Wax ka ogoow filmka cusub ee ay joojiyeen qaar kamid ah wadamada islaamka

Xigashada Sawirka, REUTERS
Filimka Barbie ayaa laga mamnuucay Kuwait, waxaana uu wajahayaa baaqyo ah in Lubnaan laga mamnuuco xilli lagu doodayo in uu dhaleeceynayo qiyamkii bulsheed ee dalalka Carabta.
Kuwait ayaa sheegtay in sabab u joojinaysaa tahay in ay ilaaliso "anshaxa bulshada", sida lagu baahiyey wakaaladda wararka ee dawladda. Wasiirka dhaqanka ee Lubnaan ayaa isna ku eedeeyay filimkaas "in uu kor u qaadayo dhaqanka ah in dad isku jinsi isu galmoodaan".
Hase ahaatee, filimkan durba sida weyn u iibsamay ee adduunka oo dhan laga hadal hayo ayaa laga baahiyey qaar ka mid ah waddammadii ugu ad adkaa qaarkood sida Sucuudiga oo kale.
Filimkan ayaa soo xareeyay in ka badan $1bn adduunka oo dhan toddobaadyo gudahood markii la sii baahiyey.
Lafi al-Subaii, oo ah madaxa guddiga kala soocidda filimada Kuwait, ayaa sheegay in inta badan guddiga ay ka shaqeeyeen in filimka laga jaro ama laga rebebo muuqaal ahaanq qeybaha ka hor imaanayaan dhaqanka dalkiisa.
Laakiin marka ay u arkaan in filimkan uu guud ahaan ba buunbuuniayo dhaqan dalkan looga arko wax aan la aqbali Karin, gebi ahaanba way joojiyaan filimkaas.
Filimku "waxa uu faafinayaa fikradaha iyo caqiidooyinka ka fog bulshada Kuwait iyo nidaamka guud", ayuu sheegay afhayeen u hadlay Wasaaradda Warfaafinta Kuwait.
Arbacadii, Wasiirka Dhaqanka ee Lubnaan Mohammad Mortada ayaa ka codsaday wasaaradda arrimaha gudaha inay "qaado dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo mamnuuco" Barbie.
Waxa uu sheegay in filimku "uu kor u qaadayo LGBTQ-ga iyo isku beddelka jinsiga, waxaana uu sida oo kale taageerayaa in la diido mas'uuliyadda aabbaha, wuxuu wiiqayaa oo lagu jeesjeesayaa doorka hooyada, waxaana uu su'aal ka keenayaa lama huraannimada guurka iyo qoyska".
Ka dib baaqa Mr Mortada, wasiirka arrimaha gudaha ee Lubnaan iyo xaakimka gobolka Bassam Mawlawi ayaa ka codsaday guddiga faafreebka ee dalkaas inay dib u eegaan filimkaas.

Xigashada Sawirka, Barbie
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasiirkan ayaa waxaa taageersan dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta Shiicada ah ee Xisbullah. Bishii la soo dhaafay hogaamiyaha ayaa sheegay in dhaqanka dadku isku jinsiga ee wax iska doonaa ay "khatar" ku tahay bulshada Lubnaan, waxaana uu ugu baaqay mas'uuliyiinta dalkaasi inay mamnuucaan dhacdooyinka loo arko inay kor u qaadayaan dhaqankaas.
Tallaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay dalkaasi ka jirto “mowjado nacayb ah” sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Ayman Mhanna, oo ah agaasimaha fulinta ee Samir Kassir Foundation, oo ah hay’ad xuquuqda u dooda oo ka dhisan Lubnaan.
"Tani waa qayb ka mid ah olole ballaadhan oo isu keenaya Hezbollah, Masiixiyiinta midigta fog, iyo hoggaamiyeyaasha kale ee diinta ee ugu sarreeya kolka ay tahay ololaha diiradda lagu saarayo dadka LGBT," ayay tidhi Ms Mhanna.
Filimkan ayaa keliya walaaca bulsheed kala kulmin dalalka carabta oo keliya, waxaa se sida oo kale meelo kale oo adduunka ah uu lagu faafreebay sida Vietnam, kaddib markii filimkaa lagu dhex arkay khariirad muujinaysa sheegashada dhulalka Shiinaha ee Koonfurta Shiinaha.
Jilaayadda caanka ah ee lagu magacaabo Margot Robbie oo ah qofka metalaysa magaca Barbie iyo Ryan Gosling oo ku metelaya Ken ayaa horkacaya filimkan.
Waxaana si guud uu ku saabsan yahay oo ka sheekaynayaa, waayaha iman doona ee dabeecadda carruurta dabeecadda carruurta halkaas oo ay sahaminayaan aqoonsigooda ee dhinacyada nolosha oo dhan ah.












