ATMIS: Afar xaalad oo waaweyn oo ay soo mareen Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bisha December ee sanadka 2024 ayaa loo asteeyay waqtiga ugu dambeeya ee ay Soomaaliya ka baxayaan guud ahaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika. Haddaba marxalado noocee ah ayey soo mareen ciidanka, xaggee ayeyse ka kala joogaan Soomaaliya?
Hoggaamiyeyaasha dalalka deriska la ah Soomaaliya oo Muqdisho ku shiray isbuucii lasoo dhaafaya ayaa ballan qaaday in ay si buuxda gacan uga geysan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay bilihii lasoo dhaafay wadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedyada is abaabulay.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto, dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Raysul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhammaantood waxa ay dalalkooda qeyb ka yihiin howlgalka militariga Miwowga Afrika ee ATMIS.
Marxalado kala duwan ayey soo mareen ciidankan oo dowladda Soomaaliya ka caawiya dhinaca amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab.
- Markii ugu horreysay ee ay ciidanka Midowga Afrika gaareen Soomaaliya waxay ahayd bishii March ee sanadkii 2007, xilligaas oo ay jireen xaalado loo arkayay in ay Khalkhal gelinayeen jiritaanka dowladdii ku meel gaarka ahayd.
Qalabkaaga in uusan muujin sawriadaan ayaa laga yaabaa
In muddo ahba waxaa su'aalo la iska weydiinayay goorta ay ciidamada Soomaaliya awood u yeelan doonaan in ay mas'uuliyadda amniga kala wareegaan ciidamada nabad ilaalinta ee ajaanibta ah.
Si aan ugu kuur galno sababta ciidamada xoogga dalka ka hor taagan la wareegista mas'uuliyadda amniga waxaan goor sii horreysay wax ka weydiinnay Janaraal Cabdiqaadir Cali diiriye oo loo yaqaanno Subxaanyo oo BBC-da la wadaagay fikirkiisa ku aaddan su'aalaha ka guuxaya shacabka ee ku aaddan sababta ay ciidamada Soomaaliya ugu suurta gali la'dahay inay hantaan amniga.
"Amni darradu wey soo korortay, mas'uuliyaddeeda koowaadna waxaa qaadeysa dowladda Soomaaliya, sababtoo ah iyada ayaa xukunkii dalka gacanta ku heysa, sidaas darteed madaxda dowladdu waa inay mas'uuliyaddooda qaataan", ayuu yiri.

Sababaha ugu waaweyn ee ay arrintan u hirgeli la'dahay ayuu sheegay in ay ka mid tahay "in ciidanku aysan heysan kalsooni buuxda oo ay shaqadooda ku gutaan", taasoo uu u sababeeyay dowlado kale oo soo dhex galay.
"Ciidamadii loo baahnaa inay dowladda Soomaaliya gacanta ku heyso waxay hoos tagaan dowlado kale oo dano gaar ah wata," ayuu yiri Janaraal Cabdiqaadir Cali diiriye.
- Bishii August ee sanadkii 2017 - oo ku beegneyd 10 sano ka dib markii ay ciidanka Midowga Afrika galeen Soomaaliya - ayuu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sameeyay heshiis qeexaya in mas'uuliyadda amniga Soomaaliya lagu wareejin doono ciidamada Soomaaliya.
Hase ahaatee ilaa hadda ma suurtagelin in heshiiskaas la hirgeliyo, inkastoo dowladda Soomaaliya loo tababaray ciidamo militeri ah oo lagu carbiyay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Caqabadda ugu weyn ee hor taagan tallaabadaas waa mid ka taagan dhinaca dhaqaalaha, sida uu qabo danjire Cabdirashiid Aadan Seed oo lasoo shaqeeyay dowladaha Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in mas'uuliyadda aysan ahayn mid ku eg dowladda oo keliya.
"Dalka waxaa leh dadweynaha, ma aha in la eedeeyo madaxda oo qura, shacabka ayaa looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan hagaajinta amniga, dadka mas'uulka ka ah amaan xumada waxay ku dhex jiraan dadweynaha waana inay iska soo dhex saaraan".
- Bishii April ee sanadkii 2022 ayaa howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya laga baddalay magaciisii hore ee ahaa AMISOM waxaana laga dhigay ATMIS.
Ujeeddada loo baddalay magaca waxaa qeyb ka ahayd in la guda galo diyaargarowga sidii ciidankaas looga bixin lahaa Soomaaliya.

Dhowr bilood ka dib xilligaas waxaa billowday ololaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay si xowli ah ku wadeen dowladda Soomaaliya iyo meeshiyo beeleedyo is abaabulay, kuwaasoo magaalooyin muhiim ah kala wareegay Al-Shabaab.
- Bishii January ee sanadkan 2023 ayaa tirada ciidamada ATMIS laga dhimay 2,000 oo askari, taasoo qeyb ka ahayd qodobbadii qorshuhu ahaa si ay ciidankan Soomaaliya uga baxaan sanadka soo socda ee 2024.
Bisha Juun ee sanadka soo socda ayaa la filayaa in mar kale la dhimo tirada ciidankan ka hor inta aysan gebi ahaan bixin dabayaaqada sanadkaas.










