Sidee ugu digtoonaan kartaa burcadda internet ka intaad ku guda jirto shaqo raadinta?

Burcad

Xigashada Sawirka, getty images

Toddobaadkii hore iyada oo la adeegsanayo barta lagu wada xidhiidho ee LinkedIn, qof isku sheegaya inuu dadka ka shaqaaleysiiyo shirkad fadhigeedu yahay UK ayaa qoraallo usoo diray Margo Gabriel oo shaqo doon aheyd.

"Waxay sara u qaaday xiisahayga, sababtoo ah shaqada ayaa kafaala qaadi laheyd noolasheyda iyo fiisada shaqada UK," ayay tidhi iyadda oo intaa ku dartay in uu u ballamiyiyay wareysi xiga oo isla Interneka ka dhici lahaa.

Laakin Gabriel ayaa sheegtay in shaki xoog leh uu soo wajahay kaddib markii loo sheegay in shaqadeedu ay ku salaysnaan doonto Sacuudi Carabiya halkii ay ka ahaan lahayd Boqortooyada Ingiriiska.

Markii ay la xidhiidhtay shirkada LinkedIn, Marwo Gabriel oo ku nool waddanka Portugal, ayaa lagula taliyay in ay xanibto isticmaalahaasi isla markaana uu ka tirsan yahay budhcadda intarneedka. Gabriel ayaa hadda aaminsan inay aad u nasiib badan tahay maadaama ay ka badbaaday shirqool halis badnaa.

Iyadoo in ka badan 100 codsi oo shaqo ah ilbiriqsi kasta lagu soo gudbiyay barta LinkedIn, dadka budhcada ah ee leh ujeedooyinka qarsoon ayaa sidoo kale sii badanaaya kuwaas oo si toos ah iyo si dadbanba u ugaadhsada dadka shaqo doonka ah. Marka loo eego cilmi-baadhis ay samaysay shirkadda amniga ee NordLayer, ku dhawaad saddex-meelood laba meel dad isticmaala bartaan Ingiriiska ah ayaa la beegsaday.

Haddaba Sidee Ayaay U Shaqeeyaan Budhcadda intarneedka?

Budhcada ayaa inta badan keydsada macluumaadka shakhsiyeed

Xigashada Sawirka, FTEAM

Budhacadda ayaa adeegsada laba hab oo ay ku dabtaan marka hore dadka shaqo doonka, taas oo sabab u noqota in aad ku dhacdo dabinkooda.

“Waxaad marka hore aad arki kartaa xayeeysiin ay ku qoran tahay macluumaad aasaasi ah oo u muuqda kuwa aad u xiiso badan, waxaa ay kugu dhiirogelinayaan in aad gujiso lifaaq kale,si aad u hesho faahfaahinta shaqada iyo macluumaad la xidhiidha kaalintaada shaqada," ayuu yidhi Jedrzej Pyzik, oo la taliye ka ah shirkada Team.

"Kaddib markaad gujiso lifaaqa, waxaa ay kuu sii gudbin karaan bog kale oo u baahan macluumaadkaaga shakhsi ahaaneed, tani waa tan ugu badan ee aan la kulmo." Ayuu yidhi Jedrzej.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xogta shaqsiga ah ayaa markaa loo isticmaali karaa xitaa akoon bangi in lagu furto ama lagu codsado deyn iyagga oo adeegsanaaya xogtaasi ay keydiyeen.

Khiyaamooyinka kale ee soo noqnoqday ayaa ah in la waydiiyo qofka shaqo doonka ah ee "guulaystay" lacag hormaris ah, iyada oo loo ballan qaadayo in dib loogu soo celin doono khidmadda hormariska ah ee uu bixiya. Waxaa laga yaabaa in loo sheego in tani ay dabooli doonto qarashaadka tababarka,hubinta diiwaanka qofka ee dambiyada, khidmadaha safarka sida fiisaha, ama qalabka looga baahan yahay shaqada.

Dhibaatada xayeysiinada shaqada ee been abuurka ah ayaa si gaar ah u taabatada dhalinyarada iyo ardayda cusub ee qalin jabisa. Sida laga soo xigtay shirkadda amniga ee Proofpoint, budhcada intarneedka ayaa beegsanaayay ardayda jaamacadaha Mareykanka bilihii la soo dhaafay, shaqooyin ugu badan ee budhcadan ay soo bandhigeen ayaana ahaa dhinacyada cilmiga bulshada, daryeelka caafimaadka, iyo tignoolajiyada.

PROOFPOINT

Xigashada Sawirka, PROOFPOINT

"Ardaydu waxa laga yaabaa inay aad ugu furfuran yihiin shaqooyin guriga laga shaqeeyo kuwaas oo si gaar ah loogu qabto intarneedka, ardayda caalamkuna ma aqoonsan karaan calaamadaha iimaylada been abuurka ah," ayay tidhi Selena Larson, oo shirkada Proofpoint u qaabilsan amniga intarneedka.

"Waxaan rumaysanahay in ujeedadu ay tahay in dad shaqo-doonka ahi ay codsadaan shaqada si tuugada intarneedka u keydiyaan magacyadooda, ciwaankooda, lambarkooda teleefan, iimaylka, iyo goobaha ay ku sugan yihiim," ayuu yidhi madaxa fulinta shirkada Proofpoint Mathew Georghiou.

Shirkada isgaadhsiinta ayaa xakameeya budhcada inta karaankooda ah. LinkedIn ayaa sheegtay in 99.3% xayeeysiimaha been abuurka ahi la qabtay, halka ,99.6% akoonadabeen abuurka ah la xanniby ka hor inta aanay macaamiishu soo gudbin cabashadooda.

"Shaqooyinka been abuurka ah ama falalka budhcada intarneedka waxaa ay kasoo horjeedaan siyaasadeena, waxaana mar walba ka shaqeyneynaa inaan ka feejignaano si aan u ilaalino macaamiisheena," ayuu yidhi afhayeenka LinkedIn.

Dabayaaqadii sannadkii hore, LinkedIn waxay soo bandhigtay xeerar cusub oo lagu ilaalinaayo badqabka macaamiisheeda, oo ay kamid yihiin xaqiijinta akoonka la sameeyay, haddii xubinku haysato lambar taleefoon oo laga xaqiijiyo ama iimaylka shaqada ee la xidhiidha akoonkooda.

Dhanka kale, dadka shaqo-doonayaasha ah ayaa lagula taliyay inay ka digtoonaadaan, hubiyaan isla markaana ay eegaan dhab ahaanshada shirkada ka hor inta aysan la wadaagin macluumaadkooda qaaska ah.