Suldaankii Muslimka ahaa ee maalin walba cuni jiray sunta iyo halkuu ku dambeeyay

Mahmud Shah

Xigashada Sawirka, Open Source Image

Qarnigii 15-aad, ayaa waxay ku beegneyd aasaaskii boqortooyadii Muzaffari ee Gujarat, dalka Hindiya, mid ka mid ah boqorradeeda ayaa xukumayay boqortooyadan 53 sano. Waa Suldaankii siddeedaad ee boqortooyadii Muzaffari - Mahmud Shah, oo lagu naanaysi jiray Begda.

Hal shay ayaa maskaxda ku soo dhacaya, marka magaca Maxmuud Begda la sheego; taasoo ah sun. Taariikhdu waxay xustay in Maxamuud uu isticmaali jiray xaddi sun ah maalin kasta. Boqortooyadii Muzaffari, ayaa waxaa la aasaasay 1407-dii, waxaana aasaasay Sultan Zafar Khan Muzaffar, oo awoowe u ahaa Sultan Mahmud Begda.

Maxmuud Begda, ayaa waxa uu taajka boqortooyada la wareegay sanadka markuu ahaa 1458, waxa uuna xukunka hayay illaa iyo sanadkii 1511. Sanadkii 1572-dii Mughal-ka, ayaa waxay afgambiyeen saldanada boqortooyadan, waxayna taliskooda ka dhiseen Ahmedabad.

Sida laga soo xigtay qoraaga Sadupta Mishra, Boqortooyada Muzaffari ee Gujarat, ayaa waxay noqotay mid baahsan intii lagu guda jiray xukunka Maxmuud. Soohdimaha Saldanada, ayaa waxay gaartay Malwa dhankeeda bari, illaa iyo gacanka Kutch ee galbeedka.

Maxmuud maalin walba sun buu cuni jiray

Xaruntii boqortooyadii Mahmud Shah

Xigashada Sawirka, getty images

Fateh Khan, ayaa wuxuu ahaa magaca asalka ah ee Mahmud I. Wuxuu ahaa ina Mahmud II iyo Mughal Bibi. Mughali Bibi, ayaa waxay ahayd ina Sami, oo ahaa taliyihii Sindh. Maxamuud marar badan, ayaa la sumeeyay yaraantiisii.

Ludovico de Wertheima oo u dhashay dalka Talyaaniga ayaa qoray warkan, “Waxaan weydiiyey mid kamid ah gacanyarayaashayda, sida Suldaanku sun u cuni karo. Jawaabta ganacsatada qaar, ayaa ahayd in aabbahood uu bilaabay inuu siiyo qiyaas yar oo sun ah illaa carruurnimadoodii”.

Qoraaga Bortuqiis ah Duarte Barbosa wuxuu isna leeyahay, "waxyar bay suntan ka cuni jireen dadkan ka midka ah boqortooyada." Sababta ay sidaas u yeelayaan ayaa ahayd – in haddii cadowgu isku dayo inuu laayo iyaga, iyadoo la sumeynayo, markaa suntu waxba ma yeeli doonto."

Sida uu qabo taariikhyahan Manu Pillay, "Mahmud wuxuu u baahday in loo ilaaliyo sida ilmo." Maxmuud Begda waxa uu ahaa boqor, isagoo 13 jir ah.

Aafooyin yaab leh

Xaruntii maamulkii Sindh

Xigashada Sawirka, Maamulkii Sindh

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Suldaanku waxa uu isku dayay inuu barto luuqada Bortuqiiska, balse kuma guulaysan. Ma uusan lahayn taariikhda waxbarasho rasmi ah, laakiin intii uu hoggaaminayay boqortooyada suugaan badan oo Carabi ah, ayaa loogu turjumay afka Faaris.

Nin talyaani ah oo musaafir ah oo wax ka qoraya Maxamuud, ayaa waxa uu yiri “Subax walba markii uu Suldaan Maxamuud kasoo baxo qasriga boqortooyada (calashaan banaanka qasriga) waxa soo dhawayn jiray kontomeeyo maroodi ah, marka cuntada la cunayo waxa la tumayaa konton illaa iyo lixdan nooc oo qalab muusig ah, iyadoo shaarbaha kuwa garaacaya qalabka music-ga ay u xirnaayeen sida timaha dumarka u xirtaan, garkiisuna aad buu u dheeraa.

