Maxay yihiin hadallada laga hayo Ra'iisul wasaare Xamse ee sababay in uu soo gabyo

Xigashada Sawirka, OPM SOMALI
- Author, Abdijaliil Osman
- Role, Weriye
Ra'iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gabayga oo ku jiray khudbad uu madasha ka jeediyay ku yidhi:
“Urdufka iyo kuwaan howl-lahayn ha i haliigeene,
Habankiyo kuwii layska hadhay hay huruufeene,
Hawaasheen war-xuma wiilac iyo been-hawaaskuye,
Wuu hagaagi wanaaggaan hammiyey waa horeeto eh.”
Ma ahan markii ugu horreysay ee Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu fagaarayaasha kaga jawaabo falcelin ka dhalatay hadallo hore uu uga jeediyay fagaarayaasha kala duwan, balse waa markii ugu horreysay ee qaab suugaan ah uu ku cabbiro dareenkiisa ku aadan sida loo faaqiddo khudbadihiisa.

Xigashada Sawirka, OPM SOMALI
Hadallada kale ee hadal haynta dhaliyay ee uu jeediyay Ra'iisal wasaare Xamse Cabdi Barre waxaa ka mid ahaa:
MEYDKA BAXSADAY
Dhamaadkii bishii Luulyo, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo ka hadlayay Degmada Heliwaa , gobalka Banaadir ee caasimada Soomaliya ayaa waxaa halmar sidii dabka u faafay hadal kasoo baxay Ra'iisal Wasaaraha oo ku aadanaa sida uu uga walaacsan yahay shaqsiyaad ka baxsaday Waaxda Dembi-baarista (CID) ee Soomaliya kuwaas oo ku eedeysnaa danbiyo la xidhiidha dil ay gaysteen iyo kuwa aan weli gacanta laguso dhigin.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Raisulwasaare Xamse ayaa sheegay in uu ka seexan wayaay iska markaana uu la murugooday in dad danbiyo culus galay ay ka baxsadaan gacanta laammaha ammaanka, isla markaana warbixinadii loo soo gudbiyay lagu muujiyay baaxada dhacdooyinkaasi.
Khudbadda Raisulwasaaraha oo lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee xafiiska warfaafinta ayuu hadalkiisu ku bilaabay “Subax kasta waxaa la keenaa warbixin, xaley maxaa dhacay, ama Afar iyo Labaatankii saac ee laga soo gudbay maxaa ka dhacay magaalada? markii aan aqriyay waxaa ii soo baxday in seddax maalmood oo isku xigta aan tiriyay dad aan ka yareyn dhowr iyo Laabatan qof oo dhimatay, oo la leeyahay haddana wey baxsadeen, Wuu dhintay waa baxsaday, Maydka waxaa la leenay, C-I-D-da Waa baxsaday kii kale waa baxsaday”.
Hadalkaan oo qeybtiisa hore oo la jarjaray laguna baahiyay baraha bulshada ayaa ujeedada uu ka lahaa raisulwasaaruhu ay aheyd in dadka ka baxsaday gacanta laamaha ammaanku ay yihiin dadkii danbiga gaystay ee aanu aheyn meydkii, isla markaana si qaldan loo dhigay hadalka.
Raisulwasaaraha ayaa sheegay in ay qaateen in suurtagal aanay ahaan karin in dad gaystay danbiyo dil ah ay ka baxsadaan gacanta laamaha ammaanka gaar ahaan waaxda danbi baadhista.
DHAQAATIIRTA DADKA NOOLEYSA
Hadalka kale ee sida weyn baraha bulshada loogu faafiyay ayaa ahaa mid lagala soo dhex baxay khudbad uu Raisulwasaare Xamze ka jeediyay munaasabad xarigga lagaga jarayay Xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka oo lagu qabtay magaalada muqdisho toddobaadkii hore.
Xamse Cabdi Barre, Raisulwasaaraha xukuumada ayaa sheegay in Soomaliya ay ahayd dal ku jiro sida uu hadalka u dhigay “waaxda adeegga deg dega ah” ee ICU-da oo ula jeediyay marxalada uu dalku soo maray, isla markaana hadda ay dadka soomaaliyeed iyo dowladnimadiiba ay soo kabanayaan.
“Waxaynu nahay waddan burburay oo dhibaato weyn soo gaartay, oo Afartii waxood oo aan laheynba ay qallaleen oo ay I-C-U-da ku jiraan , marka maalinba midbaa inoo dhaqaaqeysa oo aan la baxeynaa, Lug baa inoo boodday, mid baa inaga jaban wali, halmar kama istaagi karno laakin waxaa Ilaah mahadii ah in si tartiib ah ay lugaheena iyo gacmaheena u soo noolaanayaan” ayuu yidhi raisulwasaaraha oo u muuqday mid kusii muusoonaya hadalkaasi.
Dad u badan dhalinyaro ayaa sidoo kale hadalkaan si weyn ugu wadaagay baraha bulshada ee lagu wada xidhiidha.
AAN U NOOLAANO SIDII BINI’ADAMKII
Markii ugu horreysay ee baraha bulshada uu ku faafo hadal maad loo dhigay kaasoo kasoo baxay Ra’isulwasaaraha oo la xidhiidha marxaladaha kala duwan ee dalka waxaa ay aheyd December 2022kii markaa oo khudbad uu ka jeediyay madal looga hadlaayay arimaha amniga uu ka sheegay Ra’isulwasaaruhu in la joogo xiligii ummadda Soomaaliyeed ay ka fakari laheyd aayaheeda isla markaana si dhab ah looga wada hadli lahaa xuquuqda ka maqan danyarta Soomaaliyeed.
Khhudbadda Ra’isulwasaaraha oo dheerayd ayaa waxaa ku jirtay qeyb u dhigneyd 'waxa la soo gaarey xiligii aan go'aansan lahayn in aan u noolaano sida bini'aadamku unool yahay''
Hadalkaan oo uu Ra’isulwasaaruu kaga hadlaayay marxaladaha kale duwan ee ka taagan dalka ayaa sidoo kale waxaa lagu faafiyay baraha bulshada iyada oo ay ka dhasheen falcelinno kala duwan.










