Qiimaha dahabka oo gaaray heerkii ugu sarreeyey abid, maxay tahay sababta

.

Xigashada Sawirka, Hiba Kola/Reuters

Qiimaha dahabka ee caalamka ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyey Axadii, iyada oo qiimaha wiqiyadda uu kor u dhaafay $5,000, dhanaka kalena waxaa sii kordhaysa hubanti la'aanta ay sababtay siyaasadaha madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Qiimaha Dahabku waxa uu gaaray $5,026 halkii wiqiyad, halka qiimaha qalinku uu gaaray $100 maalintii jimcaha markii ugu horaysay taariikhda.

Inkasta oo jahwareerka ku hareeraysan hamiga Trump ee ku saabsan Greenland iyo kaydka Federalka uu ahaa qaabkii ugu dambeeyay ee taageerada dahabka, haddana birtan qaaliga ah ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay labadii sano ee la soo dhaafay iyada oo ay ugu wacan tahay arrimo u dhexeeya dollar daciif ah iyo baahida xooggan ee bangiyada dhexe ee kor u kaca sicir bararka.

Qiimaha wiqiyadda dahab ah ayaa dhaaftay sumadda $2,000 bishii Janaayo 2024.

Seddex bilood ka hor qiimaha dahabka ayaa gaaray rikoorkii ugu sarreeyay oo ka badan $4,000 (£2,985) halkii wiqiyad (28 garaam) iyadoo maalgashadayaasha ay raadinayaan meelo ammaan ah oo ay lacagtooda ku shubtaan sababo la xiriira walaaca laga qabo hubanti la'aanta dhaqaale iyo tan siyaasadeed ee adduunka.

Dahabka ayaa xilligaas waxaa ku dhacay qiime kororkii ​​ugu weynaa tan iyo 1970-meeyadii, isaga oo kor u kacay in ka badan 25% tan iyo bishii Abriil ee sannadkii hore markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay canshuuraha taas oo ka careysiisay ganacsiga adduunka.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qiimaha wiqiyadda qalinka ah ayaa markii ugu horeysay Jimcihii gaartay $100, iyadoo birta ay xoojisay kaalinta ay ku jirto xilli ay jirto hubaal la'aan ay kor u sii qaadday siyaasadaha madaxweynaha Mareykanka.

Qiimaha wiqiyadda qalinka ah oo labanlaabmay saddex bilood iyo bar gudahood, ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay ee $100.29, horumarkaas oo ay sidoo kale horseedday baahida kororka ah ee loo qabo biraha loo isticmaalo muraayadaha tamarta cadceedda, elektiroonigga iyo samaynta dahabka.

Dhanka kale, qiimaha wiqiyadda dahabka ah ayaa kor u kacay ku dhawaad shan kun oo doolar, iyadoo ay sii kordhayaan xiisaha maalgashadayaasha ee birta la doorbido xilliyada qalalaasaha dhaqaale.

David Morrison, oo ah madaxa Trade Nation o ah hay'ad ka faalloota suuqyada ganacsiga, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in "qalinku uu si gaar ah uga fiican yahay xitaa dahabka.

Dunidu waxa ay soo food saartay gabaabsi sahayda qalinka ah, iyada oo ay ku degdegayaan maalgashadayaasha si ay u helaan birtan si loogu isticmaalo xarumaha xogta sirdoonka macmalka ah.

Oktoobar 9-keedii, birtan ayaa gaartay rikoorka ugu sarreeyay ee $50 wiqiyaddii oo ah kii ugu sarreeyay tan iyo 1980kii.