Maxaa ka jira ‘xiriirka iyo kulamada’ dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Israel?

Warbaahinta Israel ayaa baahiyay qorshe ay sheegeen in wasaaradda arrimaha dibeda ee dalkaas ay ku dooneyso inay xiriir kula yeelato Soomaaliya, iyaga oo sheegaya inay kulamo dhexmareen madax sare oo ka kala socda Soomaaliya iyo Israel.
Waxay warbaahintu intaas ku dartay inay qorshaha xiriirka labada dal uu salka ku hayo heshiiska Abraham kaas oo fure u ahaa in uu hagaago xiriirka Israel ay la leedahay Imaaraatka Carabta, Baxreyn, Morocco sanadkii 2020kii.
Heshiikaas oo madaxda Falastiin ay ku tilmaameen in uu yahay ‘qiyaano’ ayaa balaariyay xiriirka dublumaasiyadeed iyo kan ganacsi iyo isu-socod ee dalkaas ay la leeyihiin Israel. Laakiin heshiiskaas ayaa Israel ku qasbayay inay hakiso qorsheha muranka dhaliyay ee ay ku qabsaneyso qyeb cusub oo ka mid ah daanta galbeed.
Israel ayaa hadda dedaal ugu jirto xiriir ay la yeelato dalalka Islaamka oo uu ku jiro dalalka uu dadka badan dunida muslimiinta ee Indonesia, Mauritania, iyo Niger.
Sida uu faafiyay wargeyska Israel ee Israel Hyaom, waxaa qorshaha balaarinta heshiiska Abraham 2020 kaalin weyn ku leh Xoghayaha Arrimada Dibeda ee Mareykanka Antony Blinken, La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Mareykanka Jake Sullivan, iyo Ergayga gaarka ah ee Amos Hochstein.
Dowladda Raysal wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ilaa iyo hadda ku guuleystay inay xiriir la yeelato dalal dhowr oo Muslim ah oo ku yaal Afrika, oo ay ka mid yihiin Chad oo safaarad ka furatay Israel, iyo Sudan oo wasiirka arrimaha dibeda ee Israel ee hadda xilka haya uu noqday kii ugu horreeyay ee booqda dalkaas.
Xiriirka Soomaaliya iyo Israel iyo warbaahinta Israel
Soomaaliya iyo Israel weligood ma yeelan xiriir dublimaasiyadeed, iyada oo Soomaaliya ay ka mid ahay dalalka ugu mayalka adag ee sida weyn u taageera qadiyadda Falastiin ilaa berrigii xorriyada.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Laakiin dhowr ka mid ah warbaahinta Israel ayaa si kordheysa u tebinayay in madaxda Soomaalida ay muujiyeen inay danyenayaan xiriir ay la yeeshaan Israel.
Wargeyska Times of Israel ayaa horey u baahiyay in labadii madaxweyne ee ugu dambeysay, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ay la kala kulmeen Raysal wasaaraha Israel Netanyahu 2020kii iyo 2016kii.
Wargeyska oo soo xiganaya dublumaasiyiin aysan shaacin magacyadooda ayaa tilmaamay in labada madaxweynaha ay safar qarsoodi ah ku tageen Tel Aviv xilliyo kala duwan iyaga oo kulan la yeeshay Benjamin Netanyahu.
War kale oo la faafiyay sanadkii hore ayaa sheegay in markale madaxweyne Xasan Sheekh uu safar qarsoodi ah ku tagay Israel xilli uu booqasho ku joogay Imaaraatka Carabta bishii Juun ee sanadkii hore.
Warkaas ayaa soo baxay kadib markii xubnaha waftiga madaxweynaha la socday lagu karantiilay hoteelkii ay ka tageen Imaaraatka kadib markii laga helay fayruska Karoona, taas oo kordhisay maalamaha safarka madaxweynaha ee dalkaas oo markii hore loo qorsheeyay labo cisho.

Afhayeenkii madaxweynaha ee xilligaas Cabdikariim Cali Kaar ayaa beeniyay warkaas, isaga oo sheegay in uusan jirin wax xiriir dublumaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Israel. Xafiiska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa iyaga na dhankooda beeniyay in madaxweynuhu booqday Israel, iyaga oo ku tilmaamay warka Wargeyska Times of Israel mid aysan wax ba ka jirin.
Laakiin wasiirkii arrimaha dibeda ee Soomaaliya ee xilligii dowladdii Farmaajo, Axmed Cawed ayaa BBC u sheegay in uusan xaqiijin karin ama uusan beenin karin safarkaas.
Waxa uu tilmaamay in madaxweyneyaasha Soomaaliya ay galaan safaro iyo howlo aysan wasiiradda arrimaha dibeda ku wehlin ama aysan wax kala socon, isaga oo si gaar ah u tilmaamay inay jiraan safaro iyo howl badan oo khuseeyay wasaaradda arrimaha dibeda oo xilligii uu xilka hayay aan wax badan looga sheegin, kuwaas oo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea.
“Way dhici kartaa sababtoo madaxda Soomaalida ayaan aqaan, oo meelwalba ayay u geli karaan wax walba oo ay u arkaan dantooda,” ayuu yiri Danjire Axmed Ciise Cawed oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya intii u dhexeysay Janaayo 2018 ilaa Nofeembar 2020.

