Sida gabadhan Soomaaliyeed ay jaceyl carruurnimo ugu rogtay inay barato xirfadda Cybersecurity-ga

Yasmin waa khabiir amniga dijitaalka ah ee Cybersecurity-ga loo yaqaano ka shaqeeysa.

Xigashada Sawirka, Yasmin Abdi

Qoraalka sawirka, Yasmin waa khabiir amniga dijitaalka ah ee Cybersecurity-ga loo yaqaano ka shaqeeysa.

Yasmin waxay waalidkeed 30 sanno kahor kasoo qaxeen Soomaaliya, si lamid ah, boqollaalkii kun ee soomaaliyeed ee ka carartay burburkii dowladnimada Soomaaliya, waxay nasiib u yeesheen inay caga dhigtaan Mareykanka, kadib sannado ay iskaga kala gooshayeen xeryo qaxooti oo mid kasta ay mahadho gaar ah leedahay, sidoo kalena himilooyin waaweyn ay ka dhaxleen.

Inkasta oo aysan iyadu lafteeda soo marin nolol barakac, haddana waalidkeed dhibta ay la soo mareen, waxay markasta u ahayd dibu-milicsi taariikheed oo lagu ababiyay.

Xusuustaas hore, inkastoo ay da' yarayd, waxay saldhig u noqotay fahamka Yasmin ee ah in nidaam kasta, ha ahaado dowlad, bulsho, ama tignoolajiyad, uu yeelan karo awood uu ku badbaadiyo ama ku waxyeelleeyo dadka nugul.

Maanta, Yasmin Abdi waa khabiir ku takhasusay amniga internetka, iyadoo diiradda saarta sidii loo ilaalin lahaa ganacsiyada yaryar, shirkadaha bilowga ah, iyo bulshooyinka aan inta badan helin difaac ku filan oo dunida dijitaalka ah.

Safarka Yasmin ee tignoolajiyadda ma uusan ku bilaaban waxbarasho iyo shahaadooyin toonna. Wuxuu ka bilowday xiise carruurnimo oo maankeeda dagay.

Waxay aad u danayn jirtay raadiyaha, taleefannada, iyo qalabka elektaroonigga ah oo idil. Su'aasha mar walba maskaxdeeda ku soo noqnoqon jirtay waxay ahayd sida cod meel fog laga soo dirayo, uu uga soo baxayo qalab yar oo raadiye ah, ama sida ay suurtagal ku noqotay in hawo aanan la arkeyn ay bini'aadamku farriimo isku dhaafsadaan.

Xiisahaas iyadoo ku hubaysan ayay markii dambe qaaday jihada waxbarashada. Fasallada kombiyuutarka ee dugsiga sare ayay ku baratay mabaa'di'da fikirka tiknaloojiyada iyo sida wax walba u shaqeeyaan.

Jaamacadda markii ay gashay, wuxuu yoolkeedu ahaa unay barashada cilmiga kombiyuutarka u bedesho xirfaddeeda shaqo, iyadoo baratay algorithms, nidaamyada abuurka iyo horumarinta software-ka.

Yasmin waxay dareentay inay suuqa shaqada Cybersecurity-ga keli ku tahay, maadaama majaalkeeda ay ka ahayd haweeney Madow ah, Muslim ah, sidoo kalena Soomaali ah.

Xigashada Sawirka, Yasmin Abdi

Qoraalka sawirka, Yasmin waxay dareentay inay suuqa shaqada Cybersecurity-ga keli ku tahay, maadaama majaalkeeda ay ka ahayd haweeney Madow ah, Muslim ah, sidoo kalena Soomaali ah.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Markay soo gashay suuqa shaqada, Yasmin ma arkin haween u eg iyada oo ka shaqeeya hoggaanka tignoolajiyadda ama amniga internetka.

Maadaama ay tahay haweeney Madow ah, Muslim ah, sidoo kalena Soomaali ah, majaalkeeda shaqadu ulama ekaan mid iyada loogu talagalay.

Maqnaanshahaas doorka haweenka ah ayaa u noqday dhiirrigelin. Waxay go'aansatay inay noqoto tusaalaha ay iyadu jeclaan lahayd inay aragto, si gabdhaha kale ee ka dambeeya ay u ogaadaan inay suurtagalnimo jirto, ay kaga qeyb noqon karaan suuqa shaqada Cybersecurity-ga.

