yahay aasaasi ama haddii dadka ka taga quraacad ay horayba u ahaayeen kuwo miisaan culus.

Si loo helo natiijo sax ah, cilmi baarayaasha ayaa qaabeeyay daraaso lagu daray 52 haween aad u buuran kuwaasi oo maray 12 asbuuc oo barnaamij miisaan-iskaridid ah. Dhammaan ka qayb galayaasha ayaa helay isla tamartii maalin laha ay qaadanayeen, laakiin waxa ay u kala qayb sameen labo koox: koox cuntay quraac iyo koox aan cunin.

Natiijada cilmi baarista ayaa muujisay quraacda nafteeda ay ahayn sababta go'aanka luminta culayska, laakiin beddelka isbeddel ee hab nolol maalmeedkooda. Haweenka sheegay cunnida quraacada ee bilowga daraasada ayaa lumiyay 8.9 kg markii ay joojiyeen cunnida, marka loo barbar dhigo kuwa 6.2 kg lumiyay markii ay sii wadeen cunista. Haweenka badanaa ka taga quraacda ayaa lumiyay 7.7 kg marka ay bilaabeen cunista, marka loo barbar dhigo markii ay sii wadeen inay ka tagaan.

Haddii cunista quraacda kaligeed aysan ku filnayn xaqiijinta luminta culayska, maxay tahay sababta uu jiro xiriir u dhaxeeya culays fuulitaanka iyo ka tagista quraacda?

Alexandra Johnstan, oo ah barafasoor cilmibaarista dhadhanka ee jaamacada Abardeen ayaa rumaysan in si fudud ay u ahaan karto sababta dadka ka taga quraacda laga yaabo inay u leeyihiin aqoon yar oo nafaqada iyo caafimaadka.

"Waxaa jira daraasado badan oo baaraya xiriirka cunista quraacda iyo natiijooyinka suurtagalka inay ka soo baxaan, laakiin tani waxa ay noqon kartaa sababta xaqiiqda dadka u cuna quraacda si joogta ah ay ula xiriiraan hab dhaqameedka kale ee caafimaadka, sida sigaar cabis la'aanta iyo jimicsiga" ayay tiri.

Dib u eegista nidaam sanadkii 2020, ayaa kuso daray 45 baaritaano daraasada xiriirka u dhaxeeya qaadashada quraacda iyo fuulista culayska, taasi oo xaqiijisay ka tagitaanka quraacda ay kordhiso khatarta culays fuulista iyo saamayntaasi oo kale oo laga arkay carruurta.

Cunto fudud

Xigashada Sawirka, Getty Images

Soonka aan joogtada ahayn ee la xiriira in aad si lama filaan ah u goyso ama aad u sii wado maalinta kale ay caan ka tahay kororka kuwa raadinaya luminta culayska, helida culayska ama hogaajinta caafimaadkooda guud.

Daraasad bilow ahayd oo la daabacay 2018 ayaa muujisay soonka aan joogtada ahayn uu ka qayb qaadato kaantaroolka sonkorta dhiiga, kororka dhibsashada (insulin) iyo heerka cadaadiska hoose ee dhiiga. Sideed rag ah oo qaba heerka ugu sarreeya ee sonkorta ayaa loo diray hal ama labo jadwal oo cunitaan ah: ama qaadashada cunootyinka tamarta leh inta u dhaxaysa 9am iyo 3pm, ama ka sarreysa muddo 12 saacadooda ah.

Sida laga soo xigtay Courtney Peterson, oo ah kormeere iyo kaaliye barafasoorad xirfada nafaqaynta ee jaamacada Alabama ee Birmingham, ayaa natiijooyinka ay muujinayaan kooxda koowaad ay la mid yihiin kuwa ay saamaysay dawooyinka hoos u dhigitaanka cadaadiska dhiiga.

Si kastaba, qayb yar oo kamid ah xajmiga daraasada ayaa soo jeedinaysa cilmi baaris dheeraad ah loo baahan yahay oo shaacisa suurtagalnimada fa'iidooyinka wakhtiga dheer.

Halka ka tagitaanta quraacda( iyo ka fogaanshaha dhowr wakhti) laga yaabo faa'iido inay u tahay caafimaadkaada, taasi micnaheedu miyay tahay quraacdu inay tahay mid waxyeelo leh?aqoonyahan cilmi baare ah ayaa sharaxaya cunitaanka xili hore oo maalintii ah ay sababto heerar sare oo hormoonka (cortisol) marka loo barbar dhigo wakhtiyada dambe, oo kugu hogaaminaysa diidmada (insulin) taasi oo kugu keeni karta nooca labaad ee sonkorta.

Si kastaba ha ahaatee, Fredric Karpe, oo ah barafasoor caafimaadka (Metabolic) ee xarunta sonkorta, qanjirada iyo xubnaha soo saara hormoonada ee Jaamacada Oxford ayaa xaqiijiyay tani inay tahay mid aan sugnayn, isaga oo tilmaamay kororka hormoonka walaaca (cortisol) ee subaxdii uu qayb ka yahay cadaadiska bayloojiga ee jirka dabiiciga ah.

