Faa'iidooyinka aadan ogeyn ee laga helo khalka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Daraasado la sameeyay ayaa muujinaya in khalka laga sameeyay tufaaxa uu gacan ka geysan karo dhimidda miisaanka, yareynta kaloriga, iyo xitaa inuu yareeyo baruurta dhexda, sidoo kalena uu hoos u dhigo heerka sokorta dhiigga. Heerarka dhiigga iyo insuliinta ayaa sare u kaca marka la cuno waxyaabo ay ku badan tahay karbohaydarayt.
Waa maxay khalka tufaaxa?
Khalka tufaaxa ayaa laga sameeyaa qamiirinta sokorta ku jirta tufaaxa, iyadoo isku beddesha aashito, waana maaddada ku jirta khalka. Dukaamada, waxaa laga yaabaa inaad ku aragto khalka tufaaxa oo lagu sheegay “mid la miiray” (dareere nadiif ah) amaba mid aan la miirin.
Kan aan la miirin waxaa ku jira borotiinno faa'iido leh, dheecaannada enzymes iyo bakteeriya, taasoo qalkan siisa muuqaalka caadka leh. Miro kale ayaa sidoo kale laga sameyn karaa qalka – balse aasaaska khalku mar walba waa tufaax lagu daray miro kale, sida canabka.
Faa'iidooyinka caafimaad ee khalka tufaaxa waxaa ka mid noqon kara:
- Yareynta glucose-ka iyo heerarka insulin-ta kaddib markaad cunto cunnooyinka karbohaydaraytka
- Wuxuu sare u qaadi karaa dareenka dheregsanaanta wuxuuna gacan ka geysan karaa qaadashada kaloriga
- Wuxuu yareyn karaa miisaanka iyo baruurta jirka
- Daraasado ayaa sheegaya inuu yareyn karo kalostaroolka iyo dhiig-karka
- Si la mid ah noocyada kale ee qalka, waxaa ku jira maaddooyin ka hortaga bakteeriyada.
Nafaqada ku jirta khalka tufaaxa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hal qaaddo (15 ml) oo khalka ah waxaa ku jira:
- 3Kcal / 13KJ
- 0.1 g oo karbohaydarayt ah
- 11mg oo potassium ah
- 1mg Calcium ah
- 1mg oo magnesium ah
Khalka tufaaxa kuma jiraan runtii fitamiinno amaba macdan, marka laga reebo xaddi aad u yar oo ah potassium, calcium, iyo magnesium.
Ma jiro baaritaan badan oo weli muujinaya in iibsashada nooca aan la miirin uu ka fiicna yahay kan la miiray.
Si kastaba, khalka tufaaxa ayaa laga yaabaa inay ku jiraan maaddooyinka amino acids iyo kuwa jirka ka ilaaliya sunta.
Waa maxay faa'iidoyinka shanta ah ee laga helo khalka tufaaxa?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ilaa iyo haatan ma jirto caddeyn muujineysa waxtarka haddii uu qofku maalin walba isticmaalo khalka. Si kastaba, waxaa jira daraasado xiiso leh oo qiimeynaya saameynta khalka marka cuntada lagu darsado.
Si kastaba, waa in la ogaadaa in qaar ka mid ah natiijooyinkan ay keliya ku saleysan yihiin daraasado lagu sameeyay xayawaanka.
1. Wuxuu xakameyn karaa sokorta dhiigga
Ilaa iyo haata, caddeynta ah in isticmaalka kahlka tufaaxa uu gacan ka geysto xakameynta sokorta dhiigga waa tan ugu mudan marka la eego faa'iidooyinka kale.
Tiro daraasado ah ayaa sheegaya in marka khalka lagu daro cunnada karbohaydaraytka uu hagaajin karo heerarka glucose-ka iyo insulin-ta.
Daraasad kale ayaa muujineysa in qaadashada labo macalgad oo khal ah marka aad seexaneyso ay yareyn karto heerarka glucose-ka marka aad soo kacdo.
Waa in la ogaadaa, si kastaba, in tani ay quseyso dadka caafimaadka qaba amaba kuwa sokortooda aad u xakameeya.
Waxaa intaa dheer, haddii ay daawo kuu socoto aad ku xakameyneyso sokortaada, waa inaad la tashataa dhaqtarkaaga kahor inta aadan isticmaalin khalka tufaaxa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
2. Wuxuu gacan ka geysan karaa miisaan-dhimista
Daraasado qara ayaa sheegaya in saameyn wanaagsan uu khalku u leeyahay dadka doonaya inay is caateeyaan maaddaama uu qofku dheregsanaanayo.
Marka la isku daro arrintan, dheellitirka sokorta dhiigga iyo yareynta heerarka insulin-ta, waxaa laga yaabaa inuu kaa caawiyo miisaan-dhimista.
Tusaale ahaan, daraasad lagu eegayay saameynta khalka oo lagu darsado rootiga cad ayaa lagu ogaaday in dadkii ka qeyb qaatay daraasadda ay ka yaraatay sokorta dhiigga iyo insulin-ta.
Daraasad kale oo ku saabsaneyd qaadashada labo macalgad oo khal ah inay gacan ka geysato dhimista miisaanka.
3. Waxay yareyn kartaa baruurta caloosha
Daraasad lagu sameeyay xayawaanka, aashitada ku jirta khalka ayaa la ogaaday inay yareyso baruurta jirka. Isla tijaabadan ayaa muddo 12 toddobaad ah lagu sameeyay rag buurbuuran.
Raggan ayaa cunay cunno ay ku badan tahay aashitada khalka waxaana lagu arkay inay ka yaraatay baruurta jirka.
4. Waxay dheellitiri kartaa kolostaroolka
Daraaso lagu sameeyay xayawaanka ayaa muujineysa in khalka tufaaxa uu wax ka tari karo hagaajinta dhiigga, ilaa iyo haatanse tan laguma tijaabin bani'aadamka.
5. Wuxuu yareyn karaa bakteeriyada
Waxaa muddaba loo isticmaali jiray in lagu nadiifiyo guriga iyo in lagu ilaaliyo inaysna cuntadu qurmin, khalka ayaa waxaa ku jirta maaddo bakteeiryada ka hortagta.













