Maxay culimadu ka tiri in Taalibaan ay gabdhaha muxram la'aanta ah ka celiso garoomada diyaaradaha?

Xigashada Sawirka, Getty Images
“Aroortii ayaan Ilaahay barinnay qoysaskeenana waan ka duceysannay, waxaana tagnay garoonka diyaaradaha, aad ayaan u faraxnay, markii aan gudbinnay boorsooyinkeenna safarka, markaa kadib ayaa waxaa na soo hor istaagay saraakiil ka tirsan Taalibaan, iyagoo leh ma bannaana inaad safartaan, waliba dalka dibaddiisa u baxdaan”.
Waa erayadii gabadh u dhalatay dalka Afgaanistaan oo waxbarasho dibadda ah u baxaysay.
Nataki waxay ka qalin jabisay dugsiga sare waxa ayna isku diyaarineysay imtixaanka gelitaanka jaamacadaha xilligii Afghanistan ay la wareegtay Taalibaan.
Waxay ka niyad jabtay markii xukuumadda Taalibaan ay kumannaan gabdhood ka mamnuucday waxbarashada sare. Taasi waa sababta ay isugu dayday waxbarasho dibadda ah. Toban bilood oo dadaal ah kadib, waxa ay heshay deeq waxbarasho oo dibadda ah, waana ay ku guuleysatay in la aqbalo.
Jaamacadda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday in 100 gabdhood oo Afgaanistaan ah ay u fidiyeen deeqo waxbarasho oo qaybo kala duwan ah. Natkee ayaa Arbacadii ka dhoofi lahayd garoonka diyaaradaha ee Kabul iyada iyo ilaa 60 gabdhood oo kale, balse looma oggolaanin in ay raacdo diyaaradda.
Rajada kaliya ee ay lahayd
Nataki ayaa tiri, "Markii ay Taliban xireen jaamacadaha, rajada kaliya ee aan qabay waxay ahayd deeqdan waxbarasho, waxay ahayd waxbarasho aan ku guuleysan karo riyadeyda sare, aniga iyo qoyskayga dhammaan waan ku faraxsaneyn."
Laakiin farxadda Nataki iyo qoyskeeda waxay kusoo idlaatay garoonka diyaaradaha ee Kabul. Nataki waxa ay sheegtay in saraakiisha Taalibaan ee halkaas ku sugan ay u sheegeen in aysan u safri karin meel ka baxsan Afgaanistaan "muxram la'aan".
Laakiin waxa ay intaa ku dartay in ay ahayd marmarsiinyo, "Markii ay Taalibaan arkeen tigidka iyo fiisaha ardaynimada, waxay yiraahdeen gabdhaha looma oggola inay Afgaanistaan uga baxaan fiisaha ardayda. Saddex gabdhood, oo sidoo kale oo ay la socdeen Muxramiin ayaa iyaguna la celiyay.
Suuragalnimada walaalka ama muxramka

Xigashada Sawirka, Getty Images
In kasta oo xayiraaddan ay ku dhawaaqday xukuumadda Taliban sannadkii hore, hadana haweenku ma safri karaan Muxram la'aan.
Ilaa 100 gabdhood oo reer Afgaanistaan ah ayaa ku guuleystay deeqdan waxbarasho, qaarkood waxay ku sugnaayeen dalal kale oo ka baxsan Afgaanistaan, waxayna gaareen Imaaraadka Carabta.
Balse guud ahaan 60 gabdhood oo ka duulayay Kabul ayaa la joojiyay.
Nin ay walaalo yihiin koox kamida gabdhaha ayaa BBC-da u sheegay in aysan waxba ka qaban Karin xayiraadda gabdhaha.
Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah gabdhahaasi ay ku adkaatay in ay helaan lacag ay ku wadan karaan muxram, kadibna ay u helaan dalkugalka, waxaase taas kasii adag in gabi ahaanba aysan jirin wax fasax ah oo haweenka ay u aadi karaan waxbarasho dibadda ah.
Ka warqab la'aanta dowladda Taalibaan iyo dhaleeceynta Sheekh Carbeed

Xigashada Sawirka, KHALAF AHMAD AL HABTOOR
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan ayaa muujisay jaahilnimo inaysan waxba kalasocon dhacdadan.
BBC-da ayaa wax ka weydiisay wasaaradda sharciga iyo nidaamka xukuumadda Taliban, laakiin afhayeenkooda, Mohammad Sadiq Akif Muhajir, ayaa sheegay in uusan ka warqabin arrintan.
Kadib, waxaan arrintan wax ka weydiinnay Zabihullah Mujahid, oo ah madaxa afhayeenka xukuumadda Taliban, laakiin wuxuu sidoo kale yiri "Safar ayaan ku jiraa, mana hayo wax xog ah."
Jaamacadda Dubai ayaa soo bandhigtay fariinta muuqaalka ah ee Sheikh Khalaf Ahmad Al Habtoor, oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ama X, taasoo uu ku dhaleeceeyay maamulka Taalibaan oo ay ku eedeeyeen inay gabdhaha ka mamnuuceen inay wax bartaan, isla markaana ka xayuubiyeen “xuquuqda Islaamka”.
Fariintan muuqaalka ah waxaa sidoo kale ku jirta erayo ay tiri gabadh u dhalatay dalka Afgaanistaan oo ka soo jeedda magaalada Kabul oo leh “Hadda garoonka diyaaradaha ayaan joognaa, balse nasiib darro dowladu nooma aysan oggolayn in aan u safarno Dubia, fadlan na caawi, aad baan uga walaacsannahay dhacdadan.
Falcelinta baraha bulshada
Dhacdadan ayaa waxaa cambaareeyay hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo haweenka iyo hay’ado kala duwan oo ay ku jiraan kuwa Afgaanistaan, waxayna soo saareen hadallo kala duwan oo ka dhan ah xayiraadda gabdhaha ee waxbarashada.













