Maxaad kala socotaa Sannadka cusub ee Soomalida?

Istunka waa caado dhaqameed lala xiriiriyo Sannadka Dabshidka

Xigashada Sawirka, wikipedia

Qoraalka sawirka, Istunka waa caado dhaqameed lala xiriiriyo Sannadka Dabshidka
    • Author, Abdijaliil Osman
    • Role, Wariye

Badanaa waxaanu maqalnaa bilashada sanadka cusub sida Calendarka islaamka iyo Kaalendarka laga isticmaalo waddamada reer galbeedka iyo meelo kale oo badan oo dunida ka mid ah ee la yidhaahdaa tirsiimada Gregory (Gregorian Calendar), balse ma ogtahay in uu jiro sanad gaar ah oo ay Soomaalidu tirsadaan?

Calendarka Soomalida oo ku beegan 1114 ayaa bilowday 17ka bishii Luulyo ee naga dhamaatay, waxaana xeeldheerayaasha dhaqanka bulshada ay rumeysan yihiin in la joogo xiligii si rasmi ah loo dhaqan gelin lahaa adeegsigiisa iyo looga shaqeeyo xarumaha dowlada.

Soomaalida waa dad dhaqan ahaan aan hidde u lahaan jirin inay wax qoraan. Taasi waxay had iyo jeer sababtaa inay lumaan taariikhda asal-raaca ah ee ay leeyihiin bulshooyinka noocan oo kale ah “oral society”.

Gaar ahaan soomaalida oo ay u dheer tahay reer guuraannimo waxaana fagaarayaasha sanad walba lagu soo bandhigaa doodo la xidhiidha dhaqanka iyo Afka Soomaliga, kuwaas oo u baahan in dib loo eego, isla markaana la keydiyo si loo gaadhsiiyo jiilalka cusub iyo kuwa soo socda.

Cilmi baadhayaal ka tirsan xarunta Akademiyadda dhaqanka fanka iyo suugaanta Soomalida ayaa sanadihii u danbeeyay ku howlanaa cilmi baadhis qoto-dheer oo ay ku mideynayeen sannad dhaqmeedka Soomaalida iyo tirsiga bilaha u gooniga ah afka Soomalida.

Xarunta Akademiyada Afka Soomaaliga o aanu wax ka weydiinay tirsiga sanadka Soomalida ayaa sheegtay in 17 Luulyo uu si rasmi ah u bilowday kaalendarka soomaalida oo haatan tirsigiisu maraayo 1114.

Dhulka Soomaalidu ku nooshahay badankiisa waxaa laga isticmaalaa labada tirsiimo ee Gregorian-ka iyo Islaamka. Halka had iyo jeer dowladuhu ka isticmaalaan habeentiriska Gregorianka, dadwaynuhu waxay gooraynta ku xusan diinta Islaamka (ramadaanka, bixinta sekada, xajka, ciidaha, iwm), iyo goobaha diinta (Masaajidka, Malcaamadaha qaarkood, iwm) u isticmaalaan habeentiriska islaamka, taas oo marar badan ku riddaa jaha wareer dadwaynaha, oo lagaba yaabo inaanay da'yartu aqooninba tirsiimada kaalendarka islaamka

Kal-tirsiga Soomaalida (Somali Calendar)

MUQDISHO

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxamuud Cabdi cusmaan oo ah cilmi baadhe ka tirsan Akademiyada dhaqanka, fanka iyo suugaanta oo aanu wax ka weydiinay tirsi sanadeedka Soomalida ayaa sheegay “in kal tirsigaan uu yahay mid guun ah isla markaana ay ka soo bilaabeen tirsigiisu, Geerida Boqorkii Kushaatika u danbeeyay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maxamuud Cabdi ayaa sheegay in magacyada loo yaqaanno bilaha ay ku kala duwan yihiin degmooyinka ay Soomaalidu degto, isla markaana ay ku dhalisay in ay qaataan tirsi guud oo mideyn kara Ummada Soomaaliyeed “Waxaan qaadanay, Bill Kow ilaa Bil Laba iyo Toban, intaas oo dhanna Soomali ayaa heshiis ku ah si aan uga fogaano in deegaan gaar ah meesha laga saaro” ayuu yidhi.

“Taarikhdaan waxaa aan tirsigeeda kasoo bilownay diiwan gelinta Boqorkii ugu danbeeyay ee Kuusheetiga ,taa oo ku beegneyd aaqirka dowladii Cabaasyiinta” ayuu hadalkiisa raaciyay Aqoonyahan Maxamed Cabdi.

Arrintanu waxay sal ku leedahay habdhaqameedka habeentiriska Soomaalida oo ku koobnaa bisha iyo maalmaha.

Waxaa kale oo ay qabaan aqoonyahanada dhaqanka in tirsigaanu ay Soomalidu la wadaagaan bulshooyinka kale ee gobalka sidan Sudan, Itoobiya iyo Masar.

Akademiyada Afka Soomaaliga ayaa sheegtay in ay keydisay taarikhdaan isla markaana looga fadhiya dowladda hirgelinta Kalenderka Soomalida “ Ma noqon doonto mid lagu ilaawo madxafyadda, 70-yadii ayaa la diiwaan geliyay tan aan haysano, sidii ayay noqon doontaa waxayna noqon doontaa wax xarumaha dowladda looga shaqeeyo oo fulin ayay u baahan tahay” ayuu yidhi Maxamuud Cabdi oo la hadlaayay BBC-da

Sida uu sheegay Maxamuud, gooraynta soomaalidu ayaa aheyd mid aan laheyn bar bilow, sidaa darteed aan loo helin tirsiimo sannadeed oo la’isku racsan yahay. Halka Soomalida miyigana ay tirsan jirtay xilli, “dhererka xilligaasi wuxuu ku xidhnaa dhacdo gaar ah. Waxaa inta badan lagu magaacaabi jirey xilli kasta dhacdooyinka yimaadda (xilli barwaaqo ah, mid abaareed, mid colaadeed, dayax madoobaad, iwm)”.

Cilmi baare Maxamuud Cabdi Cismaan

Xigashada Sawirka, Maxamuud

Qoraalka sawirka, Cilmi baare Maxamuud Cabdi Cismaan

Dabshidka ama Nayruuska

"Dabshidku waa bilowga sannadka habeentiriska Soomaalida. Aqoonyahan dhaqameedka bulsho reer guura ah u go’aamiya habeenka dabshidku wuxuu isticmaali jirey, isugaynta bilaha qun-dhalad iyo kuwa toomman oo isku noqda 354 cisho, markaas buu ku dari jirey 11 cisho dhammaadka bisha carrafo. Halkaas buu wuxuu si lama-ilduufaan ah ugu simi jirey bilowga sannad qorrexeedka (xilliga roobka).

Markaa, tusaale ahaan, bisha dabshidku soo galayaa wuxuu is beddelaa saddexdii sannadoodba mar. Marka kowaad wuxuu dhacaa bisha horraanteeda, sannadka ku xigana bisha badhtankeeda, sannadka saddexaadna dhammaadka bisha.

Sannadka afraad buu u gudbaa bishaa bisha ku xigata, kuna nagaadaa saddex sannadood” sida uu xusay Jama Musse Jama, oo ah cilmi-baadhe ahna Agaasimaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa.