Trump oo shaaciyay qorshihiisa ku saabsan Minnesota

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne Trump ayaa tilmaamay in laga yaabo in uu ugu dambeyn magaalada ka saaro saraakiisha fulinta socdaalka ee Minneapolis, iyadoo ay sii kordhayaan carada ka dhalatay toogashadii dhimashada lahayd ee kalkaaliye, Alex Pretti, ay geysteen wakiilo federaal ah Sabtidii.
Wareysi uu siiyay joornaalka Wall Street, Mr Trump waxa uu sidoo kale sheegay in maamulkiisu uu "dib u eegayo wax walba" ka dib toogashada dhacday. Isagoo la hadlayay BBC, Taliyaha Booliska Minneapolis, Brian O'Hara, ayaa ku eedeeyay saraakiisha gobolka (oo loo xilsaaray inay baaraan toogashada la xiriirta bilayska) inay goor hore diideen in goobta uu dilku ka dhacay ay galaan wakiillo federaal ah, inkastoo ay haystaan warqad baaritaan.
Tiro sii kordheysa oo siyaasiyiin ah oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Mr Trump ayaa ku biiraya baaqyada ku aaddan baaritaan buuxa.
Dadweyne aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada Minneapolis si ay uga soo horjeedaan fulinta socdaalka federaalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dibadbax xooggan ayaa ka socda magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka kuwaas oo looga soo horjeedo laamaha kala duwan ee dowladda federaalka si gaar ah ciidamada Laanta socdaalka ee ICE.
Dibadbaxayaal da' kasta leh ayaa ku dhawaaqayay halkudhigyo ay ka mid yihiin "Minnesota mar dambe maya, Minneapolis shaqo-joojin ayay ku jirtaa" iyo "ICE ha baxdo hadda," ka hor inta aysan bilaabin inay maraan waddooyinka magaalada.
Bilowgii socodkooda ma jirin wax boolis ah oo goobta joogay, halka gawaarida ag maraysay ay seeriga garaacayeen iyagoo muujinaya taageero.
Mid ka mid ah ragga aan la hadalnay, oo codsaday in aan magaciisa la sheegin, ayaa watay boor ay ku qoran tahay "Halyeeyada Dagaalka ee Ka Soo Horjeeda ICE".
Maxaa ka dhacay Minenapolis?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa habeenkii Sabtidii nin ku toogtay magaalada Minneapolis, waana qofkii labaad ee si xun loogu toogto magaalada intii uu socday howlgalka maamulka Trump ee dhaqangelinta socdaalka bishan.
Saraakiisha deegaanka ayaa ninkan magaciisa ku sheegay Alex Pretti oo 37 jir ahaa, wuxuuna heystaa dhalashada Mareykanka, wuxuuna ku noolaa magaalada Minneapolis, wuxuuna ka ahaa kalkaaliye caafimaad.
Waxaa soo baxay muuqaallo u muuqday kuwo muujinaya gacan ka hadal dhexmaray wakiillada iyo ninkii hoggaaminayay ilaa toogashada. Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa sheegtay in wakiillada ay rasaas isku difaacayeen ka dib markii Pretti, oo ay sheegeen in uu haystay qori gacmeed, uu iska caabbiyay isku daygii ay ku doonayeen in ay hubka uga dhigaan. Maamulka deegaanka ayaa su'aal ka keenay arrintaas.
Dhacdadan, oo timid labo toddobaad kadib toogashadii dhimashada sababtay ee Renee Nicole Good oo uu gaystay wakiilka socdaalka, ayaa horseedday mudaaharaadyo dheeraad ah iyo baaqyo cusub oo ka imanaya hoggaamiyeyaasha maxalliga ah oo ku baaqaya in wakiilada federaalku ay baxaan.
Toogashada ayaa ka dhacday agagaarka waddada Nicollet Avenue iyo 26th Street ee koonfurta Minneapolis abbaare 09:000 xilliga maxalliga ah.
Greg Bovino, Taliyaha Ilaalada Xudduudaha, ayaa sheegay in wakiilladu ay wadeen hawlgal "la beegsaday" oo lagu fulinayay socdaalka markii ninku uu u dhawaaday wakiillada isagoo wata bastoolad.
Wakiilladu waxay isku dayeen inay hubka ka dhigaan, ayuu yiri Bovino, laakiin "si xoog ayuu isaga caabbiyay" kadibna wakiilka Ilaalada Xudduudaha ayaa "riday rasaas is difaac ah".
Muuqaallo laga soo qaaday daqiiqado ka hor toogashada ayaa muujinaya Pretti oo duubaya wakiillada isaga oo taleefoonkiisa ku heysta bartamaha waddada. Foori iyo qeylo ayaa laga maqlayaa dadka meesha ka ag dhawaa.













