Gabdhaha yaryar ee ka shaqeeya guryaha iyo sida loo ciqaabo

Gabadhan oo14 jir ah ayaa loo qaaday cusbitaalka

Xigashada Sawirka, DEEPIKA NARAYAN BHARADWAJ

Toddobaadkii la soo dhaafay booliiska iyo saraakiil kale ayaa soo badbaadiyay gabar 14 sano jir ah oo ka shaqeyneysay guri ku yaalla duleedka magaalada Delhi, ee dalka Hindiya, taasi oo loogu gaystay dhaawac iyo jirdil xooggan gurigii ay ka shaqeyneysay.

Khubarrada ayaa sheegaya in shaqaalaha gabadhan oo kale ah ay dhibaato qabaan maaddama aanu jirin sharci iyaga ilaalinya.

Gabadha oo dhaawac ah oo isbitaalka la geeyay ayaa booliiska u sheegtay in dadka guriga ay ka shaqeyneysay ay jirdil u gaysanayeen muddo shan bilood ah.

Wariye iyo filim sameeye Deepika Narayan Bharadwaj oo gabadhan la kulantay ayaa booliiska ku war galisay in ay ku jirto xaalad murugo leh.

Waxa ay sheegtay in saaxiibteed oo aragtay gabadha oo u soo baxday inay khashinka ka daadiso gurigii ay ka shaqaynaysay hortiisa, halkaasna ay ku ogaatay xaaladda ay ku sugan tahay, isla markaana ay uga warbixisay.

Gabadha yar ayaa sheegtay in xitaa guriga lagu siin jiray nooc ka mid ah khamriga .

"Waxay ii sheegtay in mar walba la garaaci jiray, xitaa hal ama laba jeer ma aha, laakiin mar walba waa la garaaci jiray haddii aysan dhammayn shaqada loo diray," ayay tiri.

Qoyska lagu eedeyay in gabadha ay dhibaateeyeen

Xigashada Sawirka, DEEPIKA NARAYAN BHARADWAJ

Qoraalka sawirka, Qoyska lagu eedeyay in gabadha ay dhibaateeyeen

Booliiska ayaa xiray milkiilaha guriga ay gabdha yari ka shaqeyneysay kaasi oo lagu magacaabo Manish Khattar iyo xaaskiisa Kamaljeet Kaur, waxaana lagu soo oogay dhowr dacwadood oo ay ku jirto in gurigooda gabadha yar loogu gaystay faraxumeyn.

Booliiska ayaa sheegay in marka la eego nabarrada ku yaalla gabadha jirkeeda loo adeegsaday waxyaabo af badan sida mindi iyo feerada dharka/kaawad.

Waxay intaa booliiska ku dareen oo warbaahinta u sheegeen in dadka iska leh guriga ay gabadhu ka shaqeyneysay looga shakisan yahay in ay dhibaatadan ka dambeyeen oo gabadha ay dili jireen mar walba oo ay ka gaabiso shaqada loo diro.

Sawirrada ay BBC-du heshay oo ah gabadhan quruxda badan, ayaa dadka ka careysiin kara, waana sababta aanna sheekada ugu soo darin.

Booliiska ayaa warka ay ka soo saareen xaaladda gabadhan ku sheegay in waalidkeed ay ka dhigi jireen dharka marka ay qabaneyso howlaha guriga, kadibna ay seexato iyadoo aan wax dhar ah jirkeeda saran sababo la xiriira dhaawac.

BBC-da ayaa isku dayday in la hadasho qareennada difaacaya qoyska lagu eedeyay in gurigooda lagu jirdilay gabadha yar balse wax jawaab ah ma aysan bixin.

Jirdil badan ayaa ka muuqda jirka gabadha

Xigashada Sawirka, DEEPIKA NARAYAN BHARADWAJ

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tan iyo markii uu soo shaac baxay warka sheegaya in lammaanahan ay jirdil u geysteen gabadha, shirkadihii ay u shaqeynayeen ayaa shaqada ka ceyriyay.

Nishi Kant oo ah madaxa hay’ad aan dowli ahayn oo la dagaallanta tacaddiyada iyo tahriibinta dadka ayaa kooxda gacanta ku haysa gabadhan hadda u sheegay in gabadha lagu qasbi jiray wax badan oo aaney awoodin.

Waxay sheegtay in hadda ay ku hawlan yihiin sidii ay u heli lahaayeen faah-faahin ku saabsan halka u uku bixi jiray mushaarka gabadha maaddaama iyada aan la siin jirin.

Warka gabadhan ayaa sababay qeylo-dhaan ka timid dad badan oo ku nool dalka Hindiya oo lagu faafiyey warbaahinta.

Si kastaba ha ahaatee, dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in tani ay tahay wax ka dhacaya waddan ay ku nool yihiin malaayiin faqiir ah oo wiilal iyo gabdho ah oo ka shaqeeya guryaha dadka maalqabeenka ah iyo kuwa dhexe.

Sannadkii 2013-kii, booliiska magaalada Delhi ayaa xiray haweeney 50-jir ah, kaddib markii ay si xun u jirdishay gabar 15-jir ahayd oo gurigeeda ka shaqeynaysay.

Dhaawacyo badan ayaa laga arkay madaxa gabadha iyo qaniinyo jirkeeda loo gaystay.