Xigashada Sawirka, Madaxtooyadda Somaliland
Isla wargeyskan iyo telefishinka Channel 12 ee Israel ayaa baahiyay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu u sheegay Mareykanka in uu sameeyay iskuday uu xiriir kula sameynayo Israel balse uusan helin wax jawaab ah.
Madaxweyne Biixi ayaa booqday Mareykanka bishii Maarso ee sanadkii hore isaga oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Somaliland ee tega Washington isaga oo xilka haya.
Waxaa casuumay machad saameynta weyn ee Heritage Foundation, isaga oo sidoo kale la kulmay madaxda maamulka madaxweyne Biden, xubno ka tirsan baarlamaanka Mareykanka ee Congress iyo saraakiil sare oo Qaramada Midoobay ka socda.
Sidoo kale, wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa beeniyay war kale oo ay baahisay warbaahinta Israel oo sheegayay in uu ka qeybgalay shir ay ku martigelisay wariyeyaal ka kala socda Faransiiska iyo iyo waddamo Afrikaan ah, diblomaasiyiin, ganacsato iyo fannaaniin si looga wada hadlo mustaqbalka xiriir iyo ganacsi dhex mara Israa'iil iyo waddamada Afrika.
Warbaahinta Israel ayaa sheegay in shirkaas uu ka qeybgalay Wasiirka gaashaandhigga ee Somaliland, Cabdiqani Caateeye.
Waxa uu sheegay in uu Hargeysa joogay xilliga la sheegay in la qabtay shirkaas, waxa uuse ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo ama beeniyo dedaalka madaxweyne Muuse Biixi uu sheegay Mareykanka in uu sameeyay si uu xiriir ula yeesho Israel. Madaxtooyadda Somaliland kama aysan hadlin warkaas weli.
Maxay Dowladda Soomaaliya ka tiri ‘xiriirka iyo kulamada’ Israel?

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Arrimaha Dibeda Soomaaliya
Warbaahinta Israel waxay baahisay in khilaaf ka dhex jiro Wasiirka Arrimaha Dibeda Israel Eli Cohen iyo Golaha Amniga Qaranka Israel, kaas oo salka ku haya xiriir la la yeesho Soomaaliya.
Madaxa Golaha Amniga Qaranka Israel Tzachi Hanegbi ayaa diidan xiriir dhexmara dowladiisa iyo Soomalaiya, isaga oo sheegay in wax dan ah aysan ka laheyn Soomaaliya.
Laakiin Wasiirka arrimaha dibeda Israel ayaa doonaya in Soomaaliya xiriir la la yeesho si loo kasbado codkeeda marka la joogo fadhiyadda caalamiga ah, sida kuwa Qaramada Midoobay. Soomaaliya ayaa marar badan ka codeysay Israel.
Xiriirka labada xafiis ee Israel ayaa xumaa wixii ka dambeeyay 2014kii markaas oo qeyb ka mid ah awooddaha iyo shaqada wasaaradda arrimaha dibeda loo weeciyay Golaha Amniga Qaranka.
Khilaafkooda ayaa xoogeystay kadib markii uu wasiirka arrimaha dibeda la yeeshay kulan qarsoodi ah wasiirka arrimaha dibeda Libya marwo Najla Maxamed Manquush oo hadda shaqada laga hakiyay kadib caro ka dhalatay kulankaas dhacay dhowr toddobaad kahor.
Warbaahinta ayaa intaas ku dartay in wasiirka arrimaha dibeda uu la kulmay xubno ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Laakiin wasiir-u-dowladaha arrimaha dibeda ee Soomaaliya Cali Cumar ‘Balcad’ oo si kooban ula hadlay BBC ayaa beeniyay dhammaan warka la xiriira ‘kulamo hore iyo kuwa la xiriira kuwa dhow oo dhexmaray madaxweyne Xasan iyo Raysal wasaaraha Israel, iyo xitaa wasiirka arrimaha dibeda ee Israel iyo xubno ku dhow madaxweynaha Soomaaliya.
"Warkan iyo hadaladan oo dhan waxba kama jiraan oo waxba run kama ahan," ayuu yiri mudane Cali Cumar.









