Maxaa ka jira inuu Facebook kasoo hadlay taliye Shaah-macabe?

Xigashada Sawirka, Facebook/Shaah-Macabbe
Waxaa saacado kahor qoraal lasoo dhigay akoonka barta Facebook oo uu ku qoran yahay magaca Korneel Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Shaah-macabe), kaasoo lagu la'yahay dagaal ka dhacay qeybo ka mid ah Gobollada Dhexe oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxda al-Shabaab.
Shaah-macabe oo ah Taliyaha Guutada 25-aad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa nolol iyo geeri lagu waayay, kadib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo geystay khasaare xoogan.
Bartan oo la sheegay inuu taliyaha leeyahay ayaa lasoo dhigay qoraal muujinaya inuu nabad qabo.
Jawaahir Baarqab oo ah guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, isla markaana ay ehel dhow yihiin Taliye Shaah Macabbe oo aan la hadalnay ayaa sheegtay inaysan ilaa iyo haatan wax war ah ka heynin taliyaha.
"Waxaan xaqiijinayaa in laga jabsaday barta Facebook, asaga maaha waxa qoraalka soo dhigay, warna kama heyno" ayay tiri.
Jawaahir ayaa sheegtay in laga yaabo in dad doonaya inay ku qaraabtaan magaciisa ay jabsadeen bartiisa oo ay qoraalkanna soo dhigeen.
"Dad baa jira ku qaraabanaya oo laga yaabo inay lacag uga uruursanayaan dadka," ayay intaas raacisay.

Xigashada Sawirka, SCREEN GRAB
Maxay hore qoyska Shaah-macabbe uga yiraahdeen arrintan?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Jawaahir Baarqab oo markii uu soo baxay warka ah in la la'yahay taliyaha la hadashay BBC ayaa sheegtay in qoys ahaan aysan caddeyn karin inuu nool yahay ama inuu geeriyooday.
“Marka horeba askariga Soomaaliyeed isteellaha marka uu xirto geeri iyo nolol ayuu u dhaxeeyaa marka nin taliye ah oo guuto dhan loo dhiibay wiilal badan oo Soomaaliyeed ayuu madax u ahaa, annaga nolol iyo geeri waan naqaanaa, walaalkay wuu imaan doonaa hadduu Alle idmo oo uu nool yahay haddii uu dhintana waa ehelu janno, laakiin isagoo caafimaad qabo inuu yimaado baanu jecel nahay. Meesha caano shub uma uusan tagin Ugaas la soo duubaayo ma uusan ahayn, guul iyo geeriba ninka ragga wuu ka filanayaa goobta dagaalka,” ayay tiri Jawaahir oo u warramaysay BBC.
Laakin Jawaahir Baarqab waxay sheegtay inaysan ogeyn halka ay ka keeneen dadka baraha bulshada ku soo qoraya inuu geeriyooday Shaah macabbe. Waxay sheegtay in geeridiisa ay xaqiijin karaan wasaaradda gaashaan-dhigga, warfaafinta ama taliyaha milatariga Soomaaliyeed iyo qoyskiisa oo ay qasab tahay in loo sheego oo ay aasaan haddii uu geeriyooday.
Dhanka kale waxay sheegtay inay jiraan xogo ay heleen oo tibaaxaya in Taliyaha uu nool yahay oo uu badqabo oo shaqo qaran ku jiro.
Waa kuma Shaah-Macabe?

Xigashada Sawirka, facebook/Shaahmacabbe
Waxa uu ku soo koray oo waxbarashada dugsiga hoose dhexe ku qaatay tuulada Biya Cadde ee gobolka Shabeellada dhexe. Halka waxbarashada dugsiga sare iyo jaamacaddaba uu ku qaatay magaalada Muqdisho.
Waxa uu hoggaaminayay guutada Cumar Binu Khadab oo horay loo oran jiray gutada 25-aad halka ka horna uu ahaa abaanduulaha guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidamada xogga dalka Soomaaliyeed, markaas oo uu ka hawlgalayay Hirshabeelle.
Waxa uu ahaa nin afgaaban oo ahlu diin ah oo geesi ah yaqaanana sida cadowga loola daggaallamo. Qof kasta oo Soomaaliyeed saaxib ayuu lahaa,” ayay tiri Jawaahir Baarqab.
”Waxa uu ka mid ahaa ciidamadii badbaado qaran oo markaas u arkayay waxa dhacayay xilligaas aanay macquul ahayn,” ayay tiri Jawaahir oo ay ilmo adeer yihiin Shaah-macabbe.
Mowqifka dawladda ee maqnaanshaha Shaah macabe

Xigashada Sawirka, Social Media
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaalada ayaa ku gacan sayray inay jiraan dad la la' yahay oo ka tirsan ciidanka ama saraakiishii hogaaminaysay ee ka qayb qaatay dagaalkii xerada Cowsweyne.
Cowsweyne ayaa ah halkii uu Mukhtaar Shaah macabe ka hawlgalayey.
"Dad aan ognahay ayaa warkaas faafiyey, kuwaasoo khawaarijta la shaqaynayey tan iyo markii aan hawlgalkna billownay, doonayeyna inay fashiliyaan" ayuu yiri Al cadaala.
Mar ay BBC si gaar ah u weydiisay wasiir Al Cadaala bal inay jiraan taliye iyo askar duurka gashay oo la la' yahay wuxuu ku jawaabay "waxaas waxba kama jiraan, waa wax aan ognahay meesha laga keenay iyo cidda faafisay. Waa dad sheeganayainay siyaasiyiin yihiin ama taaytallo kala duwan sheeganaya, wakhti badanna gacan siinayey khawaarijta.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna farriin uu ciidanka u diray ku amaanay askarta dawladda dagaalka ay la galeen Al Shabaab, wuxuuna sheegay in tirada ay AL Shabaab sheeganayaan tiro aad uga badan looga dilay Cowsweyne.