Karpe ayaa qaba quraacda ay muhiim u tahay falcelinada ka dhasha qaybaha kala duwan ee unugyada jirka. Cilmi baarayaasha ayaa kusoo gabagabeeyay quraacda ay u tahay aasaas xaqiijinta joogtaynta shaqada gudaha ee jirka.

Daraasada kale oo la daabacay 2023, oo ay ku jiraan dhalinyaro reer Japan ah ayaa muujisay ka tagitaanka quraacda lala xiriiriyay sonkorta heerka ugu sarreysa, gaar ahaan kuwa culayska aadka ah u fuulay.

Peterson ayaa tilmaamtay ku ka taga quraacda loo kala saari labo nooc: kuwa koowaad ayaa ah kuwo ka taga quraacda oo cuna cashada wakhtiyada dhexe, kuwa labaad ayaa iyaguna ah kuwa ka taga quraacda oo cunada cashada xilli dambe oo habeenkii ah.

Cilmi baarayaasha ka socda jaamacada Surrey iyo Aberdeen ayaa sameeyay daraasado fahamka hababka ee wakhtiyaynta cuntadu u saamayso culayska jirka. Natiijooyinka la daabacay 2022 ayaa muujiyay in cunitaanka quraac badan iyo casho yar ay faa'iido u tahay la socodka culaysk, quraacda ayaa muujisay hoos u dhigitaanka heerka cunto doonista ee inta maalinta ka harsan.

Faa'iidooyinka caafimaad ee cunista quraacda

cunto fudud

Xigashada Sawirka, Getty Images

Quraacda ayaa muujisay in ay leedahay saamayn ka baxsan culayska. Daraasadaha ayaa muujiyay ka tagitaanka quraacda lala xiriiriyay 27% kororka khatarta cudurka wadnaha iyo 21% kororka khatarta sonkorta heeka labaad ee raga iyo 20% kororka khatarta ee ah inay ku korto haweenka.

Cilmi baarayaasha sameeyay daraasad 2023 ee soonka iyo cudurka sonkorta ayaa soo jeediyay tani inay sabab u tahay saamaynta ka tagitaanka quraacda ee la socodka (glucose, lipid iyo insulin) daraasada ayaa raacday in ka badan 100,000 oo qof celcelis ahaan muddo 7 sano ah, waxaana ay heshay khatarta sonkorto ay ku sarreysay kuwa cunay quraacay ka dib 9 am, marka loo barbar dhigo kuwa cunay quraacda ka dib 8pm fiidnimo.

Hal sabab oo macquul ah oo la xiriira faa'iidada caafimaad cunista quraacda, ugu yaraan dalalka reer Galbeedka, waxa ay ka tahay qiime nafaqo, si gaar ah tan iyo intii cuntooyinka tamarta leh lagu dhiirigaliyo fitimiinada.

Daraasad la xiriirta caadada quraacda oo ay ka qayb qaateen 8,000 oo qof oo ku dhaqan Ingiriiska ayaa muujisay kuwa sida joogtada ah u quraacda ay badan tahay heerkeeda fitimiinada iyo macdanaha. Isbarbar dhig la sameeyaya ayaa laga helay Ausralia, Brazil, Canada, Indonesia iyo Maraykanka.

Gababagabada u dambaysa

Cunto fudud

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inkasta oo aysan jirin xaqiiqo dhab ah oo la xiriirta nooca iyo wakhtiyaynta ee cunto qaadashada nidaam ahaan ayaa qeexaya inay tahay in aan u jawaabno fariimaha jirkeena uu bixinayo aynuna cuno markii aynu gaajo dareeno.

"Quraacda ayaa ah tan ugu muhiimsan kuwa dareema gaajada marka ay soo kacaan," sida ay tilmaantay Johnston.

Daraasadaha ayaa xaqiijiyay dadka heerka sare ee cudurka sonkorta leh ay arkaan inuu kor u qaadmo heerka dareenkooda marka ay cunaan quraacda sida boorashka oo si tartiib ah u dheefshiida, keenana si tartiib ah uu u kaco heerka sonkorta ee dhiiga.

Spitznagel ayaa tilmaamtay bilowga maalintii ay kala duwan yihiin qofba qofka kale, ayna kala duwanaanta shakhsiga, gaar ahaan shaqada halka jirku tamarta ka helo (glucose) ayna muhiim tahay daraasado faahfaahsan oo isla arintan la xiriirta.

Gabagabadii, sirtu waxa ay ku jirtaa in aan diirada aad loo saarin hal cunto, laakiin beddelkeeda lala socdo qaababka cuntadeena ee maalinkii.

"Cunista quraac isku dheeli tiran ayaa ah mid faa'iido leh, laakiin joogtaynta cunooyinka maalinkii ayaa kasii muhiimsan si loo helo heerka sonkorta dhiiga ee deggen, taasi oo ka qayb qaadata kantaroolka culayska iyo heerka doonitaanka cuntada,'' sida ay sheegtay Elder.

"Quraacda ma aha oo kali ah cuntada kaliya ee ay tahay in aynu diirada saarno, " ayay intaasi ku dartay.