Shaqadeedii ugu horreysay ee dhab ah waxay ka bilowday shirkadda Snapchat, halkaas oo ay la shaqaynaysay injineerro iyo naqshadeeyayaal heer sare ah. Inkasta oo ay ka mid ahayd koox aqoonyahanno iyo xirfadlayaal ah, haddana marar badan waxay ahayd haweeneyda keliya, isla markaana qofka keliya ee madow ah ee miisaska go'aannada fadhida, taas oo sida ay sheegtay mararka qaarkood ka dhigtay in fikradaha ay soo jeediso aan si buuxda loo maqlin ama loo tixgelin.

Yasmin, amniga internetku wuu u dhaafsiisnaa aragti kaliya, oo wuxuu ula muuqday arrin si toos ah u taabanaysa oo ula xiriirta nolosha Soomaalida.

Bulshada Soomaalida oo ah ummad soo martay dagaal, barakac, iyo kala firdhid qoysas, tignoolajiyaddu waxay u noqotay xarig isku xira dad kala maqan iyo gacal kala baadiyoobay. Laakiin isla tignoolajiyadaas waxay sidoo kale noqotay meel looga fuliyo dhagaro, warar been-abuur ah, aflagaaddo, iyo weerarro sumcad dil ah.

Sannadahan danbe sida ay usoo baxeen aaladaha AI-ga, waxaa sidoo kale barbar socday wararka marin habaabin ah iyo muuqaallo been abuur ah oo si gaar ah u saameeyay bulshooyin ay kalsooni nugul u dhisnay.

Sida ay muujinayaan cilmi-baarisyo ay sameeyeen hay'adaha Qaramada Midoobay, dumarka iyo gabdhaha ayaa si ka badan ragga loogu bartilmaameedsadaa tacaddiyada dijitaalka ah iyo aflagaaddada internetka ee ay tignoolajiyaddu fududeysay, kuwaas oo ay sii xoojiyeen AI-ga iyo baraha bulshada.

Shaqada Yasmin maanta waxay si gaar ah diiradda u saartaa bulshada qeybteedaas nugul, ganacsiyada yaryar iyo shirkadaha bilowga ah.

Dhanka ganacsiyada, maadaama shirkadaha waaweyn ay awoodaan qalab amni oo qaali ah, ganacsiyada yaryar ayaa noqday bartilmaameedka ugu weyn ee weerarrada internetka ah.

Yasmin waxay dhistay habab amni oo fudud, cid walba na awoodi karto inay isticmaasho, iyadoo adeegsanaysa hindise ay aasaastay oo la yiraahdo noHack, kaas oo ujeeddadiisu tahay in hal-abuurayaasha iyo ganacsiyada yaryar ay u koraan si ammaan ah, iyaga oo aan ka cabsan burbur dijitaal ah.

Shirkadeeda noHack waa hindise amni dijitaal ah oo Yasmin diiradda ku saartay in uu si gaar ah u badbaadiyo bulshada inta badan noqota bartilmaameedka weerarrada internet-ka balse aan awoodin xalalka amni ee qaaliga ah.

Iyadoo adeegsanaysa tababaro, la-talin, iyo abaabul bulsho, ayay Yasmin waayo-aragnimadeeda la wadaagtaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xigashada Sawirka, Yasmin Abdi

Qoraalka sawirka, Iyadoo adeegsanaysa tababaro, la-talin, iyo abaabul bulsho, ayay Yasmin waayo-aragnimadeeda la wadaagtaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, shaqada Yasmin waxay si joogto ah u dhiirrigelisaa dhalinyarada, gaar ahaan gabdhaha Soomaaliyeed, inay u arkaan tignoolajiyadda iyo amniga internetka fursad ay iyaguna ku baran karaan, oo ay doorkooda ka qaadan karaan qaabeynta mustaqbalka bulshooyinkooda, halkii ay ka ahaan lahaayeen daawadayaal keliya.

"Meel kasta oo ay maskaxdaadu suureysanayso, xitaa meelaha aanan markii hore adiga laguugu talagelin, waa meel aad xaq u leedahay inaad gasho, aadna door ku yeelato," ayay tiri Yasmin oo ka jawaabaysa doorka ay gabdhaha Soomaaliyeed ku yeelan karaan suuqa shaqada.

Iyadoo adeegsanaysa tababaro, la-talin, iyo abaabul bulsho, Yasmin waxay ku waayo-aragnimadeeda la wadaagtaa dhalinyarada Soomaaliyeed, ha ahaadaan qurbajoogta ama kuwo ku nool gudaha dalka.

Farriinteeda ugu weyn ee ay u dirayso gabdhaha Soomaaliyeed waa: in xiisaha ay u qaadaan qabashada shaqo walba, ay haleeli karaan jid ay ku rumeeyaan.