Amitabh Bachchan: Muxuu 'Cali Dheere' filimadiisa ugu keydinayaan qol qabow?

Xigashada Sawirka, Film Heritage Foundation
Muddo tobanaan sano ah, Amitabh Bachchan waxa uu 60 ka mid ah filimadiisa ku keydiyey qol qaboojiye leh oo ku yaal bungalowgiisa galbeedka magaalada Mumbai.
Shan sano ka hor, xidigga Bollywood-ka ayaa daabacadaha ku wareejiyay keydka filimka heer kulka laga hago oo ay maamusho hay'ad aan faa'iido doon ahayn oo ka dhisan magaalada, taasoo bilowwday soo celinta iyo keydinta filimada Hindida.
Waxaa hogaaminaya Shivendra Singh Dungarpur, oo ah filim sameeye abaalmarin ku guuleystay iyo kaydiyayaal ayaa safka hore uga jiray dadaaladaas.
Waxay "dhistay sumcad caalami ah oo heer sare ah", sida uu sheegay agaasime Christopher Nolan, Bachchan-na waa safiirkeeda caanka ah.
Muddo sanado ah wuxuu si hagar la'aan ah ugu doodayay si firfircoonna uga caawinayay isku dayga inuu ilaaliyo dhaxalka filimka sida dhaqsaha badan u baaba'ya ee Hindiya.
Jimcihii Jilaagan oo 78 jir ah ayaa la siiyay abaalmarinta sannadkan ee International Federation of Filim Archives. Nolan iyo filim sameeye kale Martin Scorsese ayaa bixiyay abaalmarinta.
Bachchan, Dungarpur wuxuu leeyahay, "had iyo jeer si qoto dheer ayaa loo maal galiyay" fikrada ah in la ilaaliyo lana xafido shineemooyinka. Intii ay wada sheekaysanayeen, xiddigu mar ayuu ka murugooday xaqiiqda ah inuusan daawan karin qaar ka mid ah filimadii hore ee aflaamta Dilip Kumar maxaa yeelay "si fudud ayaa loo lumayay"

Xigashada Sawirka, Film Heritage Foundation
Hindiya waxay leedahay 10 shirkadood oo waaweyn ee filimada - oo ay ka mid tahay Bollywood, oo ah tan adduunka ugu weyn - waxayna soo saaraan ku dhowaad 2,000 oo filim sanadkiiba oo ku soo baxa illaa 36 luqadood.
Laakiin waxay leedahay kaliya labo goobood oo lagu keydiyo filimada - mid dawladdu maamusho oo ku yaal galbeedka magaalada Pune iyo mid aan faa'iido-doon ahayn oo ay maamusho Dungarpur.
Layaab malahan in inbadan oo kamid ah dhaxalka aflaanta indha sarcaadka ah ee Hindiya ay lumeen ama waxyeelloobeen sababtoo lagama taxadarin bad-qabkooda.
Hadal heynta ugu horeysa India ee filimkii Alam Ara ee la sameeyay (1931) iyo filimkeedii ugu horeeyay ee midab maxali ah lagu sameeyo ee Kisan Kanya ee (1937) lama heli karo hadda.
Muuqaaladii asalka ahaa ee documentary-ga ahaa ee halyeeyada xoriyada Lakhshmi Sahgal ee ay sameeyeen Sai Paranjpye (1977) iyo Shyam Benegal Bharat Ek Khoj (1988) iyagana lama hayol.

Xigashada Sawirka, Film Heritage Foundation
Sannadkii 2003, in ka badan 600 oo filim ayaa lagu soo warramey in ay waxyeello ka soo gaadhay dab ka kacay kaydka dawladdu maamusho - kuwaas oo ay ka mid ahaayeen daabacaadyo asal ah oo ka mid ah filimadii ugu dambeeyay ee jiray 1913-kii, Raja Harishchandra. "Waa inaad ixtiraamtaa wixii aad soo martay. Si aad u ixtiraamto waagii hore waxaad u baahan tahay inaad ilaaliso oo aad soo celiso filimadaadii," ayuu yidhi agaasime Gautam Ghosh.

Xigashada Sawirka, Film Heritage Foundation
Lixdii sano ee la soo dhaafay, Dungarpur iyo macalimiin ka kooban khubaro ka socota kaydka filimka hogaaminaya iyo matxafyada adduunka oo dhan waxay ku qabteen aqoon isweydaarsiyo Hindiya oo dhan waxayna ku tababareen in ka badan 300 oo qof oo shaqeysa soo celinta iyo ilaalinta filimka.
Xarunta waxay soo aruurisay oo ilaalisay in kabadan 500 oo filim oo ay jileen filim sameeyayaasha ugu sareeya Hindida.
Bachchan wuxuu had iyo jeer kahadlaa baahida loo qabo in uu masuul ka noqdo dhaxalka filimada burbursan ee India.
Laba sano ka hor, xaflad caalami ah oo lagu qabtay Kolkta, wuxuu ka yiri: "Jiilkeennu wuxuu aqoonsan yahay waxtarka weyn ee ay leeyihiin halyeeyada shineemooyinka Hindida, laakiin nasiib darro filimadooda badankood waa ay gubteen qaarna waxaa lagu tuuray qashinka".
"Waxyaabo aad u yar oo ka mid ah dhaxalka filimkeena ayaa badbaadaya hadaanan qaadin tillaabooyin deg deg ah si aan u badbaadinno waxa hadhay.











