Bollywood: Filimkii sababay in 'Mujaahidiinta Afghanistan' ay joojiyaan dagaalka

Xigashada Sawirka, KHUDA GAWAH
Waa qiso dhacday 1990-meeyadii, xilli ay ciidamadii Midowgii Soviet dalka Afghanistan kula dagaallamayeen xoogaggii "mujaahidiinta".
Iyadoo xaaladdaas lagu jiro, gabdh uu dhashay Madaxweynihii Afghanistan ee waqtigaas, Maxamed Najibullah, ayaa aabeheed ka codsatay in uu ku dhawaaqo xabad joojin hal maalin ah oo uu la galo Mujaahidiinta.
Gabadhu waxa ay doonaysay in dagaalka la joojiyo marka uu xiddig ka mid ah atooreyaashii filimada Hindiga imaado Afghanistan, si uu magaalada Kabul ugu wareego xornimo inta uu filimkiisa duubayo, dadkuna ay u daawadaan si nabad ah.
Xiddigaas macagiisu waa Amitabh Bachchan oo ay Soomaalidu u garan og yihiin "Cali Dheere", waxa uuna markaas jilayay filimkiisa lagu magacaabo 'Khuda Gawah'.
Filimkaas oo aad u xiiso badnaa waxaa shaashadaha laga sii daayay 8-dii bishii May ee sanadkii 1992-kii, kaddib markii qaybo ka mid ah lagu duubay magaalooyinka Kabul iyo Mazar-e-Sharif.
Sheekadan waxaa wariye ka tirsan BBC-da la wadaagay danjire hore.

Xigashada Sawirka, TWITTER @ NFAIOFFICIAL
Filimka Hindiga ah ee "ugu caansan" dalka Afghanistan
Sida ay dad badan aaminsan yihiin, filimka 'Khuda Gawah' oo soo baxay 30 sano ka hor waa midka ugu caansan filimada Hindiga ah ee laga daawaday Afghanistan, waxa uuna leeyahay qiso aad u xiiso badan.
Filim sameeyaha lagu magacaabo Manoj Desai ayaa u sheegay BBC-da in xilligaas uu dagaal sokeeye ka socday Afghanistan.
Si loo ilaaliyo amniga jilayaasha iyo shaqaalaha duubaya filimka, kolonyo shan taangi ah ayaa laga hor mariyay shan taangi oo kalena dhinaca dambe ayay ka socdeen.
Balse maadaama uu Amitabh Bachchan si wayn caan uga ahaa Afghanistan lama dareemin howsha intaas la eg ee amniga lagu sugayay, dadkuna way kusoo xoomeen goobta.
"Intii ay duubistu socotay ayuu mar farriin noo soo diray hoggaamiyihii mucaaradka ee xilligaas, Burhanuddin Rabbani, isagoo sheegay inuu taageero wayn u yahay Amitabh Bachchan, inta filimka la samaynayana aysan kooxaha dagaallamayay wax khatar ah ku ahaan doonin. Waxay sidoo kale u imaadeen si ay ubaxyo u siiyaan," ayuu yidhi filim sameeyaha wareysiga siiyay BBC-da.
Markii si kale loo dhigo hadalka, dalkaas ay dagaallada sokeeye halakeeyeen gudihiisa, sida muuqatay waxay dhammaan dhinacyada dowladda, mujaahidiinta iyo kooxaha kaleba u midoobeen hal atoore oo hindi ah dartiis.

Xigashada Sawirka, TWITTER / FAISAL_FAIZI8
Xilligaas wuxuu ahaa mar ay xitaa saaxiibbo dhow ahaayeen Amitabh Bachchan iyo Ra'iisul Wasaarihii dalka Hindiya, Rajiv Gandhi.
Manoj Desai ayaa sheegay in Rajiv Gandhi dartiis ay dowladdii Najibullah si taxaddar leh u ilaalisay jilayaashii filimka iyo shaqaalihii la socdayba.
Rajiv Gandhi waxaa la dilay sanadkii 1991-kii, filimkana waxaa la sii daayay 1992-kii.
Qoraaga lagu magacaabo Rasheed Qadwai ayaa buuggiisa filimada Bollywood-ka ku qoray in xaflad aad u wayn filimka Khuda Gawah loogu sameeyay magaalada Delhi, si loogu daah furo. Amitabh Bachchan ayaa xafladdaas dhexdeeda ku ooyay isagoo xasuusanaya saaxiibkiis Rajiv Gandhi.
Rajiv Gandhi ayaa si shakhsi ah uga codsaday Madaxweynihii Afghanistan in uu sugo amniga jilayaasha filimkaas, si loogu guulaysto in nabad ay kusoo laabtaan howl wadeennada.

Xigashada Sawirka, KHUDA GAWAH
Qoyskii gurigooda uga guuray Amitabh Bachchan dartiis
Amitabh Bachchan oo dib u milicsanaya xasuustiisii Afghanistan ayaa qoray, "Madaxweyne Najibullah waxa uu ahaa taageere wayn oo jecel filimada Hindiga ah. Waxa ay rabeen inay ila kulmaan, waxaana naloo qaabilsay sida boqortooyo.
"Nalooma oggolaanin inaan hoteellada seexanno. Hal qoys ayaa gurigooda nooga guuray si aan u dagno, waxayna u guureen guri kale oo yar. Shaqaalaheennii filimka waxaa martiqaaday hoggaamiye dhaqameed.
"Waxaan Danny isla raacnay helicopter, iyadoo shan helicopter oo kale ay naga socdeen horay iyo gadaal. Muuqaalka buuraha aan dusha sare ka arkaynay waxa uu ahaa mid cajiib ah.
"Markii aan halkaas gaarnay, hoggaamiye beeleedkii ayaa hab nasiiyay, gudaha ayuuna noo kaxeeyay, maadaama uu dhaqanku ahaa in martida aysan cagahooda dhulka dhigin. Hadiyado badan ayaan ku helnay Kabul ... habeenkaas, Madaxweynaha Afghanistan abtigiis ayaa noo qaaday hees."












