Sunny Deol: Maxay tahay deynta loo haysto Atoorahan caanka ah?

Xigashada Sawirka, SUNNYDEOL
Jilaaga iyo xildhibaanka BJP Sunny Deol ayaa maalmahan dood dhaliyay. Sababta uu doodda u dhaliyay keliya ma ahan guusha filimka Gadar-2, balse sidoo kale ogeysiiskii Bangiga Baroda ayaa lagu sheegay in lagu xaraashayo guri uu leeyahay Sunny Deol oo ku yaalla Mumbai.
Bangiga ayaa sheegay in tan iyo Disembar 2022, xildhibaanka laga soo doorto Gurdaspur, Sunny Deol uusan bixin deyn deyn ah ₹ 55.99 crore oo uu ku leeyahay Bangiga Baroda, sidaa darteed ayaa loo xaraashayaa gurigiisa.
19 Ogosto, markii ogeysiiskan lagu daabacay wargeysyada, dadku waxay bilaabeen inay Sunny Deol waydiiyaan su'aalo la xiriira inuu bixin waayo amaahda. Waa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo, isaga oo ku tilmaamay arrin shakhsi ah.
Hase yeeshee, laba maalmood ka dib, Bangiga Baroda ayaa ka noqday ogeysiiskan isagoo ku sababayeeyay inay jiraan arrimo farsamo'.
Su’aashu waxay tahay muxuu bangigu sidan u sameeyay? Sunny Deol diyaar ma u yahay inuu dib u bixiyo amaahda? Wax cadaadis ah ma la saaray bangiga? Waa maxay miisaanka sababaha uu bangigu sheegay?
Maxay tahay arrintan?
Jilaaga Sunny Deol ayaa amaah ka qaatay Bangiga Baroda si uu ugu dhiso gurigiisa 'Sunny Villa' ee ku yaalla ku yaal Mumbai.
Amaahdan, ayaa damiin ka ahaa walaalkii Bobby Deol iyo aabbihii Dharmendra Singh. Waxaa sidoo kale damaanadda ka mid ahaa shirkadda 'Sunny Sound Pvt Ltd.
Sida laga soo xigtay mareegaha xakamaynta lacagaha, Sunny Deol wuxuu qaatay deyntan sanadka 2016 si uu u maalgeliyo filim.
Warqadda dhaarta ee la siiyay guddiga doorashada waqtiga doorashada 2019 ee Lok Sabha, Sunny Deol wuxuu ku xusay inuu qaatay deyn dhan Rs 50 crore.
Dib u bixin la'aanta amaahda awgeed, bangigu wuxuu ku dhawaaqay inay tahay hanti aan shaqaynayn.
Muxuu sameeyay bangigu?

Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bank of Baroda ayaa go’aansaday in uu iibiyo guriga Sunny Deol kaas oo uu amaah ku qaatay si uu lacagtiisa ugu soo ceshado.
Bangigu wuxuu soo saaray ogaysiis oo lagu daabacay dhowr wargeysyo taariikhda markii ay ahayd Agoosto 19, 2023, isagoo sheegaya in Sunny Deol lagu leeyahay ilaa Rs 56 crore iyo dulsaar laga bilaabo Diseembar 2022, si uu lacagtaas u soo ceshadadana uu doonayo inuu xarasho guriga Villada ee uu leeyahay atoore Sunny Deol.
Qiimaha xaraashka ee guriga ayaa lagu sheegay 51 crore 43 lakhs iyo taariikhda, Sebtember 25, 2023. Bangigu wuxuu weydiistay iibsadayaasha xiiseynaya inay ka qaybqaataan xaraashka dhanka online-ka iyagoo dhigaya 10 boqolkiiba qiimaha.
Waxa kale oo la sheegay in iibsadayaasha xiisaynaya ay u iman karaan si ay u arkaan 14-ka Sebtembar.
Laba maalmood ka dib bangigu wuu ka noqday ogeysiiskii xaraashka guriga Sunny Deol.
Baanka ayaa soo saaray bayaan uu ku sheegay saddex arrimood oo arrintan ka dambeeya. Sababta koowaad waxay ahayd in bangigu aanu hayn xogta saxda ah ee lacagta la soo celinayo.
Keshav Khaneja, oo dhowr jagooyin muhiim ah ka soo qabtay laanta Maareynta Soo-kabashada Hantida ee Oriental Bank of Commerce, ayaa su'aal ka keenaya bayaankan bangiga.
Sababta kale ee uu Bank of Baroda ku sheegay ka noqoshada ogeysiiska ayaa ah in ogeysiiska iibka uu ku saleysan yahay lahaanshaha guriga. Bangigu waxa uu codsi lahaanshaha u gudbiyay Madaxa maxkamadda gobolka 1-dii Agoosto 1, taas oo la sugayo jawaabta.
Sababta sedexaad iyo tan ugu muhiimsan ee uu Bank of Baroda ku sheegay ayaa ah in kadib markii la daabacay ogeysiiska iibka Sunny Deol uu la soo xiriiray si ay u xaliyaan lacagaha amaahda ah.
Ashwini Rana, khabiirka bangiyada iyo aasaasaha Voice of Banking, ayaa yiri, "Haddii qofku dib u bixiyo deynta muddo 30 maalmood gudahood ah ka dib marka la uu daabaco ogeysiiska iibka, bangigu wuxuu ka noqdaa ogeysiiska."
Haddaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah Sunny Deol miyuu dib u bixiyay daynta dhan Rs 56 crore ee uu bangiga ku lahaa? Waqtigan xaadirka ah, bangigu ma uusan bixin jawaabta su'aashan.













