Atoore Bobby Deol: 'Carruurtayda ayaa I waydiinaysay,' Aabbe, maxaad guriga u joogtaa? '

Xigashada Sawirka, Ani
Jilaaga Bobby Deol, kaas oo xirfaddiisa jilista filimaanta 1995 ku bilaabay filimkii 'Barsaat', ayaa xirfaddaasi waxa uu ku jiray in ka badan 25 sanadood.
Bobby, ayaa dhanka kale waxaa soo maray sanado wanaagsan iyo kuwo ay xaaladda ku adkeyd. Waxa uu soo maray maalmo uu aad u firfircoonaa oo ay dadku daysan jiraan weliba ay dhalinyaradu aad uga daba dhaceen timihiisii dhaadheeraa iyo ookiyaalihii uu cadceedda ka xiran jiray.
Sidoo kale waxa uu u soo joogay markii filimaantiisa ay ku dhawaadeen inay joogsamaan. Bobby Deol ayaa haatan si joogta ah uga soo muuqda filimada iyo bandhigyada. Waxaana dhawaan bilowday xilliga saddexaad ee filimka taxanaha ah ee Ashram ee uu atoorahan sameeyo.
Wareysi uu siiyay BBCda laanteeda afka Hindig, ayuu Bobby Deol waxa uu kaga hadlay heerarkii ay xirfaddiisa soo martay. Waxaa jiray waqti markii uu bilaabayay jilitaanka filimda in uu Bobby Deol dareemay in noloshiisii caadiga aheyd ay wax badan isbadeshay, si wanaagsanna wax ugu socdaan.
Bobby oo BBCda la hadlayay ayaa sheegay: "Todobadii illaa sideeddii sanadood ee ugu horraysay xirfaddayda si wanaagsan ayey wax iigu socdeen. Waxaan shaqooyinka ku heli jiray wajigayga uun. Hasayeeshee marnaba maankayga maanan gelin in shaqadayda ay dib ii dhigi doonto. Ma fahmaysid sababta dadka aanay u doonayn inay kula shaqeeyaan. Kaddib waxaad bilaabaysaa inaad aamintid in tani ay guuldarradaada tahay."
- Filimkii sababay in 'Mujaahidiinta Afghanistan' ay joojiyaan dagaalka
- Labadan Jilaa ee caanka ah maxaa loogu maxkamadeeyay fal ay sameeyeen iyagoo filim jilaya?
- Atoore ka tirsan Bollywood-ka oo sheegay inuu 'Alle isu dhiibay'
- Maxay tahay sababta jilaaga caanka ah ee Sunny Deol uu ugu biiray siyaasadda?
Culayskii soo maray isagoo ka sheekaynaya ayaa waxa uu yiri: "Waxaan bilaabay inaan naftayda ka cawdo. Waxaas inaan sameeyo maba ahayn. Hasayeeshee markaan bannaanka aado, waxaan la kulmi jiray taageerayaasha, kuwaas oo ii sheegi jiray inay aad u danaynayaan inay shaashadaha ka daawadaan. Mudadaas, waxaan is iri, war haddii taageerayaashayda ay doonayaan inay I daawadaan marka maxaanan shaqo u heli karin?
Aabbe, gurigaad iska joogtaa, maad baxdid oo soo shaqaysid?
Sida uu sheegay Bobby Deol, weligii muusan dareemin inuu noqon doono xiddig wayn ama kan ugu sarreeyaba. Waxa uu doonayay inuu xirfaddiisa ku dhisto sida dadka ay maanka ku hayaan. Hasayeeshee filimaan aanan shaacbixin oo isxigxigay oo uu sameeyay kaddib ayuu Bobby Deol waxa uu dareemay in dadku aanay rabin inay la shaqeeyaan.

