Cabashada ka taagan wadooyinka cusub ee Jigjiga, Dowladda hoose maxay ka tiri

Magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa laga bilaabay mashruuc dib loogu balaadhinayo wadooyinka caasimadda, kuwaas oo ujeedooda tahay in sare loogu qaado daboolidda baahiyaha magaalada ee dhanka wadooyinka. Balse, dhanka kale waxay saamayn ku yeesheen ganacsiyo badan oo ku yaalay qaar kamid ah wadooyinka balaadhinta lagu sameeyay.
Ganacsatada uu samaynta ku yeeshay qorshaha balaadhinta wadooyinka waxaa waxaa ka mid ah Cabdicasiis Muxumed Dayib oo meherad ku haystay waddada hablowlaha u ah caasimadda, Cabdicasiis waxuu meherado uu kireeyo ku lahaa wadooyinkaas halkaas oo uu kasoo saari jiray waxa uu nolosha qoyskiisa ku maareeyo .
"Mashruucan saamayn weyn buu nagu yeeshay, dhaqaalahayaguna 95% waxuu ahaa mid halkaas naga soo gala, waxii halkaas naga soo galayayba marka wuu saameeyay oo dhulkuu la galay" ayuu yidhi Cabdicasiis oo sharaxaya caqabadaha uu wajahayo kadib markii xarumahii uu ka heli jiray dhaqaalaha hadeer ay wadooyinku mareen.
Cabdicasiis siduu noo sheegay waxuu lahaa saddex meherood oo uu kireeyo iyo mid uu isagu ku ganacsado intiiba waxaa maray jidadka magaalada loo samaynaayo. Waxuu sheegay in markii arrintani qabsatay filashadiisu ahayd in uu dowladda magdhow ka heli doono; balse illaa iyo haddeer uusan waxba helin sidoo kalena aan lagu wargelin xilliga howsha duminta la fulinaayo ee wakhti kooban uun si kadis ah loogu qabtay. Waxaa uu xusay in aan xitaa la siin wakhti ku filan oo uu alaabta ku rarto, isaga oo intaa ku daray in "dowlada hoose ay si lama filaan ah ugu bilowday dumin taas oo ku noqotay la yaab".

Xigashada Sawirka, Jigjiga City Administration
"Annigu markii hore waxaan sugeynay magdhow, taasna maanan helin. Wax ogeysiis ahna nalama siin [gabi ahaanba], waxaan maqlaynay in waddada la balaadhinayo; waxaan ka war helay uun magaaladii oo cagaftu soo gashay iyo waraaqo naloo qaybiyay oo nala leeyahay shan cisho gudahood ku dunsada" ayuu yiri.
Ku xigeenka duqa magaalada caasimadda ah ee Jigjiga Khadar Budul oo BBC la hadlay waxuu sheegay in mashruucani leeyahay sharci gooni ah oo lagu maamulo kaasna lagu hagi doono; waxuu sidoo kale Khadar xusay in la baadhi doono saamaynta uu yeeshay mashruucu iyo inta qof ee ku barakacday isaga oo qiraya in baadhitaan la samayn doono.
"Si guud waa loo wadaa diiwaan galin iyo [baadhitaan] in la sameeyo inta qof ee ku barakacday iyo waxyeeladuu mashruucu keenay, waa wax qorshaha hadda noogu jira, waana la eegi doonaa tiradii ku barakacday iyo nidaamkuu u saameeyay"
Dhanka kale, ku xigeenka duqa magaalada Jigjiga Khadar Budul waxuu sheegay in ay sameeyeen wacyigelin ku aadan wadooyinkaan la dhisi doono iyaga oo adeegsanaya habab kala duwan, warbaahintana kow ka tahay oo ay wacyigelin ka sameeyeen. Bulshada qaybaheeda kala duwanna loo sharraxay faa'iidada mashruuca.
"Warbaahinta ayaa bulshada ka wacyigelinay, waxaan la shiray bulshada qaybaheeda kala duwan, loona sharraxay mushruucani faa'iidada uu keenaayo iyo waxa [sidoo kale] uu ka beddeli doono dhaqaalaha iyo dhinaca is dhexgalka bulshada" ayuu yidhi Khadar oo ka jawaabaya cabashada dadka sheegaya in aan lagu wargelin dhismaha wadooyinka.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Aragtida mashruucan lagu balaadhinaayo oo ka timid Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ah mid ka socda 30-magaalo oo ka mid ah Itoobiya ku waas oo qaarkood la bilaabay oo ay socdaan kuwana dhamaadeen. Mashruucan ayay ku kacaysaa 3.5 Bilyan oo lacagta Itoobiya ah siduu sheegay Khadar Budul oo BBC-da u warramay.
Cabdicasiis waxaa kale oo uu sheegay dhibaatada ka soo gaadhay mashruuca horumarinta jigjiga ka socdaa "oo uun ku koobnayn dumin" ee uu xitaa ku waayay magdhow uu dowlada xaq ugu lahaa sida uu BBC u sheegay.
Dhanka kale Cabdicasiis Muxumed Dayid, ayaa sheegay in ay la xiriireen duqa magaalada Jigjiga iyaga oo raba in ay ogaadaan sida howsha jidadka u fulayso, ayna weli jawaab ka sugayaan.
"Waxay noqotay annagii in aan dowladii xog ka raadinno oo arrinkani siduu yahay aan cagahayaga ku raadsanno; oo aan maayarkii u tagno iyo maamulkii kale ee magaalada oo aan dhahno sidee wax u jiraan?" Xataa jawaabo kamaanan helin" ayuu yidhi isaga oo cabashadiisa ka hadlaya.