Sida laga soo xigtay Vartema, "Maxamuud wuxuu isticmaali jiray sun maalin kasta, taasoo ah xadi kooban, sidaas darteed jirkiisa, ayaa aad ula qabsaday suntaasi."

Waxaa jirtay sheeko ah in haddii Maxmuud haddii uu doonayo inuu qof dilo, waa loo keeni jiray, kadibna Maxamuud laftiisa, ayaa miro sumeysan cuni jiray, ka dibna mirahaasoo kale, ayaa lasiin jiray qofkaas. Nus saac gudahood, ayuu ku dhiman jiray qofka la siiyo miraha sumeysan.

Sida laga soo xigtay jariiradda socdaalka ee Talyaanigu, Suldaan Maxamuud waxa uu qabay inta u dhaxaysa saddex ilaa afar kun oo haween ah. Haweeneyda uu habeenkii la seexdo, ayaa subaxdii dhiman jirtay. Waxaa la sheegay in taasi ay dhacday, maadaama jirka Maxmuud uu ahaa mid ay ka iman karto halis, maadaama uu inta badan cuni jiray waxyaabo sun leh.

Sidoo kale, waxa la yiri Suldaan Maxmuud ayaa faraanti lahaa. Markii uu damco inuu u galmoodo naagtii uu doortay, ayaa faraantigan afka loo galin jiray, si aanay sunta suldaanku u saamayn.

Dharkii uu Maxmuud xiran jiray lama isticmaali jirin. Dhar cusub, ayaa loo diyaarin jiray maalin kasta. Dharka uu xirtana, waa la gubi jiray maalinta dambe.

Sida Barbossa u qoray, "jirka Maxmuud wuxuu ahaa mid si weyn looga argagaxo, xitaa haddii cayayaanka kutaanka/dhilqaha qaniino Suldaanka, cayayaanka ayaa sidoo kale dhiman jiray."

Laakiin taariikhyahannada maxalliga ah, ayaa arrintan fikrad ka duwan qaba. Waxa la buunbuuniyay sheekadii ku saabsanayd sunta Suldaanka. Haweenkii boqorada ahaa, ama haweenkii uu la tuman jiray, midkoodna uma dhiman sun ka timid jirka boqor Maxmuud.

Markaa waxa runta ah iyo waxa beenta ah ee ku saabsan sunta iyo xaasaskiisa, lama xaqiijin karo.

Nooca cunto ee Maxmuud

Xarunta boqortooyada

Xigashada Sawirka, getty images

Sida laga soo xigtay Campbell, Mahmud Shah, ayaa wuxuu lahaa saddex carruur ah - Muhammad Kala, Apa Khan iyo Ahmad Khan. Saddexdan wiil, ayaa waxaa u dhashay Rani Rupmati.

Wiilkii ugu horeeyay ee Kala, ayaa ku dhintay shil. Wiilka labaad oo lagu magacaabo Apa Khan, ayaa la helay isagoo sii galaya guriga Suldaanka, waana la sumeeyay, oo waa uu dhintay. Wiilkii saddexaad ee Axmad Khan, ayaa beddelay aabbihiis.

Cuntadii iyo cabbitaannada Suldaan Maxamuud, ayaa iyaguna caan ahaa. Waxa la yiri - malab, subag iyo 150 xabo oo muus ah buu mar kaliya cunay.

Sida laga soo xigtay Barbosa iyo Vartema, Sultan Mahmud cunto maalmeedkiisu wuxuu ahaa 35 ilaa 37 kilogaraam. Suldaanku haddaanu calooshiisa dhergin, wuxuu cuni jiray nacnac shan kiilo ah, oo bariis laga sameeyey.

Satish Chandra waxa uu yiri, “Mahmud waxa uu cuni jiray cunto badan maalintii, waxa uu sariirta agtiisa u ooli jiray sambuus, si uu uga dhergo, oo uu gaajada uga gaashaanto illaa iyo habeenka danbe. Mahmud Shah Begda, ayaa wuxuu ahaa ruux aad u xoog badan.