Xigashada Sawirka, PAN INDIA LTD.
Waxa uu sheegay, "Waxaa jirtay waqti aan quustay. Carruurteyda aad ayey u da' yaraayeen. Mid ka mid ah ayaa oran jiray, 'Aabbe, gurigaad iska joogtaa, maad baxdid oo soo shaqaysid? Hooyo way shaqo-tagtaaye. Markaas ayey aheyd markaan xaqiiqsaday inaan wax sameeyo.'
Hadalkiisa ayuu sii watay oo waxa uu yiri: "Markaan ayaan maankeyga galiyay inay qasab tahay inaanan aqbalin guuldarrada. Waxaan daawan jiray carruurta oo guriga aan ku hayay. Xaaskeygu way shaqaynaysay. Marka waxaan go'aansaday inay tahay inaan sameeyo waxkasta oo lagama maarmaan ah oo aan xaaladda ku sixi lahaa. Marka waxaan bilaabay inaan nafteyda ka shaqeeyo. Waxaan bilaabay inaan ka fakaro caafimaadkeyga."
Salman ayaa gacan siiyay xilliyadii adkaa
Bobby Deol ayaa soo hadalqaaday Salman Khan mar uu ka sheekaynayay waqtigii adkaa ee uu soo maray. Waxa uu sheegay "markasta oo aan Salman Khan la kulmo waxa uu I oran jiray war heedhe 'garkii baa kugu baxay'.

Xigashada Sawirka, Ani
Waxaan si naxariis leh ugu yeeraa Mamu. Ma jirto cid kuu sheegaysa waxa ay tahay inaad qabatid. Salman ayaa mar igu yiri buu leeyahay "Waxaan qaaatay dowrkii Sanjay Dutt markaas waxa ay aheyd xilli xaaladdu ay igu adkeyd. Waxaan ku iri war heedhe I taageer oo shaqo iisoo hel. Kaddib shaqaan helay."
Filim sameeye Shekhar Kapoor oo soo saaray Bobby
Inta uu wareysiga socday ayuu Bobby waxa uu si furfuran uga hadlay maalmihii uu xirfaddan bilaabayay.
Waxa uu sheegay inuu atoore carruur ah ku jilay filimkii aabihiis Dharmendra ee Dharmaveer. Markii aan ahaa 6 sanno jir ayaa waxaa ii yimid aabahay oo waxa uu I waydiiyay inaan qaadan karo kaalinta carruurnimadayda. Waxaan ku iri oo maxaan ku diidaya? Dharkii ayaan habeenkii sii xirtay, xiiso darteed.
Bobby ayaa intaasi ku daray "Filimkeygii ugu horreeyay waxaa qorsheeyay Shekhar Kapoor. Waxaa la duubayay 27 maalmood. Hasayeeshee maalmo kaddib, Shekhar Kapoor ayaa waxa uu qandaraas ka helay Hollywood. Marka filimkii lama dhammaystirin.
Bobby ayaa sheegay "Shekhar ayaa waxa ay wadaxaajoodeen aabahay kaddib markii si lama filaan ah uu qandaraas uga helay Hollywood. Waxa uu ku yiri: 'Eeg, kan waa filimkii ugu horreeyay ee wiilkeyga marka adiga go'aan ka gaar waxa aad samaynaysid.' Kaddib Shekhar Kapoor waxa uu u wareegay Hollywood.
Waqtigaas, filimkii Rajkumara Santoshi ee Ghayal ayaa noqday mid caan ah. Ninkaas waxa uu xiriir wanaagsan la lahaa walaalkiis Sunny Deol. Wuu la hadlay wuuna ogolaaaday iyadoo Santoshi isna ku farxay inaan filimka la jilo. Kaddib duubistii ayaa bilaabatay.
Filimku waxa uu qaatay laba sanadood in la dhammaystiro, waxaanan la sii dayay 1995. "Marnaba isma oran ookiyaalaha aan qorraxda ka xiran jiray iyo timahaygii dhaadheeraa aya noqon doona wax laga dabadhaco."










