Maxaad kala socotaa faa'iidooyinka badan ee laga helo cuntada badda?

Cuntada badda

Cuntooyinka badda oo ah cunno caan ka ah adduunka, waa mid si weyn looga sii garanayo Bariga Afrika, waxaa inta badan lagu cunaa ama lagu darsadaa khudaar bariis ama soor.

Waxaa jira noocyo badan oo cunto badeed ah, laga bilaabo kuwa ku jira gunta hoose ee badda ilaa kuwa laga helo qaybaha soke.

Khubarro ayaa ka sheekeeyay in cunnooyinka badda ay wanaagsan yihiin iyo in kale iyo faa'iidooyinka nafaqo ee aan ka filan karno cunistooda.

Waa maxay cuntada badda?

Pilchards, oo sidoo kale loo yaqaano pilchards, waa kalluun yar oo saliid leh oo ay isku mid yihiin sida anchovies. Waxa laga iibsan karaa isaga oo ah mid markaas lasoo saaray, mid qaboojiso lagu kaydiyay ama qasacadaysan.

Faa'iidooyinka nafaqada ee cuntooyinka badda

Cuntooyinka badda ayaa laga yaabaa inay yar yihiin cabbirkooda, laakiin waxay ku caafimaadka jirka kordhiyaan faa'iidooyin badan iyo cunto dheellitiran, maadaama ay ku yar yihiin dufanka buuxa, laakiin borotiinku ku badan yahay. Waxa kale oo laga helaa tiro wanaagsan oo fiitamiino iyo macdan ah.

  • 100 g oo bototiin ah oo ah cunto badeed markaa lasoo saaray oo la kariyey:
  • 172 kalori ama awood siin 25.4 g
  • borotiinka 7.8 g oo dufan ah
  • 496 mg oo potassium ah
  • 63 mg oo calcium ah
  • 5 mcg oo fitamiin D ah
  • 12 mg oo niacin ah
  • 10.6g vitamin B12
  • 65 g oo ah selenium
  • 101 garaam oo iodine ah

Cuntooyinka badda ee qasacadaysan ayaa ka wanaagsan tan qallalanwaxaana lagu kaydiyaa saliido kala duwan, sida saliid saytuun, brine, iyo maraq la habeeyay.

Waa maxay shanta faa'iidooyin caafimaad ee ugu sarreeya cuntooyinka badda?

1. Cunnooyinka badda ee wadnaha ilaaliya

Cunnada badda

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cuntooyinka badda waxaa laga yaabaa inay caan ku yihiin inay yihiin kalluunka saliidda leh, sidaas darteedna isha wanaagsan ee omega-3 fatty acids, oo ah aysidka dufanka muhiimka ah ee jirku ay tahay inuu ka helo cuntada maadaama uusan isagu samayn karin.

Omega-3 fatty acids waxay si dabiici ah u yihiin ilaalinta bararka iyo wadnaha sababtoo ah waxaa lagu ogaaday inay saameyn ku leeyihiin atherosclerosis, hypertension iyo thrombosis.

2. Cunnada badda waxay taageertaa caafimaadka maskaxda oo wanaagsan

Omega-3 fatty acids ayaa sidoo kale la ogaaday inay taageerto caafimaadka maskaxda ee wanaagsan iyagoo ka hortagaya xaaladaha sida walwalka iyo niyad-jabka iyo caawinta kordhinta neurotransmitters muhiimka ah (kiimikooyinka maskaxda) ee maskaxda, oo ay ku jirto serotonin.

3. Wuxuu caawiyaa samaynta unugyada dhiigga cas

Fitamiin B12 ee laga helo cuntooyinka badda ayaa door muhiim ah ka ciyaara soo saarista unugyada dhiigga cas, kuwaas oo gacan ka geysta qaadista ogsijiinta ee jirka.

4. Waxay taageertaa caafimaadka lafaha

Cuntooyinka badda waa il wanaagsan oo kalshiyam ah. Kaalshiyamku waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa caafimaadka lafaha, cuntooyinka baddana waxa ay ku kordhin karaan kalshiyam cuntadaada hadii aad uur leedahay ama aanad isticmaalin waxyaabaha caanaha laga sameeyo.

Cunnada badda

Xigashada Sawirka, Getty Images

5. Waxay ka caawisaa xakamaynta miisaanka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maaddaama ay ka kooban tahay borotiinno badan, cunnooyinka badda waxay kaa caawinayaan inaad dheregsanaato muddo dheer waxayna yareeyaan rabitaanka sonkorta, taas oo kaa caawin karta dhimista caafimaadka leh ama maareynta miisaanka. Proteinku waa xuubka dhisa murqahaaga, sidaas darteed cunnooyinka badda ayaa sidoo kale wax weyn ku kordhinaya cuntadaada haddii aad raadineyso inaad hesho cufnaanta murqaha.

Nicola Shubrook oo ah haweeneyda sharraxday qodobadan waa cunto-yaqaan diiwaan gashan oo la shaqeeya macaamiisha gaarka ah iyo kuwa shirkadaha labadaba. Iyadu waa xubin ka tirsan Ururka Ingiriiska ee Nafaqada iyo Daaweynta Hab-nololeedka (BANT) iyo Golaha Caafimaadka Kaabista iyo Dabiiciga ah (CNHC).

Dhammaan macluumaadka caafimaadka ee ku jira BBC-da waxaa loo bixiyaa qaab macluumaadka guud oo keliya ah, mana aha in loo tixgeliyo beddelka talada caafimaadka dhakhtarkaaga. Haddii aad wax welwel ah ka qabto caafimaadkaaga guud, waa inaad la xiriirtaa bixiyaha xanaanada caafimaadkaaga.