Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay howlgalka cusub ee AUSSOM ee beddelay ATMIS, maxayse Itoobiya ka tiri?

AUSSOM

Xigashada Sawirka, ATMIS

Horraantii sanadkii 2007 ayey hayad markii Soomaaliya ay ka dageen ciidamadii ugu horreeyay ee ka socda Midowga Afrika waxanaa howlgalkaasi loo bixiyay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), 15 sano kadib waxa uu u xuub-siibtay Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee ATMIS kaas oo isna soo idlaaday dhammaadkii sanadkii tegey ee 2024.

Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa la magac baxay AUSSOM waana kan la wareegay hoggaanka ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, inkastoo aan la hubin liiska ugu dambeeya ee dalalka ay ciidamada ka joogayaan Soomaaliya.

Madaxa Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM Maxamed El Amine ayaa mar uu ka hadlayay munaasabadda magac-beddelka ayaa sheegay in howlgalka cusub uu sii wadi doono guulihii laga gaaray howlgalkii hore ee Ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya "si loo xaqiijiyo Soomaaliya in ay gaarto nabad iyo ammaan mustaqbalka fog ah".

Waxa uu sheegay in 2024-kii, ATMIS ay sameeyeen horumarro la taaban karo oo ay ciidamada Soomaaliya ku wareejiyeen saldhigyadii hore ee Howlgalinta Ciidanka Amniga Soomaaliya, iyadoo la raacayo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya.

"Tani waxay muujineysaa in Ciidanka Amniga Soomaaliya ay heleen khibraddii loo baahnaa si ay si madax-bannaan ula wareegaan mas'uuliyadda amniga dalka," ayuu yiri.

Axmed Ciise Cawad oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, oo BBC-da la hadlay ayaa ka fallooday waxa howlgalkan AUSSOM uu kaga duwanaan karo kuwii hore iyo waxqabadkoodii.

"Wax badan oo farqi ah uma dhexeeyaan is beddelka, balse anigu waxa aan qabaa in wax badan ay na tareen ciidamada nabad-ilaalinta u jooga dalka marka ay noqoto dagaalka lagula jiro al-Shabaab ilaa wagii ay yimaadeen, muddada dheer ee ay joogeen mas'uuliyaddeeda waxaa iska leh gaabiska dowlad-dhiska Soomaaliya balse iyagu howlihii loo diray wey qabteen,",ayuu yiri Cawad mar uu shalay ka qeyb-galay Doodda Jimcaha ee BBC Somali.

Dhinaca kale Cabdiweli Gurey oo isna ah siyaasi ka fallooda arrimaha Soomaaliya horayna ugusoo tartamay hoggaanka Puntland ayaa isagu qaba aragti taasi ka duwan waxana uuna BBC-da uga faallooday wixii laga filayay taxanihii hore ee ciidamada nabad ilaalinta.

"Waxa aad mooddaa arrintan taxanaha ah oo soo bilaabatay 2007-dii, in dareenkii dadku rabay ay ka arkaan ama dowladnimada Soomaaliya lasoo celsho, waxa aad mooddaa in arrkinkaas lagu fashilmay oo aysan suura gelin," ayuu yiri mar uu isna Doodda Jimcaha ka qeyb-galayay.

"Waddamada ka qayb galayay nabad ilaalinta waxa aad mooddaa in ay lahaayeen danahooda gaarka ah, waxyaabihii lalahaa ha qabteen waxa aad mooddaa in aysan wax badan ka qaban sida in la isku dayo in Soomaaliya ay yeelato ciidan isku filan, kuwa hadda cusubna waa la arki doonaa waxa ay falaan,",ayuu sii raaciyay siyaasi Cabdiweli Gurey.

Howlgalka ciidamada nabad-ilaalinta ayaa ahaa mid aan gaarsiineyn guud ahaan dalka, waxaa sidoo kale is weydiin mudan in adduunku uu u firfircoonaa maal-gelinta ciidamo Soomaaliyeed.

AUSSOM

Xigashada Sawirka, X

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Cawad oo markale arrintaasi ka hadlay ayaa yiri, "Ma aha in la isku khaldo mas'uuliyaadka Soomaalida iyo tan caalamiga ah, dabcan dal waliba ciidankiisa isaga ayaa dhista, amni xumaduna waxa ay kamid tahay dhibaatooyinka siyaasadeed ee ina haysta".

Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka wada-shaqaynayaan howlgalka nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ee AUSSOM, kadib markii uu magaalada Muqdisho kulan ku dhexmaray wasiirrada difaaca ee Soomaaliya iyo Itoobiya, sida uu bartiisa X ku daabacay wasiiru-dowlaha arimaha dibadda ee Itoobiya.

"Labada waddan ayaa waxay ku heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan howlgalka AUSSOM, xoojiyaanna xiriirka laba-geesoodka ah," ayaa ku yiri qoraalka.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo isna boggiisa X qoraal ku soo daabacay ayaa waxa uu sheegay, in wafdiga Itoobiya oo ay hugaamineysay dhiggiisa Aisha Mohamed, ay ka wada hadleen sidii labada u hormarin lahaayeen iskaashiga dhanka difaaca ee ka dhaxeeya ee labadal dal.

"Iskaashigu waxa uu suuragalin doonaa jawi wax ku ool u noqon kara nabadda iyo barwaaqada gobolka Geeska Afrika." Ayuu yiri wasiir Nuur.