Maxaa keenay hoos u dhaca lacagta doollarka Maraykanka?

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Kaddib sannad qalalaase badan ahaa 2025, oo uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku dhawaaqay canshuuro (tariffs) sababay in dollarku si weyn hoos ugu dhaco, ganacsatada lacagaha qalaad waxay rajaynayeen in sannadka xiga uu noqon doono mid deggen.
Hase yeeshee, qaabka waxa u socdeen toddobaadadii la soo dhaafay ayaa u muuqda in ay durba burburiyeen rejadaas.
Dollarka Maraykanka ayaa maalmahan hoos ugu dhacay heerkiisii ugu hooseeyay afartii sano ee la soo dhaafay, marka loo eego isku-darka lacagaha caalamiga ah.
Toddobaad gudihii, wuxuu hoos u dhacay ku dhowaad 3 boqolkiiba, isagoo gaadhay heer aad u hooseeya marka loo eego euro-ga iyo geniga Ingiriiska.
"Inta badan ka qaybgalayaasha suuqa waxay rumaysan yihiin in dollarku sannadkan sii wiiqmi doono," ayuu yidhi Chris Turner, madaxa cilmi-baarista suuqyada maaliyadeed ee caalamiga ah ee ING Bank. "Weli ma jiro heshiis buuxa oo ku saabsan goorta saxda ah ee tani dhici doonto, balse jihada uu u socdo dhaqdhaqaaqu waa mid cad".
Dollarka daciifay ayaa hoos u dhigay awoodda wax iibsiga ee Maraykanka, arrintaas oo si gaar ah looga dareemayo safarrada dibadda.
Haddii isbeddelkan uu sii socdo, falanqeeyayaashu waxay sheegeen inuu kicin karo sicir-bararka gudaha, maadaama badeecadaha dibadda laga keeno ay qaali noqonayaan.
Hoos-u-dhaca dollarka ayaa sidoo kale dhaliyay su'aalo waaweyn iyo shaki ku saabsan kaalinta uu dollarku ka leeyahay inuu noqdo lacagta asliga ah ama ruknigaa ee caalamka, kaalintaas oo muddo tobanaan sano ah ka caawinaysay Maraykanka inuu helo deymo qiimo jaban — taas oo hadda u muuqata mid halis ku jirta.
Maxaa ku dhacay dollarka?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dollarku wuxuu galay jihada hoos-u-dhaca (bearish trend) kaddib in ka badan toban sano oo uu ahaa mid xooggan, gaar ahaan kaddib koror degdeg ah oo dhacay intii u dhaxaysay 2020 illaa 2022. Xilligaas, oo koboca dhaqaalaha Maraykanka ee ka dambeeyay masiibadii COVID-19 iyo heerarka dulsaarka ee sarreeyay ay kordhiyeen baahida loo qabo dollarka.
Laakiin sannadkii hore, tusmada dollarka — oo cabbirta qiimihiisa marka loo eego isku-dar lacagaha kale — ayaa hoos u dhacay ku dhowaad 10 boqolkiiba, taas oo noqotay waxqabadkiisii ugu xumaa tan iyo 2017.
Inta badan hoos-u-dhacaasi wuxuu dhacay toddobaadyadii xigay markii Trump uu ku dhawaaqay canshuurihii uu ugu yeedhay "Maalinta Xorriyadda" (Liberation Day) gugii hore.
Bisha january 2026, markii xiisadda u dhexeysay Maraykanka iyo Yurub ay sii laba kaclaysay si gaar ah tii Greenland ay cirka isku shareertay, dollarku mar kale ayuu hoos u dhacay.
Hoos-u-dhaca qiimaha doollarka toddobaadkii hore ayaa sii socday iyadoo ay jireen mala-awaal sheegaya in Maraykanku ka fikirayo tallaabooyin lagu sii wiiqayo dollarka, oo ay ka mid tahay in uu si wadajir ah ula shaqeeyo Japan iibinta dollarka si loo xoojiyo yen-ka, kaas oo isaguna wajahaya cadaadis iibsi.
Maxaa sababay hoos-u-dhaca dollarka?
Falanqeeyayaashu waxay sheegeen in qeyb ka mid ah hoos-u-dhaca dollarka uu ka tarjumayo walaaca suuqa ee ku saabsan siyaasadaha maamulka Donald Trump.
"Waxaan u maleynayaa in falcelinta suuqu ay si weyn ula xidhiidho dabeecadda aan degganayn ee go'aan-qaadashada maamulka — mar wax la kordhinayo, marna laga noqdo," ayuu yidhi Robin Brooks, oo ah cilmi-baadhe sare kana tirsan Brookings Institution, isla markaana hore u ahaa khabiir lacagaha qalaad oo ka tirsanaa Goldman Sachs.
Wuxuu tilmaamay isku ekaanshaha falcelinta suuqa ee ka dhalatay canshuuraha iyo qalalaasaha Greenland ay sababeen hoos u dhaca Doollarka.
Sida uu sheegay, hoos-u-dhaca dollarku "asal ahaan waa farriinta suuqa ee ah in isbeddelladan jahawareersan ay Maraykanka waxyeello u geysanayaan"













